Sign in to follow this  
Deeq A.

Tagista Xamar danbi ma aha hadii aanu qofku hawlo siyaasadeed u tagin iyo wax yeelaynta qaranimada Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

TAGISTA XAMAR DAMBI MAAHA HADII AANU QOFKU HAWLO SIYAASADEED U TAGIN IYO WAX YEELAYNTA QARANIMADA SOMALILAND !!!

Mogadishu waa magaalo madaxda dalka aynu jaarka nahay, waana magaalo soomaaliyeed qofkasta oo ay dan ka gashaana wuu tagi karaa oo danihiisa wuu ka soo qabsan karaa ama wuu u joogi karaa, tagisteeda iyo joogisteeduna waxa ay la mid tahay uun tagista iyo joogista dadka reer Somaliland joogaan magaalooyinka iyo dalalka kale ee aduunka.

Marka aynu ka hadlayno haddaba tagista Muqdisho ee qofka reer Somaliland waxa dareenka gaarka ah ay u leedahay waxa weeyi; Somaliland iyo Somalia oo inta ay isku darsadeen dawladnimadoodii 1960kii haddana dib ula soo kala noqday, waxaana ay wali wax qabyo ka yihiin in sifo sharciya loo kala baxo oo laba dal oo rasmiya oo labadaba caalamku aqoonsan yahay aynu kala noqono.

Tagista Muqdishu ee qofka reer Somaliland wallow ay kala xasaasisan yihiin siyaasiyiinta iyo dadka caadiga ahi, oo ay shaki keenayso masuuliyiin xilal qaran oo wasiirnimo Somaliland ka soo qabtay tagistooda muqdisho oo markiiba ay maskaxdu soo tuurayso in ay hawlo siyaasadeed iyo mansabyo dawladeed u doonteen.

Haddana Muqdisho iyo Somalia waxa kaliya ee ay Somaliland isku hayaan waa arimo siyaasadeed oo la xidhiidha qaranimada ama maamulka dawladnimo iyo kala madax banaan, waxa kale oo dhan iskuma hayno.

Somalinimo iskuma hayno , diin iskuma hayno , dhaqan iskuma hayno , ganacsi iskuma haysano , qabiilna la iskuma hayo ee waa qaranimada ay labada dal isku darsadeen markii hore, haddana aynu la soo kala noqonay , waxii la xidhiidha qaranimada iyo waxii reer Somaliland siyaasiyan iyo sharciyan isku waafaqeen cidii baal marta ama jabisa ayaa dambi ku jirta.

Waxa inagu badan haddaba in siyaasiyiin badan oo reer Somaliland ahi Somalia tagaan, oo xilal looga dhiibo dawlada Somalia, dadka reer Somaliland ayaa u yaqaana shaqsiyaad shaqo tagey laakiin aniga arinkoogu wuu igala culus yahay shaqo tag.

Sababta oo ah siyaasadu maadaama aanay ahayn xirfad gaar loogu shaqeysan karo iyada oo aanad dawlad u shaqeynayn sida, macalin, dhakhtar, xisaabiye, oo ay tahay nidaam dawladeed ka shaqeyntiisa adiga oo raacaya mabaadii dastuur iyo shuruuc aad aaminsan tahay, ama aad u dhaaranayso in aad daacad u tahay.

Waxa ay noqonaysaa dad nusqaan u soo jiiday naftoodii iyo dalkoogii, hadii ay xilal Somaliland hore uga hayeena laba mid uun weeyaan in aanay marka horeba aaminsanayn somalilandnimada iyo in uu isbadel ku dhacay oo ay badaleen waxii ay aaminsanaayeen.

Maantaba kumayaal reer Somaliland ah ayaa ka shaqeeya Somalia iyaga oo aqoontooda ugu shaqeeya hay’adaha caalamiga ah , ganacsiyo iyo hawlahooga kale ee u gaarka ah ceebna maaha oo sida ay aduunka kaleba dadku uga shaqeystaan ayuun bay ugu shaqo tageen, kuwani ayaa la odhan karaa dad shaqo tagey.

Sidaasi oo kale ayey kumayaal reer somalia ahi uga shaqeystaan Hargeisa iyo guud ahaan Somaliland oo waxa uun ay la mid yihiin dadka aduunka kale inooga yimaada ee Somaliland ka shaqeeya , maalgashada oo ka ganacsada.

Haddaba hadii ay Somaliland shaqsiyaad baad sheegaysaa e inta maanta masuuliyada iyo xilalka qaranka u haysa oo dhami ay xamar isku shubaan ilama aha in ay Somaliland wax u noqonayso oo waxa ay noqon doonaan uun shaqsiyaad naftoodii iyo dadkogii khiyaamayey.

Somaliland na waxa ay ku timi oo ku dhisan tahay go’aan shacab , cid wax yeeli karaysaana ma jirto hadii ay Somalia tagaan iyo hadii ay meel kala tagaanba , ee midhkaa hala guntado dadkaygoow.

#Fiiro_Gaara: meel laga shaqeeyo oo aqoontaada iyo xirfadaada loo hibeeyo dalkaaga Somaliland ayaa ugu wanaagsan xataa hadii aanad dhaqaale badanba aanu kaa soo galeyn.

Aragtidayda

#Somaliland_Allow_Dhowr

Muhamed Dhimbiil

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this