Sign in to follow this  
Deeq A.

Canbaareyn, Xadhiga Xaqdarradda ah , Ee C/XAKIIM GAAXNUUG CILMI, ABWAAN ABEES, SICIID MAXAMUUD GAHEYR. IYO WERIYAYAASHA XIDHAN>

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaan ka xumahay xadhiga xaqdarradda ah, ee xoriyadda looga qaado waddaniyiinta sharafta iyo karaamadda baddan ee Somaliland, Waa Xadhig khaldan, xukun xaq darro ah, iyo arrin ayaan daradeeda leh, si cadna uga turjumeysa cadaalad xumadda iyo habka, baal marsan garsoorka Somalilland,, Xukuumadda Kulmiye waxay caado ka dhigatey cabudhinta saxaafadda Somaliland, Waxaa xidhan 13 weriye oo ku Xidhan sifo sharci darro ah, Waxaa La xidhey Dad birmageydo ah Sidda Madax Dhaqameed
Abwaan Macalin IWM. Tusaale

ABWAAN ABEES

C/XAKIIM GAAXNUUG CILMI

SICIID MAXAMUUD GAHEYR

SULDAANKA BEESHA AYUUB

Waxa kale oo dhamaan shacabka Somaliland ogyihiin xadhiga dulmigga ah ee loogu gefo ,Dad shacab ah, oo aan magac lahayn, DHIBANAHA QARSOON . ..Mid DHUL uu lahaa Laga qaado, sifo sharci darro ah, lagu xidho. Waxa yaab iyo amakaag ah Dadkii KULMIYE Xillalka ka hayey dulmi loogo geysto ,xisbigii ay qeybta ka ahaayeen , EE Naf iyo maalba u hureen
Tusaale

JAAMAC SHABEEL

CABDI CALI

ABWAAN KUJARE

GEELJIRE

Waxaan Xasuusinayaa Xukuumadda Somaliland,

KU DHAQANKA DASTUURKA IYO SHURUUCDA WADDANKA

ILAALINTA XORIYADDA HADALKA

ILAALINTA XORRIYADDA SAXAAFADDA

ILAALINTA XORRIYADDA IYO HANTIDDA SHACABKA

Somaliland iyo shacabkeeda cadaalad ayaa deeqda,Fadlan sharcigu ha sareeyo. Xil ha la iska saaro ilaalinta xuquuqda, distoorigga ah ee WADDANIGA,

WADDANIGA DHABTA AH, ALLOW DHAWR

Abaadir

Alberta
Canada

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this