Sign in to follow this  
Deeq A.

Tolow Madaxweynuhu ma ka ilbaxii Doonaa Taladii Kooxdii Heego , mise weli waa halkii…?.

Recommended Posts

Deeq A.   

Tolow Madaxweynuhu ma ka ilbaxii Doonaa Taladii Kooxdii Heego , mise weli waa halkii…?.

Sida aynu ogsoonahay Golaha wasiirada Somaliland ee ay magacaabisteeda ka soo wareegtay muddo Sanad dhamayatiran ayaa bulshada Somaliland waxay u arkaayeen in Magacaabistooda ay 60% soo xulisteeda iyo talo bixintooda ay lahaayeen kooxda Heego ee dhegaha & Qalinka Madaxweynaha Jsland intiisa badan haysta, arrintan oo muran badan ka dhalisay goobaha lagu falanqeeyo Siyaasada Somaliland iyadoo loo arkaayey madaxweynaha inaanu ahayn nin shaadhkiisa lagu shaqaysan karo, lana garan waayey halka ay iska soo gaadheen Madaxweynaha & dadkan socodka baradka ahi, xaqiiqadu waxay isugu soo biyo shubtay , in kooxdan Heego ay awood badan ku leeyihiin Madaxweynaha taladanina ay toodii tahay, waxaa Muuqanaysay in bogag badan oo kala duwan oo warbaahinta ka mid ah lagaga hadlaayey ,
Haddaba Maadaama Madaxweynaha Jsland arkay Taladii uu waxgarad badan oo somaliland ah ka diiday ee uu door biday qaadashada Talada Kooxda heego khasaaraheediina uu arkay lana daadegtay Muddadaa Sanadka ah wadankii waxay is waydiintu tahay Maadaama Madaxweynaha laga sugaayo reshufle Cusub iyo isu dheelitir iyo inuu madaxweynuhu Cugto raggii wadanka ka saari lahaa Asma iyo xuurtoonka siyaasadeed ee soo wajahay ma ka kori doonaa talada Kooxdii Heego , oo ma qaadan doonaa Talooyinka Talo qabeenadu soo jeediyeen maadaama uu wadanka soo wada maray soona urursaday wixii war bixin yaalay? ,dadka intiisa badan ayaa waxay kaga jawaabayaan inay caado tahay in nin kasta oo Talada Wanaagsan iska Adkeeyaa uu Qaato Talada Kuwa aan Talada la waydiin, oo aan laga yaabin inay reshufle ka la rajaynayaa ay kasii miciin liidanayso magacaabistii hore oo awel taa hore waxay ahayd 60% ay tani noqonayso 100% taladii hore mid ka liidata, halka ay in yari leedahay odaygu iminka gacanta ayuu fadhiisiyey oo wadada ayuu qabadsiinayaa , tii hore wuu ku baragtiis garaynaayey. haddaba waxaynu eegnaa waa looge iyo laguu golle fadhiyaa , iyo qoraxdu horteena ayey iman doontaa haddii alle idmo.
W/Q
Farxan Cali Xasan
Hargeysa/Somaliland.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this