Sign in to follow this  
Deeq A.

FBI-da Mareykanka Oo Baadheysa In Donald Trump Uu Si Qarsoodi Ah Ula Shaqeeyo Ruuushka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Aqalka Cad ayaa cambaareeyay war sheegaya in hay`adda Sirdoonka Mareykanka ee FBI ay bilowday baaritaan ku aaddan in madaxweyne Trump uu si qarsoodi ah ugu shaqeeyo Ruushka iyo in kale.

Saraakiisha sharci-dejinta ayaa walaac ka muujiyay dhaqanka Trump bishii May, sanadkii 2017, kaddib markii uu shaqada ka cayriyay agaasimihii FBI-da, James Comey.

105158216_6dba3995-8136-4b9f-bf3a-db7700

Baaritaanka ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray in Trump uu khatar ku yahay ammaanka Mareykanka.

“Tani waa wax aan macquul ahayn,” xoghayaha Aqalka Cad ee warbaahinta Sarah Huckabee Sanders ayaa sidaa tiri.

“James Comey waa la cayriyay, sababtoo ah wuxuu ahaa qof aan xushmad lahayn, ku xigeenkiisii Andrew McCabe, isagana waa beenlow la yaqaanno waxaana cayrisay FBI,” ayay ku tiri warsaxaafadeed ay soos aartay.

“Si ka duwan madaxweyne Obama, oo u oggolaaday Ruushka iyo dalal kaleba inay Mareykanka saameyn ku yeeshaan, madaxweyne Trump si adag ayuu ula dhaqmayay Ruushka.”

Sanadkii 2016, hay`adaha sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in Ruushka uu waday weerarro dhanka internetka ah, isla markaana uu warar been abuur ah ku qorayay baraha bulshada si uu u taageero Ruushka, isla markaana uu u dhaawaco sharafta haweeneydii Trump kula tartameysay doorashadii madaxtinnimada dalkaas, Hillary Clinton.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this