Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Kenya oo ku gacan-sayrtay inay Ciidamadeeda kala baxdo Gudaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

William_Ruto_Chatham_House.jpg?resize=84Nairobi (PP) ─ Dowladda Kenya ayaa sheegtay inaysan marna ka saari doonin Somalia ciidamadeeda qaybta ka ah hawl-galka Midowga Afrika ee Somalia [AMISOM], kaddib dalab dhawaan ka yimid siyasiyiin ay kua jiraan mucaaradka dalkaas.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto oo jimcihii lasoo dhaafay hadal ka jeedinayay machadka Chatham House ee London ayuu ku sheegay in xukuumadda Kenya aysan qorshaha ugu jirin inay ciidamadeeda AMISOM ka tirsan kala baxdo Somalia.

“Xukuumadda Kenya uma qorsheysana inay ciidamadeeda kala baxdo dalka Somalia, mana qaadanayno hadallada nooga imaanaya hoggaamiyeyaasha mucaaradka Kenya kaddib weerarkii Hotel DusitD2 ee Nairobi,” ayuu Ruto ku sheegay hadalkiisa.

Sidoo kale, Ruto ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee ku sugna Somalia ay qayb ka yihiin dadaallada lagula dagaalamayo kooxaha Argagaxisada ah ee ku sugna Soomaaliya [Al-shabaab]. Wuxuuna intaas ku daray inaanay jirin qorshe ay ciidamadooda kala baxayaan dariska ay dariska yihiin.

“Waxaan rumeysanahay in ciidamadeeda AMISOM ka tirsan ay hawlo aad muhiim u ah ay ka wadaan Somalia, waxaana rumeysanahay in dagaalka lagula jiro argagaxisada Somalia uu ka wanaagsan yahay inaan Kenya kula dagaalanno argagaxisada,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ruto ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha isbahaysiga mucaaradka Kenya ee ODM oo ay ka mid yihiin; Raila Omelo Odinga iyo mudane James Orengo ay ka dalbadayeen madaxweynaha Kenya in ciidanka KDF laga soo saaro dalka Somalia, balse uu ku gacan-sayray ayka ka go’an tahay in Kenya ay qayb ka ahaadaan ciidamadeenna dagaalka lagula jiro Al-shabaab oo uu ugu yeeray argagaxiso.

Ugu dambeyn, William Ruto ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha kooxaha mucaaradka ah ay doonayaan in ciidamada Kenya ay kooxaha argagaxiasda ah kula dagaalamaan gudaha Kenya, balse iyagu ay taas kasoo horjeedaan.

PUNTLAND POST

The post Xukuumadda Kenya oo ku gacan-sayrtay inay Ciidamadeeda kala baxdo Gudaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this