Tillamook

President Elect of Puntland State of Somalia: Siciid Cabdullahi Deni

Recommended Posts

 

Siciid Cabdullahi Deni ayaa ku guuleystay codbixintii doorashada Madaxweynaha Puntland oo saaka ka dhacday xarunta Baarlamaanka Puntland ee Garowe.

Wareega ugu danbeeyey ee codbixinta ayaa waxaa ku tartamay Siciid Cabdullahi Deni iyo Gen.Asad Cismaan Cabdullahi oo ahaa labadii murashax ee ugu cododka badnaa wareegii kowaad iyo labaad ee codbixinta 66ka xildhibaan.

Siciid Cabdullahi Deni ayaa helay 35 cod 

Gen.Asad Cismaan Cabdullahi ayaa isaguna helay 31 cod

Siciid Cabdullahi Deni ayaa noqonaya Madaxweynaha Puntland ee shanta sano ee soo socota, isagoona horey uga mid ahaa xubnaha sida weyn loo hadal hayey inay doorashada ku guuleysan karaan. 

Deni ayaa wareegii kowaad ee codbixinta helay 20 cod oo isku duuban, taasi oo muujineysay taageerada uu ka heysto Xildhibaanada, wuxuuna ahaa musharaxii kusoo xigay Gen.Asad oo wareegii koowaad helay 17 cod. 

Asad Cismaan Cabdullahi oo ah murashaxa ugu da’ada yaraa ee tartanka ku jiray ayaa isagu wareegii  labaad cododka hogaaminayey, isagoo helay 30 cod, halka Deni uu helay 29 cod iyo Farax Cali Shire oo wareegaas ku haray oo helay 7 cod oo kaliya. Waxaana muuqata in Deni uu taageero fiican ka helay cododkii murashax Faarax Cali Shire. 

Wareegii kowaad ee codbixinta ayey ku hareen murashaxii badan oo si weyn loo hadal hayey, waxaana kamid ahaa Madaxweynaha xilka Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Murashax Maxamuud Khaliif Jabiye oo labadu kala helay 8 iyo 7 cod, murashaxiinta kale ayaa helay wareegii koowaad codad aad u yar. 

Madaxweynaha cusub ayaa la dhaariyey wuxuuna khudbad kooban oo uu golaha kasoo jeediyey ugu mahadnaqay Guddiga doorashada ee hawsha waday iyo waliba maamulkii hore ee hogaaminayeen Madaxweyne Gaas iyo kuxigeenkiisa Camey.

Gen.Asad Cismaan oo ka hadlay goobta ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub.

Madaxweynaha xilka ka degaya Cabdiweli Gaas oo isaguna khudbad kooban kasoo jeediyey goobta ayaa ugu baaqay shacabka Puntland inay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub ee la doortay. 

Cabdiraxmaan Faroole oo horey usoo noqday Madaxweynaha Puntland hadana ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in isbedal xalaal ah uu ka dhacay Puntland.  

Wafuuda ka socota UN-ka iyo IGAD oo kamid ahaa marti sharafta goobta ku sugnaa ayaa iyaguna u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee la doortay iyo waliba shacabka Puntland, iyagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin sida wanaagsan oo ay doorashada u dhacday. 

Islaan Ciise oo kamid ah Issimada Puntland ee goobta ku sugan ayaa hadalo dardaaran ah usoo jeediyey Madaxweynaha la doortay.

Waxaa hada loo baxay Salaada duhur iyo Qadada, iyadoo la filayo in saacadaha soo socda la bilaabo codbixinta Doorashada Madaxweyne kuxigeenka.

Horseed Media

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

WAA KUMA SICIID DENI MADAXWEYNAHA CUSUB EE PUNTLAND?

Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Talaadada maanta ah loo doortay madaxweynaha dowladda Puntland,kadib markii uu wareegii seddexaad ee doorashada kaga guulaystay Asad cismaan Diyaano oo kula tartmayey.

Haddaba waa kuma Siciid Cabdullaahi Deni madaxweynaha cusub ee la doortay?

Taariikh kooban

Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu sannadkii 1966-dii ku dhashay magaalada  Muqdisho ee caasimadda Soomalaiya, sannaddii 1972dii wuxuu waxbarashada hoose/dhexe ka bilaabay dugsiga hoose/dhexe ee Muqdisho, 1980kii ilaa 1984kii wuxuu dugsiga sare ku qaatay Sheekh Xasan Barsane- Muqdisho halka 1986dii ilaa 1990kii uu Jaamacadda Ummadda ka diyaariyay kulliyadda luuqadaha, 1998 – 2000,Shahaadada labaad ee Jaamacadda ayuu ka qaatay Jaamacadda Putra Malaysia, takhasuska Maamulka (Master of Management).

 Waxbarashada ayuu ka soo shaqeeyay

Kaddib markay burburtay dowladdii dhexe ee dalka,Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu kamid ahaa aqoonyahankii  dib ugu soo noqday degaannadii la oran jiray gaari waa’ (Puntland), qeyb weynna ka qaaatay as’aasidda iyo yagleelidda goobaha waxbarasho ee laga hirgeliyay gobolka Bari gaar ahaanna magaalada Boosaaso.

Sannadkii 1992dii wuxuu noqday madaxii waaxda Howlaha maraakiibta ee Dekedda Boosaaso, wuxuuna kamid ahaa as’aasayaashii hay’adda Kheyriga ah ee Tadamun, oo ah hay’ad ka shaqeysa waxbarashada, biyaha, caafimaadka iyo gargaarka bini’aadannimada, haddana gacanta ku haysa in ka badan 15,000 oo arday.

Sidoo kale mudane Deni  ayaa mar soo noqday  guddoomiyaha Jamciyaddaasi Taddamun sannadihii 1992 ilaa 1997 Intii u dhaxaysay,isagoo wax ka as’aasay Dugsiyada Imaamu Nawaawi,islamarjaana soo noqday maamulihii kowaad ee  Dugsiyadaas sannadkii 1992 ilaa 1998-dii.

Sannadkii 1994-kii  Siciid Deni wuxuu ahaa xubin katirsan Guddiga Waxbarashada Gobollada Waqooyi Bari, ee Soomaaliya,isagoo sidoo kale   Sannadkii 1996-dii noqday xubin Guddiga Cilmi Baarista ee la shaqeeynayey Hay’adda War-torn Society, oo wax ka qortay heerka siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee Gobolladii loo yaqaanay “waqooyi Bari Soomaaliya” (Puntland)

Arrimaha Ganacsiga

Sannadidii 2002 ilaa 2012 wuxuu xilal kala duwan ee heer Maammul ah kasoo qabtay ururro ganacsi oo kala duwan ay ka mid ahaayeen Ururka Ganacsiga “Waaberi Group—Djibouti”, Guddiga Ganacsatada Puntland, Rugta Ganacsiga Puntland, Guddiga ganacsatada Soomaaliyeed ee Jabuuti, Dubai iyo Oman, sidoo kale wuxuuna heer maamul ah kasoo qabtay shirkado ganacsi oo waaweyn ay ka mid ahaayeen Shirkadda Towfiiq, Shirkadda Sibirka Barwaaqo, African Horn Company (Salalah, Oman) iyo Salalah Macaroni Company, Oman.

Taariikhdiisa Siyaasadeed

Siciid Cabdullah Deni wuxuu noqday Xildhibaan ka tirsan  Baarlamaanka Federaalka Soomaliyeed Sannadkii 2012,wuxuuna xubin ka aha Guddiga Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Sannadkii 2014 wuxuu noqday Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya,isagoo mar ku sigtay in uu Ra’iisul wasaare noqdo,kadib markii la riday xukuumaddii Cabdiweli Sheikh Axmed oo uu ka tirsanaa.

Sannadkii 2017 mudane  Siciid Denni wuxuu ku jiray murashixiintii u tartamayay doorashadii madaxweynaha  dowladda  Federaalka Soomaaliya, isagoo ka mid ahaa 6da musharax ee ugu codadka badnaa.

Talaadada saaka 8-da Jannaayo 2019 ayaa loo doortay madaxweynaha dowladda Puntland ee 5-ta sano ee soo socota,kadib markii uu 35-cod ka helay wareeggii seddexaad ee doorashada oo uu kula tartamay Asad Cismaan Cabdullaahi(Diyaano) oo helay 31-cod.

PUNTLAND POST

Puntland Post

Share this post


Link to post
Share on other sites
2 hours ago, Tillamook said:

wuxuu waxbarashada hoose/dhexe ka bilaabay dugsiga hoose/dhexe ee Muqdisho

Inaanan aniga aqoon baa laga yaabaa, ee ma waxaa jira dugsiga hoose dhexe ee Mogadishu? Waligeey ma maqlin. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
11 hours ago, Dhagax-Tuur said:

Inaanan aniga aqoon baa laga yaabaa, ee ma waxaa jira dugsiga hoose dhexe ee Mogadishu? Waligeey ma maqlin. 

Wax Ka bartay dugsiga hoose iyo dugsiga dhexe  magaalada Muqdisho, ma garatay.  

Share this post


Link to post
Share on other sites
21 hours ago, Dhagax-Tuur said:

Inaanan aniga aqoon baa laga yaabaa, ee ma waxaa jira dugsiga hoose dhexe ee Mogadishu? Waligeey ma maqlin. 

Meesha waxaa kale ku qoran inuu soo dhigtay Jaamacadda Gaheyr, qeybta afafka bartamihii ilaa dhamaadkii sideedamaadkii. My sister was a notable student qeybta kuliyada afafka of Gaheyr in mid to late 1980s, along with students such as Yuusuf Garaad and xildhibaan Dalxa, which I had seen sawiradee iskaga qaadeen Gaheyr xilligaas. I hadn't seen her talking about Deni. Waa soo weydiin doonaa if she had seen him.

In 2012 at my father's funeral in Xamar, then prime minister C/weli Maxamed Cali Gaas had asked her if she remembers him from her Gaheyr university days. She was embarrassed and said no. He said he was a student in Gaheyr back then as well. She said waa laga yaabaa ardeydii ka horeysay inuu ahaa, kuliyad kalena dhiganaaye.

Share this post


Link to post
Share on other sites
On 1/8/2019 at 9:15 AM, Dhagax-Tuur said:

Inaanan aniga aqoon baa laga yaabaa, ee ma waxaa jira dugsiga hoose dhexe ee Mogadishu? Waligeey ma maqlin. 

I guess inay ka wadaan inuu Xamar ku dhigtay dugsiyada hoose iyo dhexe. Sometimes people who write this stuff don't even consult with the person they're writing about and often make up stories. Anyway, congrats to the new president and hope he fights corruption and safeguard the state institutions.

 

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
7 hours ago, Gheelle.T said:

I guess inay ka wadaan inuu Xamar ku dhigtay dugsiyada hoose iyo dhexe. Sometimes people who write this stuff don't even consult with the person they're writing about and often make up stories. Anyway, congrats to the new president and hope he fights corruption and safeguard the state institutions.

 

Agree,

 

there was a candidate.in 2014 Puntland,, who said he was born 1970, finnish HIGH school in 1984, then talked about gaining his bachelors in 1982, then again doing master in France in 1985, then in militry college in US in 1983, absolute joke and indha adeeg reer Mudug

Share this post


Link to post
Share on other sites

Diktoore,

The new Cadde Muse of Garowe, he is a man of peace. We can work with him, at least we have something in common. 

The Dhiblow from Galkacyo, started his Presidency with "Faataxo" and ended it with a "Reer Pirateland Ahlu-al-naar weeye..." Fatwo. And in the process got Karbaashed. He asked for it.

But Shoodhe Cadde Muse aka Saciid Dani, we will give him space and time. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oodka you could be nice once in a while and congratulate the new President of Puntland Deni. But the geeljire in you would not let that happen. Do you know how many MS in the Puntland parliament? Of course you don't. This is high level politics which will be very difficult for Jeegaanta abused geeljire to understand.

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Ah, what a nice propaganda for Mr. Deni.

He might be a businessman but the money involved isn't his money.  Puntlanders told me that both UAE and Qatar were both  actively involved in this campaign. The Eremites  trad first to back C/weli Gaas , but decided to change strategy due to his unpopularity and by breaking  some earlier promises he made with them which  mainly involved about sidelining  the federal government,

Since the contest was leaning toward Reer Bari, The UAE  decided to back the young general Dayaano who is tough on Al-shabaab and security issues. Then Qatar came aboard and backed Saciid Dani. This idea of Eremites backing Dani is a side show.

The richest men in this contest are  members of Puntland parliament. Reports say that some candidates paid up $75,000 while Mr. Dani was alleged to have paid as high as $95,000. 

THere are  credible reports that state Mr. Jebiye from Minnesota has demanded a refund and up to 17 members have returned the money. I do not know how this works but a former member of the Somali parliament told me that usually the money is paid up front and it is up the individual to vote as he wishes which means they might take your money and vote later to  whom ever they are comfortable with. I always thought that there might  have been some mechanism that pays them after they voted for the man who paid them.

Folks if former scenario is correct and the person could vote his conscience  even after getting paid, then there is a hope. Yet, Puntland can't continue to rely 66 men who becomes rich after every election. After 20 years the time has come to allow people to vote just like Somaliland or this shenanigans will continue.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.