Sign in to follow this  
Deeq A.

Waaya aragnimadeyda saxaafada ayaa warkii danjire Tarsan iga joojisey

Recommended Posts

Deeq A.   

Danjire Maxamuud Axmed  Nuur Tarsan oo dhawaan  Waraaqaha aqoonsiga ka Gudoomey Madaxweynah Kenya Uhuru Kenyata  oo Wareysi siinayey Talefishinka Universal oo ay si gaar u Wareysaneysey Wariye Xamdi Maxamed Kediye,wareysigaas oo saakey  ahaa mid si aad ah looga hadal hayey  Dalka , waliba  dadka waxay faafinayeen in Tarsan uu wareysigaas ku sheegey  Dhaliil uu u jeediyey  Dowlada Madaxweyne Farmaajo iyadoo Bulshada  ay in badan igu riixayeen wax ka qorista Warkaas oo qaarkood waxay igu celcelinayeen n warkaas uu Muhiim  yahay Qoristiisa

Waxaan damcay in aan wax ka qoro Dhaliisha Danjire ee la sheegey in Tarsan uu u jeediyey  Dowlada  ,sidaa darteed inta aanan Qorin baa Go’aansadey  aan hubsado Warkaas , waxaan soo Xasuustey  Maahmaahdii ahayd  “Hubsiimo Hal dhan baa la siistaa” waxaan Dib u dhageystey Wareysigaas oo soconayey muddo Saacad ku dhawaad . Kor iyo Hoose baan u fiiriiyey Wareysigaas aad baan ugu lab laabtey , waxaan ka waayey Dhaliiliihii  uu Tarsan u jeediyey Dowlada Farmaajo

Waxaa uu ahaa Wareysi kii ugu fiicnaa oo aan dhageysto ama aan daawado ,waxaa uu ahaa wareysi u badnaa soo celinta Karaamada iyo sharafta Ummada Soomaaliyeed marka la fiiriyo Howsha Safaarada Soomaalida ee Kenya  iyo sida Dadka Soomaaliyeed Xiriir ula yeelan lahaayeen safaaradda islamarkaana loo xalin karo Caqabadaha jira

Hase yeeshee waxaan Wareysigaas ka dhex heley Su’aal  ay  Xamdi Kediye  Weydiisey Danjire Tarsan oo  ahayd Shirkii London ee Shidaalka waxaa uu Tarsan ku jawaabey “ Shidaalkaas  aanan arkeyn ee Dhulka ku jira oo aan la soo bixi Karin, oo Ilmaheenna Bakeeri Biyaa u dhimanayaan,  maxay noo tarI Badrool baan haysanaa iyadoo Dhinac waliba  aan ka liidano  marka waxaan DadKa Soomaaliyeed leeyahay ka digtoonaada Siyaasi Danleey ah oo aan dooneyn Horumarkiina , Anigana waxaan leeyahay warbaahinta iyo Bulshada Soomaaliyeed  in ay   mar waliba ay Hubsadaan wararka ay Faafinayaan ee Been Abuurka ah, sidaa Darteed Waaya aragnimadeyda Saxafadeed  baa Iga joojisey Warkii Tarsan .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this