Sign in to follow this  
Deeq A.

“Marka Aad Sharci Darro Samayso Ee Aad Been Ku Darto, Karkaarku Waydaartay KULMIYE”Proff Abdi ALI

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargaysa) Proff Cabdi Cali Jaamac oo jawaab qoraal ah ka soo saaray hadalka gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere ayaa sheegay inaanay jirin wax digniin ah oo la soo gaadhsiiyey ka hor Intii aan la shaacin in laga saaray xisbiga Kulmiye, waxaanu qoraalkiisa ku yidhi :-

A1DDDAF9-639E-423E-8E7E-FC44685FF1E5.png

Marka aad sharci darro aad samaysay, aad raaciso been indho-adayg ah, oo aad ka xishoon waydo ummaddaada waxay noqonaysaa in Ilaahay garabkaaga ka baxo oo

kar-kaarka ku waydaariyo!!!
Ku lahaa nimanka xisbiga laga saaray waa la mariyey dariiqii sharciga; waa loo yeedhay; digniin waa la siiyay; waxa kaliya ee u hadhsanaa waa ganaax; taasi ayuun baan la marin eriga ka hor!!!

Waxa ka daran sharciyada aan jirin ee uu daliishanayo; ku lahaa qofku xisbiga haddii uu dibadda ka dhaliilo, waa eri; waa jeebkiisa; xagguu ka keenay!!!; aragtiyada kala duwan ee xubnaha xisbigu warbaahinta waa laga sii deyn karaa; ma aha sir; bal, waa ba xaq ay leeyihiin muwaadiniinta la matalayaa si ay u ogaadaan in dantooda la isku hayo iyo in kale; in loo maqan yahay iyo in kale; cidda gardaran; cidda laga gardaran yahay; dukaankaaga ama gruigaaga ayaa hoosta laga soo xidhaa; xisbi dhan oo ummadi leedahay ma handaraabi kartid!!! Yaa miskiin!!!

Wallahi, maanta kuwani iigama baahna in aan caayo ama ceebeeyo, maxaa yeelay waxa ceeb ugu filan beenta intan le’eg ee ay halkan ku duubeen; bal dhegayso Link-gan; tolow maxaa ku kallifay been abuurka iyo masabidka intan le’eg; miyay kala quusteen Ilaahay iyo dadkiisa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this