Deeq A.

Xukuumadda Turkiga oo Ergay u Magacowday Wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Olgan_Bakar_Ergayga_Turkiga.jpg?resize=8
Muqdisho (PP) ─
Xukuumadda Turkiga ayaa ergay u soo magacowday sidii loo sii wadi lahaa wadahadlalada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaas oo hakad uu ku yimid labadii sano ee lasoo dhaafay.

Ergayga Turkiga uu u soo magacaabay wadahadallada ayaa ah Olgan Baker oo horay u ahaa safiirka Turkiga ee Somalia, waxaana uu ergayga iyo xubno la socda ay soo gaareen Muqdisho, iyagoo kulammo la qaataan xubno uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia.

“Waxaanu kulannay Safiirka Turkiga ee Somalia, Mehmet Yilmaz iyo ergayga uu Turkigu u magacaabay wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland Ogan Bekar. Turkigu wuxuu ahaa marti-geliyaha iyo fududeeyaha wada-hadallada illaa markii la billaabay sannadkii 2012-kii,” ayuu yiri wasiir Axmed Cawad.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay inay labadan Dublamaasi ee Turkiga ah ka wada-hadleen arrimahan oo ay is dhaafsadeen fikrado kala duwan iyo sidi dib loogu billaabi lahaa wada-hadalladii nabadeed ee u dhexeeyay labadaan dinac.

Dhanka kale, Ergayga Turkiga ee Wadhadallada Somalia iyo Somailand ayaa la filayaa inuu dhawaan gaaro magaalada Hargeysa si uu kulamo ula yeesho Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaana la filayaa inay ka wada-hadlaan dib u bilaabidda wada-hadallada.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin Faratoon ayaa Toddobaadkii hore sheegay inaysan Dowladda Somaliland weli go’aan ka gaadhin damaca uu Turkigu ku doonayo in dib loo bilaabo wada-hadalladaas.

Ugu dambeyn, Dowladda Turkiga ayaa tan iyo sannadkii 2011-kii waxay si weyn dadaal ugu jirtay in Somalia ay noqoto waddan cagahiisa dib isugu taaga, iyagoo sheegay inay ka go’an tahay garab-istaaggan Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Xukuumadda Turkiga oo Ergay u Magacowday Wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.