Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda cusub ee Puntland oo xilka la wareegtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa maanta xilka kala wareegay madaxweynihii hore,Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) iyo ku xigeenkiisi Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar(Camey).

Munaasabad kooban oo saaka lagu qabtay xarunta madaxtooyada ayaa madaxda cusub kula wareegtay hoggaanka dowladda Puntland ee 5-ta sano ee soo socota,waxaana si wadajir ah halkaasi hadal uga jeediyay madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Gaas iyo madaxweynaha cusub Siciid Deni.

Mudane Cabdiweli Gaas oo hadalka ku hormaray ayaa mas’uuliyiinta dowladda iyo shacabka ka dalbaday in ay si buuxda u la shaqeeyaan madaxda cusub,isagoo sidoo kale cafis weydiistay cid kasta oo wax ka tabanaysay mudadii uu xilka hayay.

Dhinaca kale madaxweynaha cusub Siciid Deni ayaa isna munaasabada ka ballan qaaday in uu hawlihii dalka halkaa ka sii wadi doono,islamarkaana uu wax ka qaban doono shaqada dowladda ee hortaalla. Wuxuu intaasi raaciyay in uu mudnaanta kowaad siin doono bixinta mushaharaadka shaqaalaha iyo ciidamada dowladda.

PUNTLAND POST

The post Madaxda cusub ee Puntland oo xilka la wareegtay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this