Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Shaqaalaha XFS oo la kulmay Gudoomiyaha G/Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Wasiirka Shaqaalaha ee xukuumadda Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta la kulmay Gudoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan [Eng Yariisow].

Mas’uuliyiinta ayaa waxay kawada hadleen diiwaan-gelinta shaqaalaha oo uu bilaabay gobolka iyo sidii loo waafujin lahaa hanaanka xukuumada ee shaqaalaha dowladda oo ku dhisan inay helaan xuquuqdooda.

Wasiir Saalax oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta wuxuu ka dhawaajiyay in maamulka gobolka Banaadir uu umadax banaan shaqaalaysiinta, isaga oo kaga mahad-celiyay wadashaynta dhow oo ay leeyihiin.

Gudoomiye Eng Yariisow ayaa dhinaciisa shaaciyay in hadafka ay ka leeyihiin diiwaan-gelinta shaqaalaha ay qayb ka tahay isla-xisaabtanka iyo sidii ay ku go’aan lahaayeen in howladeeda ay shacabka ufidiyaan adeegyadii ay uga baahnaayeen.

The post Wasiirka Shaqaalaha XFS oo la kulmay Gudoomiyaha G/Banaadir appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this