Sign in to follow this  
Deeq A.

“Muddadii Xukuumadda Muuse Biixi Talada Haysay Qiimihii Somaliland Hoos Ayuu U Dhacay…” Prof Cabdi Cali

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Prof. Cabdi Cali Jaamac ayaa shaaciyey in qadiyada somaliland ay maanta marayso halkii ugu hoosaysay.

Prof Cabdi Cali oo soo saaray qoraal uu kaga hadlayo qadiyada somaliland ayaa sheegay in mudadii ay talada dalka haysay xukuumada madaxweyne Muuse Biixi uu hoos u dhacay qiimihii ay lahayd somaliland.

Proff Cabdi Cali ayaa qoraalkiisu waxa uu u dhignaa sidan:

Faahfaahinta Saddex Hal oo Badheedha ah.

1- Waa iga Mabda’

Ma jirto maalin dadka reer Somaliland ee jecel la soo noqoshada qaranimadeena uga cabsi badan yihiin qaddiyadooda; lama filayn taas maanta oo kale oo kuwii u soo halgamay hoggaanka hayaan aniga iyo dadka ila midka ahi iska daa kuwa Xamar lagu xamanayo’e, waxanu qabnaa in dawladda lafteedu markay ugu yar tahay ka seexatay ama dayacday soo noolaynta rajada Somaliland; waxaba xukuumaddani kow ka tahay waxyaalaha ay ku marmarsoodaan kuwa Xamar doonaya.

Kuma raacsani oo gar iyo daw toona uma laha; laakiin ma ka war haysaa xukuumaddani in ay kuwaasi ay rabaan in ay ka dhigtaan rajo xumadaas musbaarkii u danbeeyay ee naxashka Somaliland lagu dhufto; maalin walba waxan ku waaniyaa kuwaas in ay kala saaraan Qaranimada iyo xukuumadda maanta talada haysa; Laakiin rajo xumo badan oo u muuqata ayay iyaguna ii miisaan.

Horta gari Alley taqaanaaye, mid waan qirayaa; haddii aynu badeecad ka dhigno Somaliland, dee Ilaah baa ina dilaayee, intii xukuumadani talada qabatay qiimaheedii suuqu hoos buu u dhacay!!!!. Ma qabo sida xukuumaddu inoogu khudbadayso in cidda dubaha la dhacaysa Somaliland ay tahay Farmajo iyo Kheyre; waxan qabaa in gudaha laga dubaynayo, taasina ay soo dedejinayso kala diridda Somaliland.

Aniga iyo kuwa ila midka ah Somaliland tu waa ka Mabda’a; suuqeedana cirkaanu geyn lahayn; laakiin cidda maanta middida daabkeeda haysaa ama ha is ogaadaan ama yaanay is ogaane qiimihii Somaliland dhulka ayay galiyeen. Ma ka bes baa mise arrinku waxa weeye halkii la yidhi: Hashu maankayga gaddee, ma masaar bay liqday!!!; War jiraaba cakaaruu iman; qodobka sagaalaad ee Qaxoolajiguna wuxu dhigaa sidan: Qaladka aad adigu ku jirto, ku eedee ka kale intaanu kugu eedayn!!!

Dhinaca kale, ma qabo dhalinyarta iyaga laftoodu isku khaldaysa taageerada xukuumadda maanta iyo qaranimada Somaliland (labada qolo waa isku xanuun) in iyana ay difaaci karayaan jiritaanka Somaliland; aniga iyo dadka ila mid ka ah ee xukuumadda saluugsan ayaa ku dhaana u caqli celinta walaalahaas niyad jabsan. Waxan uga digayaa qolooyinka Social media ha wax ku qora ee xukuumadda taageeraa in aanay qodaxda sii fogeyn!!!

2-Midna waa Iga Go’aan:

La Soco Postiga danbe

Cabdo; Maamul wanaagga iyo hoggaanka suuban.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this