Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorashadii Maamulka Koonfur Galbeed Oo Qabsoomaysa Dibudhac Badan Kadib

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-Baydhabo) Doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo dhaceysa 19-ka bishan ayaa maanta galaysa weji muhiim ah, kadib qoraal kasoo baxay guddiga doorashada.

1BBAEF30-C2A2-4229-B4BE-E189BD661306.jpe

Saddex ka mid ah lixda murashax ee u taagan jegada Madaxtinimada Koonfur Galbeed ayaa waxaa maanta lagu wadaa in ay khudbado u jeediyaan Xildhibaanada Koonfur Galbeed, sida uu sheegay guddiga doorashada.

Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii soo saaray magacyada saddexda murashax ee Axada maanta laga doonayo in ay horyimaadaan Xildhibaanada.

Guddiga Doorashada ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in murashaxiinta kala ah Aadan Maxamed Nuur (Saransoor), Ibraahim Macalin Nuur iyo Xuseen Cismaan Xuseen ku wargelinayaan in ay horyimaadaan Xildhibaanada, si ay ugu jeediyaan khudbadaha ay kaga hadlayaan waxqabadkooda, haddiiba la doorto.

Akhriso qoraalka

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this