Suldaanka

The Man who refused to follow orders from Siyad Barre demonstrates against selling out Somalia's assets

Recommended Posts

gooni   

Maakhir

Waxay u mudaaharadaayaan inaan la dhicin khayraadka beeshooda.

Duuliyahaan haday sax tahay waxuu sheegayo maxay snm xaflad ugu dhigi wayday taalada hargaysa hoosteeda?

Waxay snm isku iyo qofkii saminaar loo diraba isku dhiibi jireen been iyo dab lagusoo dhigay yaraantoodii ama jadeeco ama cagaarshow loogasoo gubay.

Reer galbeedkuna way rumaysteen sababtoo ah maysan arag waligood ciyaal cudur laga gubo

Dalka beenbaa lagu burbriyay ilaa iyo hadana lam towbad keenin

Xataa biixi waxaa loo diray tababar kororsi dhanka ciidanka cirkaa wuuna goostay waa khaa'inu wadan aan biyo is marin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Some people actually think this is jokes. I remember the Air attacks of Siyad Barre as a young kid. In particular I remember at one time when a bullets from the Fighter jet hit a rocky area not far from where I was hiding, the shrapnel from the rocks and bullets flew all directions almost hitting me. I was lucky but there was an uncle's wife died. She just gave birth few months earlier to a son.  Her son is currently enlisted with Qatar Army, I talk with him over WhatsApp. There were others that got wounded. I didn't see it myself but others saw the fighter jet downed by SNM Anti-craft.  

Another day, my mum and elder brother were out fetching water from Watering area North of Hargeisa (Beeyo Khadar village), and the attack Aircraft spotted them. They desperately managed to hide inside a Worth hog's borrow. 

The sound of the MiG fighter jet still gives me shivers.    

So, at least myself, I am internally grateful to this man who refused to follow the murderous regime's orders to kill indiscriminately. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Suldaan

Maadaama aad nin yar ahayd waxaa laga yaabaa inaad kala garan wayday rasaasta dhulka ka dhacaysa iyo baqdin gelinta guuxa diyaaradda.

Diyaaradu, waxay duqayn kartaa hadaf gaara oo cayiman, xaafado la degan yahay oo wax ku jira aysan ogayn ma duqayn karto.

Snm mushkiladeedu waxay ahayd, maysan ahayn, jabhad hor istaagi kartay dawladii soomaaliya ee markaas jirtay, waxayna inta badan la joogtay caruurta iyo dumarka, taasina waxay keentay khasaare soo gaara dadka shacabkaa siiba dagaalkii dhulka, oo nasiib daro ahayd runtii.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

Suldaanka, 

Qofkan aad la hadlayso waa mid kamida kuwii kasoo hadhay qowmkii mujrimiinta fulayda ahayd ee ku dhuuman jiray googaradaha dumarka markay SNM bidhaantooda arkaan. So I wouldn't entertain him with any meaningful story of our recent past. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Tilaabo

Adeer muhiim ma'ahan in laysu jawaabo, muhiimku waa inaad akhrisaa waxaad wax ka faa'iidayso, laga yaabo adigoo iminka dafirsan inay maalin ku anfacdo.

Taariikhda snm boqolkiiba 98 waa been, u badan in dadka walaalahaa lagu kala fogeeyo, aqoonsi beenana lagu maaweeliyo inta cimrigooda ka dhiman hadaysan is daba qaban.

Usoo noqo mowduuca

Duuliyaasha soomaalidu waxay ahaayeen muwaadiniin soomaaliyeed oo loogu talo galay inay dalkooda ka difaacaan cadawga gudaha iyo dibadaba waana shaqo ay dhaar usoo mareen

Jawaabtaas waxaa bixiyay dhawr iyo sodon sano ka hor cali samatar allaha u naxariisto.

Duuliye diyaarad dagaal looguma tala galin inuu dalxiisayaal qaado, mucaarad hubaysan oo dawlad iyo shacab aan arxan u galayn waa waajib in lala dagaalamo.

diyaaraduhu inta badan way argagax gelin jireen cadawga oo shacabka ku dhex milnaa. 

Way dhici kartay meelo kooban oo ay macluumaad dhulkaa ay ka haysteen.

Waa guuxa diyaaradda waxa duqaynta laguugu sheegay siyaad barre allaha u naxariistee ma ogolayn in shacabkiisa la laayo waa markhaati ma doonto.

Duuliyahaan jabuuti iska dhiibay nin iskii yurub u jeclaaday buu ahaa sidaan filayo baryahaas waxaa socday kacaanka is dhiibidda yurub.

Waana tan keenaysa inuu sadex habrood la muduhaaraado asagoo qaxooti ah.

Waxaan xasuustaa hotel la oran jiray taleex oo tarabuunka u dhawaa yaa waxaa meel ilasoo fariistay labo nin isla markiina isla sheeko noqonay sida soomaalida caadada u ah

Mid waa kornayl duuliye ah midna waa askari ilaalinaya igama qarin shaqadooda iyo midka kornaylka ah maadaama aysan labisnayn.

Waxaan la yaabay sababta duuliyaha loo ilaalinayo kuwa jeneraalo ahna suuqooda u mushaaxayaan

Askarigii oo aan sidaan filayo hubaysnayn yaan su'aashaas waydiiyay iyo sababtu keentay in la ilaaliyo

Wuxuu ii sheegay in magiciisa la yiraahdo (hebel) oo magac caana ahaa sababta uu ilaalinayana aysan ahayn cadaw looga baqayo, taa badelkeedana uu yahay nin dalkiisa soo difaacay soomaaliduna jeceshahay siiba dagaalkii 77

waa gartay magiciisa balse wali ma helin sababta ilaalada iimana uusan sheegin si fudud.

Waxaa u yimid wiil kabalyeeri ah ama adeegaha hodheelka wuxuu ka dalbaday kokolo iyo shaah askarigaa

Kornaylkii wuu istaagay sidii nin suuliga tagaya wuxuuba lasoo heshiiyay kabalyeerigii inuu biyo kulul ugusoo dhex daro kokoda.

Wuxuu kusoo noqday kursigiisii

wax yar ka dib waxaa yimid dalabkii oo baraf wata

Askarigii si degan buu kookadii u ursaday uguna sheegay inuu u keeno mid caadi ah oo aanqasnayn

Wuxuu ii sheegay in cadawga laga ilaalinayo yahay biyahaas kulul daawana ugu socoto isbitaalka "xoogga" oo uu xanuunsanayo sidaana ugama fogayn hoteelka aan markaas fadhinay.

Ujeedka aan ka wato sheekadan waa inaad ku barataan qiimaha geesiga dalkiisa difaaca uu ku leeyahay dawladiisa.

Hadiise geesi iyo mujaahid aad ku sheegtaan nin dalkiisa khiyaamay dumarna ku dhex dhintay waa nasiib daro inteeda le'eg.

Dawlad waa la mucaaradaa waana lala dagaalaa waana la badelaa balse ma wanaagsana in dhufays sodon sano isla magaaladii dhibku ka dhacay looga jiro, cuqdadna taariikh ma guurtaa laga dhigo.

Intaas waa free akhriso han ii jawaabin anigu sadaqadayda mar walba waan la baxayaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gooni,

Hadii aad adigu beenta aad ku dhaqantid, maha inay dadka kale oo dhan sidaada wada yihiin. 

Mid ayaan ku xasuusinaya, reer waqooyi sidooda ba beenta kuma dheereeyaan. Reer Koonfurka runta iskuma taxalujiyaan sidoodaba. :D

Reer Waqooyiga, hadii aad hebel waa beenaale suuqa u gasho, cay loola hadhay ma jirto. Laakin dhanka Koonfurta, hebel waa beenaale waxay ka dhigantay waa xariif wax kala tuurta. Isku si wax uma wada aragno.  

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.