Sign in to follow this  
Juje

Haweeney Ninkeeda toorey ku Dishay..!

Recommended Posts

Juje   

Haweeney ninkeeda toorey ku dishay maanta deegaanka Yaaqbiri-weyne ee gobolka Sh/hoose oo gacanta lagu dhigay, xabsigana loo taxaabay

 

Ciidamada maamulka Ururka Xisbul Islaam ee degmada Wanle weyn ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegay iney gacanta ku soo dhigeen haweeney lagu eedeeyey iney saaka ku dishay seygeeda deegaanka Yaaq biri weyne ee isla gobolka Sh/hoose.

Haweeneydan ayaa la sheegay in barqanimadii maanta la keenay saldhiga degmada Wanle weyn ee gobolka Sh/hoose halkaasoo ay imika ku xiran tahay, waxaana saraakiisha ciidamada Xisbul Islaam ay sheegeen in dhowaan la soo taagi doono maxkamada shareecada islaamka laguna fulin doono waxa dembigeeda ay ka qabto shareecada Islaamka.

Haweeneydan oo magaceeda lagu sheegay Deeqo Cali Jaacuur ayaa saaka seygeeda ku dishay toorey ay wadnaha kaga dhufatay ka dib markii uu soo kala dhexgalay muran dhinaca arimaha qoyska ah, waxaana xukunkeeda uu noqon doonaa dil qisaas ah sida shareecada Islaamku ay qabto haddii qoyskeeda iyo qoyska uu ka soo jeedo ninka ay dishay aysan gaarin isfaham kale oo ah iney kala qaataan diyo.

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juxa   

i wonder what he has done to her? state of mind waa very important

 

i hope his family except diyo, she should have proper counsel before they kill her

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this