Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka Gal-Mudug oo Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya goordhow ku geeriyooday xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka maamulka Gal-Mudug.

Allaha u naxariistee Xildhibaan Xasan Maxamed Axmed (Xasan Caarad) oo katirsanaa Xildhibaanada Galmudug ayaa ku geeriyooday magaalada Nairobi.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Gal-Mudug ayaa Puntland Post u xaqiijiyay geerida xildhibaan Xasan Caraad oo Nairobi Caawa ku geeriyooday.

Xildhibaanka ayaa Eebbe waxa ay uga baryeen in uu janadii firdowso aheyd ka waraabi islamarkaasina uu dambigiisa dhaafo.

Meydka Marxuumka ayaa lagu wado in dib loogu soo ciliyo dalka si loogu aaso.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

The post Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka Gal-Mudug oo Geeriyooday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this