Sign in to follow this  
Deeq A.

Boliiska Ingiriiska Oo Xafiiska London Ee Shirkadda SOMA Baadhitaan Ku Sameeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

34583691-300x201.jpg

Boliiska Dawladda Ingiriiska ee ka shaqeeya baadhitaanka musuq-maasuqa iyo lacagta la lumiyo, “Serious Fraud Squad”, ayaa xafiiska Shirkadda SOMA Oil & Gas ku sameeyey baadhitaan laxaad leh oo quseeya lacag la siiyey sarakiil ka tirsan dawladda federaalka ee Muqdisho, iyadoo wakhtigaa shirkaddu ku jirto tartan qandaaraas ay dawladda federaalka ee Muqdisho ke eg, ay ku bixinasay saamenyta shidaalka xeebaha Soomaaliya.

Wararka ka soo gaadhaya Qarannews ayaa sheegay in shirkadda SOMA oo uu madax ka yahay, Lord Howard, oo ahaan jiray siyaasi ruug cadde ah oo ka tirsanaa dawladdii Margaret Thatcher, oo marna ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ee wakhtigan haya talada dalka Ingiriiska, (Conservative Party) , ay lacag aan la caddeyn waxay tahay siisay la-taliya la shaqeeya dawladda federaalka ee Muqdisho ku eg.

Sida wararku sheegayaan, shirkadda SOMA waxay ku balanqaaday in ay bil walba siiso ilaa $5,000 ama (3,200 Giniga Ingiriiska), lix qof oo ay soo xushay dawladda federaalka ee Muqdisho. Waxaa xisaabtaa ku jira oo kale ilaa iyo $40,000 oo ay dawladda federaalka ee Muqdisho codsatay in loo bixiy kiro, gadiidka iyo hawl galo kale.

Arrintan oo ay baadhitaan xoog leh ku sameysay jaraa’idka Guardian ee ka soo baxa maalin walba dalka Ingiriiska, waxa kale oo ay sheegtay in lagu heesahay in shirkadda SOMA Oil & Gas ay qaadato 90% dakhliga soo baxa.

Sannadkii ina soo dhaafiyey, warbixin uu soo saaray xafiiska qaabilsan ilaalinta heshiishayada caalimiga ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in wali mugdi ku jiro heshiisyadda ay dawladda federaalka ee Muqdisho ay la gashay shirkadaha saameyn iyo baadhitaanka ku sameynaya batroolka iyo gaaska.

Dhinacooda, Shirkadda SOMA Oil and Gas ayaa igayuna warbixin soo saaray leh “aanay jirin wax lacag ah oo la siiyey shaqsiyaal ka mid ah dawladda federaalka ee Muqdisho ku eg”.

Si kastaba ha noqotee, mar hadii Booliska Ingiriiska bilaabay baadhitaan laxaad leh oo arrintan quseeya, waxaa laga yaaba in najiitada baadhitaanka loo gudbiyo xafiiska xeer ilaalahaya guud ee dawladda Ingiriiska.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this