Sign in to follow this  
Deeq A.

Mustaqbalka Ifiya ee DDS iyo Hogaaminta Suuban ee Madaxweyne Mustafe Cumar

Recommended Posts

Deeq A.   

Mustaqbalka Ifiya ee DDS iyo Hogaaminta Suuban ee Madaxweyne Mustafe Cumar

Wax badan ayay Darxumo, dibadyaal, iyo dagaalo lagu hoobtay ay soo mareen Shacbiga Soomalida Itoobiya ee ku nool Gobolka ay soomaalidu ka degto dalka Itoobiya. Dadweynahaasi waxay soo mareen waddo aad u dheer oo dhiig badan leh, dib u dhac iyo rafaad iyo inay qayrood ka hadhaan waxay ahayd silsilad ku taxan taariikhda madow ee ay Soomareen.

Kumanaan qof oo deegaanka Soomaalida Itoobiya u dhashay ayaa Qaxootinimo ku galay Wadamada deriska ah iyo dunida iyaga oo naftooda kala cararay colaadaha iyo dhibaatooyinkii ka jiray dhulkaas.

Markii la riday Taliskii kaligii taliyihii Mingiste sanadkii 1991 waxaa cid waliba u sacabo tuntay maamulkii Meles Zenawi oo sameey nidaam daadejin uu Gobolka Somalida u ogolaaday inay is maamulaan, waxaana bilowgii hore loo riyaaqay in dadkii Soomaalida Itoobiya ay ka hoos baxeen gumaysi ay ku hoos jireen boqolaal Sanadood.

Nasiib darro waxay rejadii luntay markii uu hoggaanka qabtay Maamulki Cabdi Iley oo xasuuqay kumanaan qof oo shicib ah, kumanaan kalena Xabsiyada ku guray. Isla markaasna Hantidii Ummada si foolxun ugu tagrri falay. Nasiib wanaag waxa yimid isbedel kadhacay Itoobiya oo uu hogaaminaayo mudane Abiye Axmed. Waxaana ay taasi soo dedejisay gadoodkii Shacbiga iyo ururadii Dulmidiidku ina tooshka ku Iidaan dhibta maamulka Cabdi iley uu gadhwadeenka u ahaa.

Waxay ahayd Maalint khayr qabta oo ku beegnayd 22 kii bishii August 2018 markii uu shirkii Madaxweyaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya u doortay Halgamaa Mustafe Muxumad Cumar ” Cagjar” waxaana markiiba noolaatay yididiiladii Shacbiga.

Muddo kooban gudahood ayuu Madaxweyne Mustafe ku Walaaleeyay oo uu ku middeeyay Shacbigii Soomaalida Itoobiya, waxa uu Xisbiyada ka sii daayay kumanaan qof oo Xaq darro u xidhnaa, waxaana uu fasaxay Xorriyadii hadalka, Waxaanuu ballan qaaday inaan cidna lagu xidhi doonin Fikirkooda. Waxa uu markiiba walaaleyay ummadii la kala irdheeyay. Waxaana uu suurto geliyay in ciidamadii ONLF IYO Ciidankii Liyu Booliska ee dagaalku u dhexeeyay ay walaaloobaan oo ay gacmaha is qabsadaan iyadoo laraacaayo mabaadidii iyo talooyinkii Raysal wasaare Abiye Axmed ee kudhisnaa isasaamaxaad iyo walaalnimada.

Madaxweyne Mustafe Cumar iyo Raysal wasaare Abiye Axmed waxay soo Nooleeyeen Rajadii luntay ee Shacbiga Soomalida Itoobiya. Waxana muuqda Mustaqbal Ifaya oo ka bidhaamaya Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo guud ahaan Itoobiya.

Ummada Soomaalida Itoobiya waxaa la gudboon inay iloobaan dhibaatooyinkii ay soo mareen oo ay u midoobaan hiigsiga horumarka Dalkooda, isla markaasna ay hogaamintooda la garab taagnaandaan Taageero si uu uga midho dhaliyaan in Ummadu ay gaadho horumar lagu soo hirto.

Dhinaca kale marka aynu eegno Raiisal Wasaaraha Dalka Itoobiya Mudane Abiy Ahmed Ali oo Xilka hogaaminta Dalka Itoobiya qabtay 2 April 2018 ayaa noqday Dayax usoo baxay Dalkiisa, waxaana uu sameeyay guulo aad u balaadhan marka la eego dhinacyada Nabadgelyada, Dhaqaalaha iyo guud ahaan soo afjarida Colaadihii ka jiray Gobolka oo ay ugu weynayd Colaadii u dhaxaysay Itoobiya iyo Eriterida.

Dadweynaha Soomaalida Itoobiya ayaa nasiib maanta u helay inay Dalkooda Hoggaanka u qabtaan Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo Raiisal Wasaare Abiye Ahmed, waxaana hubaal ah inay horumar muuqda gaadhi doonaan hadii ay hoggaankooda garab is taagnaandaan

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this