Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo gudoomiyey shir ka dhacay xarunta G/Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shir gudoomiyay shirka ay xarunta gobolka Banadir ku yeesheen wasaaradaha, guddiyada iyo hay’adaha kale ee ku midaysan tubta siyaasadda loo dhanyahay.

Shirka ayaa looga hadlay dib-u-eegista qaab dhismeedka hay’adaha qaranka iyo asteynta awoodaha dowladda oo ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta iyo federaalka xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Dib-u-eegista qaab dhismeedka hay’adaha qaranka iyo asteynta awoodaha dowladda oo muhiim ah u shaqooyinka iyo daadejinta hawlaha hay’adaha kala duwan ee dawladda ayaa kamid ah halbeegyada laga doonayo wasaaradda arrimaha gudaha in ay ku xaqiijiso sannadkaan 2019.

Shirka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay qorshayaasha shaqo ee maamulka gobalka Banaadir iyo sida ay ula jaan-qaadayaan halbeegyada Tubaha Qaranka iyada oo ugu dambayn lagu ansixiyay waajibaadka Shaqo ee tubta siyaasadda loo dhanyahay.

The post Khayre oo gudoomiyey shir ka dhacay xarunta G/Banaadir appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this