Tillamook 100 Posted January 8 Siciid Cabdullahi Deni ayaa ku guuleystay codbixintii doorashada Madaxweynaha Puntland oo saaka ka dhacday xarunta Baarlamaanka Puntland ee Garowe. Wareega ugu danbeeyey ee codbixinta ayaa waxaa ku tartamay Siciid Cabdullahi Deni iyo Gen.Asad Cismaan Cabdullahi oo ahaa labadii murashax ee ugu cododka badnaa wareegii kowaad iyo labaad ee codbixinta 66ka xildhibaan. Siciid Cabdullahi Deni ayaa helay 35 cod Gen.Asad Cismaan Cabdullahi ayaa isaguna helay 31 cod Siciid Cabdullahi Deni ayaa noqonaya Madaxweynaha Puntland ee shanta sano ee soo socota, isagoona horey uga mid ahaa xubnaha sida weyn loo hadal hayey inay doorashada ku guuleysan karaan. Deni ayaa wareegii kowaad ee codbixinta helay 20 cod oo isku duuban, taasi oo muujineysay taageerada uu ka heysto Xildhibaanada, wuxuuna ahaa musharaxii kusoo xigay Gen.Asad oo wareegii koowaad helay 17 cod. Asad Cismaan Cabdullahi oo ah murashaxa ugu da’ada yaraa ee tartanka ku jiray ayaa isagu wareegii labaad cododka hogaaminayey, isagoo helay 30 cod, halka Deni uu helay 29 cod iyo Farax Cali Shire oo wareegaas ku haray oo helay 7 cod oo kaliya. Waxaana muuqata in Deni uu taageero fiican ka helay cododkii murashax Faarax Cali Shire. Wareegii kowaad ee codbixinta ayey ku hareen murashaxii badan oo si weyn loo hadal hayey, waxaana kamid ahaa Madaxweynaha xilka Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Murashax Maxamuud Khaliif Jabiye oo labadu kala helay 8 iyo 7 cod, murashaxiinta kale ayaa helay wareegii koowaad codad aad u yar. Madaxweynaha cusub ayaa la dhaariyey wuxuuna khudbad kooban oo uu golaha kasoo jeediyey ugu mahadnaqay Guddiga doorashada ee hawsha waday iyo waliba maamulkii hore ee hogaaminayeen Madaxweyne Gaas iyo kuxigeenkiisa Camey. Gen.Asad Cismaan oo ka hadlay goobta ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub. Madaxweynaha xilka ka degaya Cabdiweli Gaas oo isaguna khudbad kooban kasoo jeediyey goobta ayaa ugu baaqay shacabka Puntland inay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub ee la doortay. Cabdiraxmaan Faroole oo horey usoo noqday Madaxweynaha Puntland hadana ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in isbedal xalaal ah uu ka dhacay Puntland. Wafuuda ka socota UN-ka iyo IGAD oo kamid ahaa marti sharafta goobta ku sugnaa ayaa iyaguna u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee la doortay iyo waliba shacabka Puntland, iyagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin sida wanaagsan oo ay doorashada u dhacday. Islaan Ciise oo kamid ah Issimada Puntland ee goobta ku sugan ayaa hadalo dardaaran ah usoo jeediyey Madaxweynaha la doortay. Waxaa hada loo baxay Salaada duhur iyo Qadada, iyadoo la filayo in saacadaha soo socda la bilaabo codbixinta Doorashada Madaxweyne kuxigeenka. Horseed Media Horseed Media Share this post Link to post Share on other sites
Tillamook 100 Posted January 8 WAA KUMA SICIID DENI MADAXWEYNAHA CUSUB EE PUNTLAND? Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Talaadada maanta ah loo doortay madaxweynaha dowladda Puntland,kadib markii uu wareegii seddexaad ee doorashada kaga guulaystay Asad cismaan Diyaano oo kula tartmayey. Haddaba waa kuma Siciid Cabdullaahi Deni madaxweynaha cusub ee la doortay? Taariikh kooban Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu sannadkii 1966-dii ku dhashay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomalaiya, sannaddii 1972dii wuxuu waxbarashada hoose/dhexe ka bilaabay dugsiga hoose/dhexe ee Muqdisho, 1980kii ilaa 1984kii wuxuu dugsiga sare ku qaatay Sheekh Xasan Barsane- Muqdisho halka 1986dii ilaa 1990kii uu Jaamacadda Ummadda ka diyaariyay kulliyadda luuqadaha, 1998 – 2000,Shahaadada labaad ee Jaamacadda ayuu ka qaatay Jaamacadda Putra Malaysia, takhasuska Maamulka (Master of Management). Waxbarashada ayuu ka soo shaqeeyay Kaddib markay burburtay dowladdii dhexe ee dalka,Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu kamid ahaa aqoonyahankii dib ugu soo noqday degaannadii la oran jiray gaari waa’ (Puntland), qeyb weynna ka qaaatay as’aasidda iyo yagleelidda goobaha waxbarasho ee laga hirgeliyay gobolka Bari gaar ahaanna magaalada Boosaaso. Sannadkii 1992dii wuxuu noqday madaxii waaxda Howlaha maraakiibta ee Dekedda Boosaaso, wuxuuna kamid ahaa as’aasayaashii hay’adda Kheyriga ah ee Tadamun, oo ah hay’ad ka shaqeysa waxbarashada, biyaha, caafimaadka iyo gargaarka bini’aadannimada, haddana gacanta ku haysa in ka badan 15,000 oo arday. Sidoo kale mudane Deni ayaa mar soo noqday guddoomiyaha Jamciyaddaasi Taddamun sannadihii 1992 ilaa 1997 Intii u dhaxaysay,isagoo wax ka as’aasay Dugsiyada Imaamu Nawaawi,islamarjaana soo noqday maamulihii kowaad ee Dugsiyadaas sannadkii 1992 ilaa 1998-dii. Sannadkii 1994-kii Siciid Deni wuxuu ahaa xubin katirsan Guddiga Waxbarashada Gobollada Waqooyi Bari, ee Soomaaliya,isagoo sidoo kale Sannadkii 1996-dii noqday xubin Guddiga Cilmi Baarista ee la shaqeeynayey Hay’adda War-torn Society, oo wax ka qortay heerka siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee Gobolladii loo yaqaanay “waqooyi Bari Soomaaliya” (Puntland) Arrimaha Ganacsiga Sannadidii 2002 ilaa 2012 wuxuu xilal kala duwan ee heer Maammul ah kasoo qabtay ururro ganacsi oo kala duwan ay ka mid ahaayeen Ururka Ganacsiga “Waaberi Group—Djibouti”, Guddiga Ganacsatada Puntland, Rugta Ganacsiga Puntland, Guddiga ganacsatada Soomaaliyeed ee Jabuuti, Dubai iyo Oman, sidoo kale wuxuuna heer maamul ah kasoo qabtay shirkado ganacsi oo waaweyn ay ka mid ahaayeen Shirkadda Towfiiq, Shirkadda Sibirka Barwaaqo, African Horn Company (Salalah, Oman) iyo Salalah Macaroni Company, Oman. Taariikhdiisa Siyaasadeed Siciid Cabdullah Deni wuxuu noqday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaliyeed Sannadkii 2012,wuxuuna xubin ka aha Guddiga Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Sannadkii 2014 wuxuu noqday Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya,isagoo mar ku sigtay in uu Ra’iisul wasaare noqdo,kadib markii la riday xukuumaddii Cabdiweli Sheikh Axmed oo uu ka tirsanaa. Sannadkii 2017 mudane Siciid Denni wuxuu ku jiray murashixiintii u tartamayay doorashadii madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ka mid ahaa 6da musharax ee ugu codadka badnaa. Talaadada saaka 8-da Jannaayo 2019 ayaa loo doortay madaxweynaha dowladda Puntland ee 5-ta sano ee soo socota,kadib markii uu 35-cod ka helay wareeggii seddexaad ee doorashada oo uu kula tartamay Asad Cismaan Cabdullaahi(Diyaano) oo helay 31-cod. PUNTLAND POST Puntland Post Share this post Link to post Share on other sites
Dhagax-Tuur 6 Posted January 8 2 hours ago, Tillamook said: wuxuu waxbarashada hoose/dhexe ka bilaabay dugsiga hoose/dhexe ee Muqdisho Inaanan aniga aqoon baa laga yaabaa, ee ma waxaa jira dugsiga hoose dhexe ee Mogadishu? Waligeey ma maqlin. Share this post Link to post Share on other sites
Peace Action 26 Posted January 9 11 hours ago, Dhagax-Tuur said: Inaanan aniga aqoon baa laga yaabaa, ee ma waxaa jira dugsiga hoose dhexe ee Mogadishu? Waligeey ma maqlin. Wax Ka bartay dugsiga hoose iyo dugsiga dhexe magaalada Muqdisho, ma garatay. Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar 228 Posted January 9 21 hours ago, Dhagax-Tuur said: Inaanan aniga aqoon baa laga yaabaa, ee ma waxaa jira dugsiga hoose dhexe ee Mogadishu? Waligeey ma maqlin. Meesha waxaa kale ku qoran inuu soo dhigtay Jaamacadda Gaheyr, qeybta afafka bartamihii ilaa dhamaadkii sideedamaadkii. My sister was a notable student qeybta kuliyada afafka of Gaheyr in mid to late 1980s, along with students such as Yuusuf Garaad and xildhibaan Dalxa, which I had seen sawiradee iskaga qaadeen Gaheyr xilligaas. I hadn't seen her talking about Deni. Waa soo weydiin doonaa if she had seen him. In 2012 at my father's funeral in Xamar, then prime minister C/weli Maxamed Cali Gaas had asked her if she remembers him from her Gaheyr university days. She was embarrassed and said no. He said he was a student in Gaheyr back then as well. She said waa laga yaabaa ardeydii ka horeysay inuu ahaa, kuliyad kalena dhiganaaye. Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T 20 Posted January 9 On 1/8/2019 at 9:15 AM, Dhagax-Tuur said: Inaanan aniga aqoon baa laga yaabaa, ee ma waxaa jira dugsiga hoose dhexe ee Mogadishu? Waligeey ma maqlin. I guess inay ka wadaan inuu Xamar ku dhigtay dugsiyada hoose iyo dhexe. Sometimes people who write this stuff don't even consult with the person they're writing about and often make up stories. Anyway, congrats to the new president and hope he fights corruption and safeguard the state institutions. 1 Share this post Link to post Share on other sites
Tillamook 100 Posted January 9 I wish to extend my unstinting support to the new President of Puntland. A great first interview...👍 Share this post Link to post Share on other sites
maakhiri1 231 Posted January 9 7 hours ago, Gheelle.T said: I guess inay ka wadaan inuu Xamar ku dhigtay dugsiyada hoose iyo dhexe. Sometimes people who write this stuff don't even consult with the person they're writing about and often make up stories. Anyway, congrats to the new president and hope he fights corruption and safeguard the state institutions. Agree, there was a candidate.in 2014 Puntland,, who said he was born 1970, finnish HIGH school in 1984, then talked about gaining his bachelors in 1982, then again doing master in France in 1985, then in militry college in US in 1983, absolute joke and indha adeeg reer Mudug Share this post Link to post Share on other sites
Oodweyne 708 Posted January 10 So the "Ayuito" (or hagbad as we call it back in the Somaliland) is back into the Osman's line of the family, after it has gone through the time of both Cumar and Ciise and their families lines to help themselves with this "rotating buggins turn of politics" . No wonder the "Trinity of brotherhood" meant it business when they have told all and sundry that they will be wasting their money and political effort in ever thinking, that, this Pirate-land's fiefdom was anything other than their "Cosa Nostra" sort of a political equivalent reality. Share this post Link to post Share on other sites
Oodweyne 708 Posted January 11 The new leader of Pirates-Stan (or should that be "Ninnies-Stan") by the name Mr Deni, started talking the usual guff about of his cowardly ilk. And in particularly about Sool and Sanaag and how these territories are his folks's land. And as usual, the Somaliland's minister of defense put him bang to right in here. And then Minister Koore of Sool region followed up on that and told him that he will be sorry sight to behold - just like all those previous leaders of his fiefdom before him, who made a habit of blustering before the media whilst on the other hand knowing full well that they were born-cowards, who in turn will run away from their own freaking shadows - if he were to start any shenanigans on our border at all. Lets hope this "freshly-minted-Boowe" from Bari region call Mr Deni, will see sense before he start losing boys in a "preordained defeat" that is likely will be facing his fiefdom of Pirates-Stan on the face. And in particularly such defeat will be his to contend with if he were to be foolish enough to start any kind of confrontation against Somaliland on the border area of Sool region. Xukuumadda Somaliland oo u Jawaabtay Dawladda Puntland. 1 Share this post Link to post Share on other sites
Suldaanka 384 Posted January 11 Diktoore, The new Cadde Muse of Garowe, he is a man of peace. We can work with him, at least we have something in common. The Dhiblow from Galkacyo, started his Presidency with "Faataxo" and ended it with a "Reer Pirateland Ahlu-al-naar weeye..." Fatwo. And in the process got Karbaashed. He asked for it. But Shoodhe Cadde Muse aka Saciid Dani, we will give him space and time. Share this post Link to post Share on other sites
maakhiri1 231 Posted January 11 some source say he owns large business in Hargaisa Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf 107 Posted January 11 Bosasso is leading the garowe clan enclave. Bahashu wa hagbad wanay iska cadayd. Share this post Link to post Share on other sites
Peace Action 26 Posted January 11 Oodka you could be nice once in a while and congratulate the new President of Puntland Deni. But the geeljire in you would not let that happen. Do you know how many MS in the Puntland parliament? Of course you don't. This is high level politics which will be very difficult for Jeegaanta abused geeljire to understand. Share this post Link to post Share on other sites
Holac 258 Posted January 12 Give the man a chance. He could leave great legacy behind unlike others before him. Share this post Link to post Share on other sites