Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Aw Xersi Oo Goobjoog Uga Warramay Sababta Beyle Isaga Xannibay Ama block u Saaray Twittet-kiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowlad goboleedka Jubbaland  Aadan Ibraahim Aw Xersi ayaa Goobjoog News uga warammay dhacdo ugub ku ah baraha bulshada gaar ahaan Twitter-ka kadib markii wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle uu block saaray ama iska xannibay xiriirka mas’uul ka tirsan mid ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah.

Aadan Aw Xersi ayaa dhacdadaasi kadib waxaa uu bartiisa Twitterka ku soo qoray ”  Waa wasiir maaliyadeed noocee ah midka muwaadin u xanibaya faallo yar uu bixiyey?”

bok.png

Haddaba, Goobjoog News waxaa ay Aw Xersi weydiisay sababta uu wasiir Beyle isaga xannibay xiriirkiisa, isaga oo arrintaasi ka jawaabayana waxaa uu yiri ” Aniga su’aal ayaan weydiiyey, ka muwaadin ahaan inuu iiga jawaabo ayey aheyd ee inuu block i saaro, waxaa ay muujineysaa dulqaad la’aantiisa”, isaga oo intaasi raaciyey “Sax ilama ahan in su’aal block loogu jawaabo, muwaadinka  in loo jawaabo xaq ayuu u leeyahay”.

Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowlad goboleedka Jubbaland  Aadan Ibraahim Aw Xersi ayaan sidoo kale weydiiney su’aasha uu wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle ka carooday, keentana in uu block saaro ama xannibo xiriirkooda barta Twitterka?

“Su’aashu waxaa ay aheyd, Laaluush miyaa ku jira qoondooyinka miisaaniyadda dowladda?” Maxaa ula jeeday hadalkaas markii aan dhahnay waxaa uu yiri “Laaluush in la bixiyo oo ay dowladda federalk ah bixiso waa muuqaa, ee su’aasheyda waa: Laaluushku ma wax qoondada miisaaniyadda ugu jiraa dowladda federaalka ah mise meel kale ayaa laga helaa?”.

Dhinaca kale, Goobjoog News waxaa ay iskudey xiriir la sameysay wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle, laakin nooma suurogelin.

Waxaa istaagsan xiriirka dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada.  Shir ka dhacay Kismaayo September 8, 2018, golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa xiriirka u jaray dowladda federaalka ah, inkasta oo xilligaasi kadib ay isbadal ka dhaceen labo maamul hadana ma jirto wax isu soo dhowaanshiyo ah.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this