Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DFS Oo la wareegay deegaan ka tirsan J/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in maanta ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay la wareegeen deegaanka Kobon oo hoos yimaada magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi.

Ciidanka ayaa weerar ku qorsheysan ku qaaday deegaankaasi, iyagoona gacan ku heynta kala wareegay dagaalayahannada Al Shabaab.

Sidoo kale ciidamada ayaa soo saaray ku dhawaad 20 Miino oo lagu aasay halkaasi, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan weerarkaasi.

Muddooyinkii dambe ciidamada DFS iyo kuwa Jubbaland ayaa howlgallo milatari ka waday gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

The post Ciidamada DFS Oo la wareegay deegaan ka tirsan J/Hoose appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this