Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada magaalada Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Sh.M.Network) – Xaaladda magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa degan kadib rabshado ka dhacay shalay.

Shaqaaqadda ayaa ka dhalatay markii dowladda Soomaaliya ay caasimadda KMG maamulka Koonfur Galbeed ay kasoo xirtay Mukhtaar Roobow.

Wararkii ugu dambeeyay oo ay idaacadda Shabelle halkaasi ka helayso waxay sheegayaan in saaka jawiga uu yahay mid xasiloon.

Xariga Roobow oo ay wasaaradda Amniga war kasoo saartay waxay sababta ku sheegtay inuu jabiyay heshiisyo kala galay.

Wasaaradda ayaa tilmaamtay inuu magaalada lasoo galay ciidamo iyo inuu sameeyo kacdoon milatari oo dowladdu uga soo horjeedo.

Mukhtaar Roobow, oo kamid ahaa murashaxiinta doorashada Madaxwaynaha Koonfur Galbeed ayaa laga soo dejiyay Muqdisho, wuxuuna hadda ku jiraa gacanta dowladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed.

The post Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada magaalada Baydhabo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this