Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Cirka Soomaaliya Oo U Dabaaal Degaya Sanad Guuradii 59-aad Ee Aasaaskoda

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudisho(SMN)- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe  ayaa hambalyo u diray ciidamada Cirka ee xoogga dalka Soomaaliya oo maanta u dabaal degaya sanad guuradii 59-aad ee kasoo wareegtay illigii la aasaasay.

“Anigoo ku hadlayo Magaceyga iyo kan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya waxaa hambalyo u dirayaa Sarreeyayaasha, Saraakiisha, saraakiil xiggeenada, alifleyda iyo Dableyda ciidanka cirka oo u dabaal degaya sanadguurada 59-aad ee aasaaskooda” ayuu yiri Gen. Indha-Qarshe

S/gaas Daahir Aadan Cilmi indha-qarshe ayaa Xusay in lagu hoolan yahay siddii horumar loo gaarsiin lahaa taliska ciidanka cirka, isaggoo xusay in ciidankaasi muddooyinkii dambe ay kusoo biireen saraakiil dhalinyaro ah oo aqoon leh.

Ciidanka cirka ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa la Aas-aasay 14 Febraayo Sanadkii 1960, Waxaana sanadkaan ay u dabaal degayaan sanad guuradii 59-aad ee kasoo wareegtay xilligii la aasaasay.

The post Ciidanka Cirka Soomaaliya Oo U Dabaaal Degaya Sanad Guuradii 59-aad Ee Aasaaskoda appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this