Dalmar1

Saraakiil ka tirsan sirdoonka Eritrea oo ku sugan Muqdisho

Recommended Posts

Dalmar1   

Eritrea ay ciidamo u direyso dalka Soomaaliya

image.png.ae2ee491380ffd28aeda586319c98c11.png

Saraakiil ka tirsan sirdoonka dalka Eritrea ayaa si qarsoodi ah ugu sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in ilaa sideed sarkaal oo ka tirsan sirdoonka Asmara ay ku sugnaayeen Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay, inkasta oo aysan caddeyn waqtiga rasmiga ah ee ay magaalada soo galeen.

Afar ka mid ah saraakiishan ayaa degan mid ka mid ah hoteellada Muqdisho [Ma shaacin karno magaca hotel-ka, sababo jiro awgood], halka afarta kale ay degan yihiin xarunta hay’adda nabad-sugidda qaranka ee NISA.

Wararka ayaa sheegaya in xubnahan ay Muqdisho u joogan inay caawiyaan sirdoonka Soomaaliya, ayaga oo siinaya tababaro lana wadaaga khibradahooda xagga sirdoonka.

Ma cadda muddada ay Muqdisho ku sugnaan doonaan.

Soomaaliya iyo Eritrea ayaa aad isugu soo dhowaanayey tan iyo markii labada madaxweyne ee Farmaajo iyo Afwerki ay booqashooyin ku kala bixiyeen Asmara iyo Muqdisho. Labada dal ayaa sidoo kale qeyb ka ah heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ee Ethiopia, Eritrea, iyo Somalia.

Dowladda Eritrea ayaa horey beenisay warbixin ay qortay jariidadda Indian OceanNewsletter oo lagu sheegay in Eritrea ay ciidamo u direyso dalka Soomaaliya, kuwaas oo tagi doona magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kadib markii warbixintaas uu daabacay wargeyska Indian Ocean Newsletter.

WWW.CAASIMADA.NET

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan sirdoonka dalka Eritrea ayaa si qarsoodi ah ugu sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay. Ilo-wareed…

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.