Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya Oo loogu baaqay in Somalia ay kala baxdo y Ciidankeeda

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi ( Sh. M. Network )-Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Kenya Moses Wetangula ayaa ugu baaqaday dowladda dalkaasi in Ciidamdeeda ay kala soo baxdo Soomaaliya.

Mr Wetangula oo haatan ah Senator ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi ayaa sheegay in Ciidanka Kenya ay kaalin weyn ka qaateen howlgalka lagu nabadeynayo Soomaaliya.

Waxaana uu intasi ku daray in Soomaaliya ay u aragto Kenya mid dhul qabsasho u socota, loona baayahan yahay  in la miisaamo qaabka loo wajahayo nabdeynta gobolka.

Sidoo kale Sanator-ka ayaa eedeyn dusha kaga tuuray hay’adaha Garsoonka ee Kenya , waxaana uu tilmaamay in ay daahiyaan xukunada ka dhanka ah dadka ku eedeysan falalka la xariira Argagixisanimada ee ay gacanta u galiyaan laamaha ammaanka dalkaasi.

Ciidamad Kenya ayaa Soomaaliya soo galay sanadkii 2011- kii, iyaga oo tan iyo xilligaasi ka qeyb galayay dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab.

The post Kenya Oo loogu baaqay in Somalia ay kala baxdo y Ciidankeeda appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this