Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Magaalada Mombasa Oo Adkeynaya Amaanka Magaaladaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Mombasa(SMN)- Saraakiisha amaanka ee magaalooyinka Mombasa iyo Kwale ee woqooyi bari dalka Kenya ayaa sheegay in ay howgalin doonaan dagaalyahano horay uga soo goostay Al-shabaab si ay uga hortagaan weerarada magaalooyinkaasi ka dhaca.

Taliyaha booliiska magaalad Mombasa Evans Achoki ayaa tilmaamay in ciidamada ay tababareen ay hogaamin doonaan howlgalada ka dhanka ah la Al-shabaab ee ka bilaaban doona magaalooyinka Kwale iyo Mombasa.

Todobaadkii la soo dhaafay maamulka magaala xeebeedka Mombasa ayaa sheegay in ciidamadaasi ay si hoose ula shaqeyn doonaan laamaha amaanka ,si ay uga caawiyaan ka hortaga weerarada ay soo maleegaan Al-shabaab.

Mr Achoki ayaa sheegay in ololahaasi lagu xaqiijinayo amaaanka magaalooyinka Mombasa iyo Kwale ay bilaaban doono 26-ka bishan.

Si kastaba ha’ahaatee howlgalkan ka bilaaban doona magaala xeebeedka Mumbasa iyo magaalada Kwle ayaa waxaa maal galinaya ururka Midowga Yurub,si loo yareeyo qatarta Al-shabaab oo weeraro ka geysta dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Dhawaan ayey aheyd markii madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata uu shirkii Midowga Africa ee lagu qabtay magaalada Addis Abbaba ka sheegay in awooda Al-shabaab ay ku sii fideyso dalal badan oo dhaca geeska Africa,sidaas darteedna ay muhiim tahay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah.

The post Maamulka Magaalada Mombasa Oo Adkeynaya Amaanka Magaaladaasi appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this