Sign in to follow this  
Deeq A.

“Muuse Biixi Waxaan Leenahay Wixii Aad Ka Baratay Cigaal Ee Aad Sheegtay Ku Dhaqan…” Jamaal Jaamac Xaamud

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Jamaal Jaamac Xaamud, ayaa ka hadlay lacagta horumarinta Gobollada Bari loogu talo galay ee dhawaan Golaha Wakiilladu sheegay in lagu isticmaalo meelo aan loogu talo gelin.

jam.jpg

Jamaal Jaamac Xaamud ayaa waraysi gaar oo uu siiyay Wargeyska Waaberi, waxa uu Xukuumadda Madaxweyne Biixi ugu baaqay in aanay lacagtaas lunsan sidii xukuumaddii hore ee KULMKIYE, isaga oo xusay in loo baahan yahay in la gaadhsiiyo gobolladii loogu talo galay

Xoghaye Jamaal oo wax laga waydiiyay sida ay u baxdo lacagta 2% ayaa yidhi “ Arrintaa 2% waa jirtay in loogu talo galay in lagu horumariyo Gobollada Bariga oo loo saaray cashuurta dadka shacabka ah ee Ganacsatada ah in lagu soo kiciyo Gobollada Bariga , runtii labadii sano ee ugu dambaysay ma dhicin sidii loogu talo galay ummay gaadhin wixiina waxa laga dhigay Somaliland oo dhan wax ka dhaxeeya , markii hore waxa uu qorshu ahaa in lagu soo kiciyo gobollada Bariga dalka oo ka hadhay gobollada Galbeedka markaa gobolladaa habsaamay ee dib u hadhay in la soo kiciyo oo lagu soo kiciyo nabada lagaga shaqeeyo, horumarka lagaga shaqeeyo ayey ahayd, laakiin sidii loogu talo galay umay dhicin, hadda waxaanu jecelnay maaddaama labadii sano ee u dambeeyey ay luntay in hadda laga hawl –galo sidii lacagtaa loo gaadhsiin lahaa gobolladii loogu talo galay ee gobollada Bariga oo loo soo gaadhsiin lahaa gobollada Galbeedka ayaanu jecelnay inay dhacdo oo KULMIYIHII hore haddii uu khasaare keenay aanu KULMIYAHA danbe kula xisaabtano .”Ayuu yidhi Xoghaye Jamaal.

Waxa kale oo uu sheegay Xoghaye xigeenka WADDANI inuu Madaxweyne Biixi indhihiisa ku soo arkay gobollada Bariga baahiyaha ka jira iyo in aan wax-ba lagaga qaban lacagtaa 2% ee la leexsaday labadii sano ee u dambeeyey “ Madaxweyuhu waa tii uu waddanka soo maray, waa arkayaa oo waa ujeedaa qorshuhu sida ay ahaydna waa garanayaa waxaanu jecelnay inay gaadhay arrintaasi oo uu hayo, maalintii dhaweydna waa tii la lahaa meelo kale ayaa wax lagaga qabtay , haddii wax lagu qabanayo in gobollada Bariga wax lagaga qabto ayey ahayd lacagtaas.waxaanu jecelnahay inay hawshaa si miyir qabta inay u gaadho gobolladii loogu talogalay 2% kaasi .”

Geesta kale waxa uu sheegay in Madaxweyne Biixi laga rabo sidii uu isu soo gaadhsiin lahaa gobollada Dalka Bari iyo Galbeed “Madaxweynaha isaga ayey u taalaa isaga ayaa waddanka Madaxweyne u ah isaga ayaa ay gacantiisa taladu ku jirtaa, siduu gobollada isu soo gaadhsiin lahaa oo uu gobolladaa Bariga u soo kicin lahaa oo uu u soo gaadhsiin lahaa gobolada horumaray ee galbeedka Madaxweyne Biixi ayaa laga doonayaa “

Ugu Dambeyn Xoghaye Jamaal Jaamac ayaa ugu baaqay Madaxweyne Bixii inuu ku dhaqmo samirkii iyo dul-qaadkii uu sheegay inuu ka bartay Ex Marxmuum Madaxweyne Cigaal , isla markaana uu dadka iyo dalka isku wado “Maalin dhaweyd waxaan maqlayey Madaxweynaha oo leh Cigaal waxaan ka bartay siyaasada ah dul-qaad iyo isu tanaasul iyo in la isku wado Somaliland baan ka bartay ayuu yidhi markii aan ahaa wasiirka arrimaha Gudaha ee Cigaal, waxaan leenahay wixii aad ka baratay cigaal ee aad sheegtay ku dhaqan oo dul-qaad yeelo Samir yeelo dadkii sidii aad iskugu wadi lahayd ayaa lagaa rabbaa ee aad iskugu soo dhaweyn lahayd, in aad dalka isa soo gaadhsiiyo in aad dulqaadkii iyo tanaasulkii aad ka baratay Cigaal aad ku dhaqanto ayaa lagaa rabbaa ileyn adaa yidhi waan la bartee .”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this