Sign in to follow this  
Deeq A.

“Aqoonsiga Somaliland Wuxuu Bogsiinayaa Boogta Afrika..” Xildhibaan U Dhashay Dalka Kenya Oo Socdaal Ku Yimid Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Koigi Wamwere oo ah Qoraa iyo Xildhibaan hore oo u dhashay dalka Kenya, oo dhowaan socdaal ku yimid Somaliland ayaa falanqeeyey qorshaha aqoonsi raadinta Somaliland iyo siday ugu qalanto dawlad madax-bannaan.

Qormadaas oo Wakaallada Wararka Somaliland soo xigatay waxay u qornayd sidan:-

“Somaliland waa dal dalbanaya aqoonsi iyo madax-bannaani, waxaanay kaalin muhiim ah ugu jirtaa Kenya, Afrika iyo caalamkaba.

Dhab ahaantii, Qaranimada Somaliland weli waa mid aan la aqoonsan, inkastoo ay u qalanto isla markaana leedahay astaamihii dal madax-bannaan sida nabadda, xasiloonida iyo kobaca dhaqaalaha, kuwaas oo dalal badan oo madax-bannaani aanay haysan.

Somaliland waxay haystaa nabad iyo horumar, laakiin waxa loo diiday aqoonsiga caalamiga ah, xoriyada ganacsiga caalamiga ah. taasi oo ku keentay cunaqabatayn dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed, taasina keeneyso horumar la’aan iyo saboolnimo.

Guddoomiyaha wakhtigan ee Midowga Afrika Madaxwayne Paul Kagame, waa inuu booqdaa Somaliland sii uu u xukumo Madax bannaanida Somaliland.Muxuu u eegayaa hab kale,marka uu arko dal Afrika ah loo dafiray aqoonsi la’aan diblomaasiyadeed iyo xuquuqda badbaadada bulshada.

Dalalka reer galbeedku aqoonsan maayaan Somaliland sababtoo ah dalal Afrika ahi may aqoonsan? Dawladaha Afrikaanka ahi waa in ay marka hore aqoonsadaan Somaliland si ay dalalka reer Yurub u ictiraafaan.

Somaliland waa dal gabi ahaanba nabad ah, halka Soomaaliya wali ay ka taagan tahay colaado aan dhammaad lahayn iyo qaxooti ka cararaya goobtaas holcaysa.

Ma aha beesha caalamka iyo dalalka Afrikaanku inay ku ciyaaraan qaddiyadda Somaliland, sida dalalka reer galbeedka iyo waddamada Afrika ay ugu ciyaarayeen qaddiyadda Liibiya. Hadday Afrika ka qaadato go’aan xooggan oo ka soo horjeeda burburinta Liibiya ee Maraykanka iyo Ingiriiska,Liibiya waxa ay ahaan lahayd dal dhisan. Sida waddamada reer galbeedka iyo waddamada Afrika ugu ciyaarayeen qaddiyadda Liibiya waa habka ay ugu ciyaarayaan qaddiyadda Somaliland, iyagoo diidaya aqoonsigeeda.

Marka ay dalalku dalbanayaan aqoonsi madaxbannaan, waxay la wadaagaan sharaftooda xudduud dhuleed.

Waxa kaloo uu isweydiiyey suxufigani sababta Somaliland loo aqoonsan waayey maadaama oo aanay sida Soomaaliya sheeganaynin soohdimo dal kale leeyahay.

In ka badan 10,000 oo Kenyaan ah ayaa ka shaqaysta, kuna nool Somaliland si nabdoon,way ku faraxsan yihiin haddii Kenya aqoonsato Somaliland oo xafiis diblomaasiyadeed ka furato si ay u daryeesho danahooda.

Waxa soo Turjumay Khadar Nuux Yoonis

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this