Deeq A.

Sanad kadib 18 dhagax dhig uu sameeyay madaxweyne Farmaajo maxaa ka dhaqan galay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sanad ka hor safar ku maray gobolo badan oo ka tirsan deegaanada Puntland iyo Galmudug.

Hal Sano ka hor Madaxweyne Farmaajo waxaa uu deegaanada Puntland iyo Galmudug ka sameeyay Dhaxdhigga Mashaariic ku dhow 20, maamulada deegaanadaasi ka arimaya waxa ay sheegayaan in xataa aysan socon dadaallo lagu fulinaayo Mashaariicdii uu ballanqaaday Madaxweynaha oo markii horaba Siyaasiyiinta qaarkood ay la yaabanayeen sidda loo fulin doono.

Dhismaha dekedda degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayuu dhagax dhigay 23 Bishii January 2018, waa mid ka mid ah Mashaariicda dadka degaanada Galmudug ay u qabeen Baahida badan, Madaxweyne Farmaajo, xilligaasi waxaa uu sheegay  in sidda ugu dhaqsiyaha badan loo dhisi doono dekedda waxaana uu xukuumadda ku amray fulinta Mashruuca Dekedda.

Dekeddii wali howli kama socoto Sidda uu xaqiijiyay Shalay Senetor Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo sheegay in madaxweynaha hal sano ka dib looga fadhiyo fulinta dhismaha Dekedda Hobyo iyo Mashaariicdii uu ballanqaaday.

Akhriso mashaariicda madaxweyne Farmaajo uu dhagax dhigay sanad ka hor.

  1. Wado Laami isku xirta Garoowe & Eyl (222km)
  2. Wado Laami isku xirta Kala Bayr & Caluula(376km)
  3. Wado Laami isku xirta Galkacyo & Hobyo (264km)
  4. Wado Laami isku xirta Hobyo & Caabudwaaq (355km)
  5. Dayactirka laamiga isku xira Dhuusamreeb & Gaalkacyo (235km)
  6. Xarunta Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta-Gaalkacyo-Galmudug
  7. Xabsiga dhexe ee Galmudug – Galkacyo
  8. Xarunta xanaaneynta agoonta Ahlusuna – Dhuusamareeb
  9. Dugsiga Farsamada Gacanta – dhuusamareeb
  10. Dhismaha Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb
  11. Dhismaha xabsiga magaalada Dhuusamareeb
  12. Dhismaha Jaamacadda Umadda Gaalkacyo
  13. Dhismaha Jaamacadda Umadda Cadaado
  14. Dhismaha Jaamacadda Umadda Dhuusamareeb
  15. Dhismaha Jaamacadda Umadda Caabudwaaq
  16. Dhismaha Xabsiga Caabudwaaq
  17. Garoonka diyaaradaha Cadaado
  18. Dhismaha Dekedda Hobyo

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.