Sign in to follow this  
Som@li

Sweden: Gabar Soomaaliyeed oo Kaalinta Koowaad ka gashay tartanka dugsiyada sare....

Recommended Posts

Som@li   

ruweida.jpg

 

Ruweyda Maxamed C/laahi Faahiye waa gabar soomaaliyeed oo da`deedu tahay 19 sano. Ruweyda iyo reerkeedu waxaa ay degan yihiin magaalada Umeå ee ku taal waqooyiga wadankan Sweden. Ruweyda waxaa ay ku dhalatay wadanka soomaaliya gaar ahaan magaalada Boosaaso ee caasimada ganacsiga gobolada La isku yiraahdo Puuntland. Ruweyda waxaa ay dhigataa fasalka saddexaad ee dugsiga sare oo lagu magacaabo “Östragymnasiet”, kaas oo ku yaal isla magaaladaas ay Ruweyda iyo reerkoodu degan yihiin. Sida caadiga ah dugsiyada sare waxaa ay leeyihiin qaybo kala duwan oo ay ardaydu doortaan sida qaybta ciyaaraha, sayniska, isgaraasiinta iyo cilmiga buslshada oo kala duwan.Ruweyda waxaa ay dhigataa qaybta culuunta bulshada ee ku wajahan arimaha caalamiga ah.

 

Sweden: Gabar Soomaaliyeed oo Kaalinta Koowaad ka gashay tartanka dugsiyada sare..

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Congrats Ruweyda Maxamed C/laahi Faahiye.

 

Ta labaad Dabshid, sawirka bal ka qari Alle-u-baahane.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

From what I heard it is hard for somalis to do well in school in Europe since there is lota descrimination and what not. Ofcourse, I shouldnt be baised, there is other issue that will come to play, as mentioned in the article like the parents not having a job, or the somali community not working with one another. Since, there is all those obstacles, Ruweyda still made it so she must be really smart masha-allah. keep up the good work Ruweyda.

 

Taliban walaal Ruweyda is arabic name, however, there is lota somalis out there with that name.

 

wa salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

^Righ, Ruwayda is an Arabic name,

 

Masha Allah, she did a good job, why hide from Allah-U-Baahane? He was looking for a girl? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Ruwayda is a 19 years old Somali girl, she and her family live in Umeå, North of Sweden. She was born in Bossaso, Puntland, Somalia.

 

Ruwayda, and three other Swedish girls from her class took part a tough student competition (education) organized by TCO, the competition was taken part by more than 150 schools, 10,000 students, she and her classmate became first, and was awarded 8000 kr each !

Share this post


Link to post
Share on other sites
ElPunto   

^Thx Dabshid. Congratulations to her. To distinguish hereself so clearly is impressive but to so in immigrant unfriendly Sweden is even more impressive.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Hambalyo Guusha Ruweida Mohamed.

 

tco_vinnare.jpg

 

Waxaa haboon,Xusideeda mudan guulaha,horumarka iyo Wixii ku Saleeysan dhanka Wanaagsan oo Qof Somaaliyeed gaaro in lagu farxo,lana soo dhoweeyo,taageero iyo bogaadin la fidiyo.

 

 

Hadaba Anigoo ah Muwaadin Somaaliyeed,Qoraa ah,had iyo jeerna la duuban Wanaaga, howlaha Kobcinta Aqoonta, Guulaha Qiimaha leh oo Muwaadimka Somaaliyeed hanto,gaar ahaan Bulshadda

 

 

Qurna jooga ah,waxaan halakn Amaan,bogaadiin iyo Hanbalyo diiran uga soo gudbinaayaa-Gabadhan Da'da yar oo guusha Aqooneed ka soo Hooysay Tartan Aqooneed Heerka Iskuuladda Dalka Swedan-RUWEEYDA MOHAMAED oo iyada iyo Sedex Gabdhood oo reer Sewden ahi galeen Kaalinta Koowaad ee Tartankii(Kediska)Iskuuladda Dalkaaas,abaal Marina hanteen,waxaay Rouweeyda iyo Qoyskeedaba mudan yihiin in Tusaale wanaagsan laga qaato,Jaaliyadda Somaaliyeed ee qurbuhuna ku Farxan Guushaas weyn.

 

Anigoo Aabe ah waan Garan karaayaa Ahamiyada iyo qiimaha weeyn e ku fadhido ama leedahay Guusha Cilmiyeed ama Aqooneed ama Ispoortiba oo Ubadku soo hooyaan iyo Wajiga farxadeed oo gurigaas hada ka jiri karaaya,waana mideey la Qabi karaayaan Waalidiinta kalle oo ku dadaala Barbaarinta iyo Daryeelka Caruurtooda,waxaan ku dhiiri gelinaayaa Ruweeyda iyo Qoyskaas Xurmada weyn lehba in eey Halkaas ka Sii wadaan horumarka Kocbinta Aqoonta Gabadhaas yar,Si gaar ah Ruweeyda ugu sheegaayaa in eey kor u qaaday Magaca iyo Maqaamkeeda Ummadeed Somaaliyeed oo Qurbaha iyo Dalkiiba Joogta,eeyna Tusaale fiican ka bixisay Ubadka Gaar ahaan Gabdhaha Somaaliyeed iyo Heerkooda Aqooneedba,waana mid lagu faani karaayo Guushaasu-Ruweeydona Halyeeydayd Somaaliyeed oo Bilad Dahab ah Mudan.

 

 

Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-

 

-England-UK- 14/04/2007-

 

 

-sharifhassan50@yahoo.com-

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qoftaan walaasheen eh hambalyo aan dhaho, too.

 

Arbaco, Maarso 14, 2007 (HOL): Waxaa taariIkhdu marka ay ahayd 9kii bisha Maarso lagu qabtay magaalada Geneva ee wadanka Switzerland tartan ka dhexeeyey gabdho laga soo xulay wadanka Swiss-ka gudihisa gabdhahaas oo lagu jecleystay sida ay ugu halgamaan noocyada kala duwan ee la xiriira arimaha bani’aadannimo iyo bulshaba.

 

Munaasabadan oo ay isugu yimaadeen 7 Gabdhood oo la gudonsinayey Bilado ayaa waxay ka kala socdeen Wadamo kala duwan, waxayna abaalmarinta ugu kala guuleysteen sidan: 1) Xaliima Axmed (Soomaaliya), 2) Hidajete Golaj-rime (Albania), 3) Imane Kanj-Lauraux (Syria) ...

 

Gabdhahaas wada halgamaya ayaa xaliimo ka heshay bilad sharaf kaalinta koobaad oo loogu hibeeyay sida ay ula shaqayso dowlada hoose iyo community-ga Soomaalida iyo waliba waaxda caafimad-ka ee ka shaqaysa ciribtirka gudniinka fircooniga. Waxaa ka soo qayb galay munaaasabadaas madax weynihi hore ee Swiss-ka, duqa magaalada Geneva, masuulka waaxda caafimadka Geneva, masuulka waaxda is dhex galka shacabka(Integration) masuulka waaxda arrimaha dumarka Safiirka Soomaalida u jooga wadankan Switzerland hay’ada UNICEF Swiss. Waxa ay maamul goboleedka Geneva u aqonsadeen Xaliima shakhsiga u soo halgamay arrimaha dumarka iyo integration-ka waliba waxay ugu mahad celiyeen cawimaada ay ka siisay fahamka dhaqanka soomaalida taas oo sida u hadalka u dhigay duqa magaalada ay jaahil ka ahayeen hadana ay ku faraxsan yihiin in ay fahmeen quruxdiisa oo aan ku koobnayn qaybta negative-ka ah oo ah gudniinka fircooniga. Haddii aan idiinka faaleyno taarikhda Xaliima waxa ay ku dhalatay Mogadishu Soomaaliya 23 Agoosto sanadkii 1984, kadib qaraxii dagaalada sookeye waxay Xaliima soo gashay wadankan Switzerland 1993 halkaasoo ay ka gashay dugsi Hoose/Dhexe (grandes communes) kadib ay ka sii gashay iskuul ganacsi oo ay ka baratay dalxiiska, waxay sanadkii 2005 aas aastay hay’ad lagu magacaabo DARYEEL N.G.O taas oo ka shaqaysa arimaha bani’aadanimo. Waxa abaalmarin looga dhigay sanadkan in ay Halimo la shaqayso UNICEF SWISS waxa ka mid ah fursadaha ay Xaliima heshay in ay la shaqayso dowladda hoose ee Geneva. Waxaa ay mahad celin u jeedinaysaa eheladeeda iyo dhamaan dadkii wax la qabtay kuna garab istaagay hawsha ay haysay Xaliima Sacdiya waxa ay salaan gaar ah iyo mahad naq ba u jeedinaysa Axmed Jaamac Axmed (Furbool) oo kaalin weyn ka qaatay dhiirigalinteeda iyo shaqooyinka kala duwan ee ay qabato.

 

 

halima1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this