Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaarada Caalamiga Ah Ee Qatar Airways Oo Dulimaadyo Ka Bilaabaysa Magaaladda Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-Qatar)Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa imaan doonta sharikadda Qadar Airways oo markii ugu horeeysay duulimaadyo toos ah ka bilaabidoonta magaalooyinka Doha iyo Muqdishu.

143CA071-0AAF-4B2F-9B37-A01508709DBA.jpe

Shirkadda Qatar Airways ayaa bilaabeysa duulimaad toos ah,usbuuciiba saddax (3) jeer bisha Juun ee sanadka 2019ka sida ay xaqiijiyeen shaqaale ka shaqeeya Qadar Airways.

Shirkadda Ethiopian Airline ayaa dhawaan bilaawday dulimaad rasmi ah oo u dhaxeeya magaalooyinka Muqdisho iyo Addis Ababa. Waxaa dib u dhac ku yimid Sharikadda Kenya Airways oo la filayey in ay duulimaadyo toos ah kabilowdo magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

Shirkadda diyaaradaha Turkish Airlines ayaa si joogta ah uga soo degta garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, waxaana ay ka mid tahay diyaaradihii ugu horeeyay ee heerka caalami ah si rasmi ah uga howlgala garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Shirkadaha dayuuradaha ee ku soo badanayo garoonka caalamiga ee Aadan Cadde ayaa la filayaa inuu hoose u dhigo qiimaha Tickidhada oo aad qaali u ahaa gaar ahaan duulimaadyada Yurub iyo Waqooyiga Ameerika oo ay deggen yihiin Soomaali aad ubadan .

Dib u howlgalinta dulimaadka shirkadda diyaaradaha QatarAirways ayaa wax weyn ka tari doonta isku socdka labada magaalo ee Muqdisho iyo Doha iyo sare u qaadista xiriirka ganacsi ee labada dhinac, iyadoo la og-yahay in dalka Qatar ay ku nool yihiin Jaaliyad ballaaran oo Soomaalyeed oo intooda badan halkaa u jooga howlo ganacsi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this