Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Puntland oo Xukuumadda cusub u ansixin doona mid-mid

Recommended Posts

Deeq A.   
BAARLAMAANKA.jpg?resize=600%2C400&ssl=1Guddooonka Baarlamaanka Puntland

Baarlamaanka Puntland ayaa maanta ansixiyay ajandaha ay ku shaqeyn doonaan kalfadhiga 43-aad, kaas oo ka kooban dhowr qodob.

Ajandaha ay ansixiyeen Baarlamaanka Puntland waxaa ku jira in Golaha Xukuumadda uu soo dhisi doono Madaxweyne Deni loo ansixin doono mid-mid, iyadoo horey loo ansixin jiray si wadar ah.

Xeerkan ayaa laga yaabaa in uu keeno in qaar kamid ah Golaha Xukuumadda ee la soo dhisi doono ay kalsooni ka heli waayaan Baarlamaanka Puntland.

Sidoo kale ajandaha ay maanta ansixiyeen Baarlamaanka Puntland waxaa kamid ah ansixinta miisaaniyadda sanadkan 2018, si ku meel gaar ah muddo saddex bilood ah inta laga soo gudbinayo miisaaniyadda 2019, ansixinta barnaamij siyaasadeedka Xukuumadda cusub iyo xaalada amniga.

Baarlamaanka Puntland ayaa dhawaan la horkeeni doonaa Xukuumadda uu soo dhisi doono Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni.

ppl.jpg?resize=706%2C1056&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Baarlamaanka Puntland oo Xukuumadda cusub u ansixin doona mid-mid appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this