Sign in to follow this  
Deeq A.

Abshir Muuse oo lagu dilay degmada Wadajir ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Koox hubeysan ayaa duhurnimadii maanta waxa ay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Kaawo Godey ku dishay nin ka mid ahaa dadka Deegaanka.

Dilkan ayaa ka dambeeyay kadib markii laba Dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado ay goobtiisa ganacsi ku beegsadeen Ganacsade Abshir Muuse oo si weyn looga yaqaanay xaafadaasi.

Raggii dilka geystay oo aan la ogeyn halka ay ka tirsan yihiin ayaa goobta ka baxsaday kahor inta aysan halkaasi gaarin ciidanka ammaanka oo sameeyay baaritaan lagu soo qabtay dhawr qof oo dhalinyaro u badan.

Dadka ehelka la ah marxuumka la dilay ayaa sheegay in aysan garaneyn sababta loo beegsaday Abshir, waxayna dowladda ka dalbadeen inay cadaaladda horkeento raggii dilka ka dambeeyay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhowaan sare usii qaaday dilalka dadka shacabka ah ee Muqdisho, ayada oo sidoo kale billowday inay soo bandhigto muuqaalo ay kasoo duubto dilalkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.om

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this