Oodweyne

Macalafsade, Macangag, iyo Magansade.

Recommended Posts

Saddex nin ayaa maalin ay Taariikhi kulmisey. Markaasey sheekeysteen oo midba wax yidhi.

Macalafsade ayaa hadalka ku horeeyey oo wuxuu  yidhi:

“…….Meer-meerkii dunida, Meehanowgii Muqdisho ee Masiirkayga ahaa,  Muruqleydii Mad-madoobayd ee Maalin-eris iyo Maryo-ka-carar igu Miistey, Mar hadaan Meel aakhiro ah Meerkan ka jooga, Mahadhadii ka Meedhmay…….”

Macangag baa kadaba qaatoo, isna wuxuu yidhi:

“…….Mulkiyad Maamul Meel-kasta u Maray, kase Maarmi waayey Mahuraan ah Melesow Maandhow, Mar uun aan Madax-noqdee, Miciyowle Miciin-daran iyo Maati-laaye Meherad iiga Dhig…….”

Magansade ayaa isna kadaba qatoo oo hadalyoo isna wuxuu yidhi

“……Meher dumar Maganteed waa Maradaan ku hoos jiro’e, oo Muraayaddaan ka Meersadaa Muranlowda Muuraadkooda'e, ee yaa Maalin uun Mahabrade Madax-furan Meeqaankiis igu Meeleeya......”

 

**************

Erey-bixin:

Magansade = Farmaajo. Macangag = Col. Abdilahi Yusuf Yey. Macalafsade = Gen. Afweyne. Muraayadda = Somali TV Channels.    

Share this post


Link to post
Share on other sites

Odweyne 

Buraanburkan xikmadda ku jirtaa maxay tahay?

Awoowe haddaad doonayso inaad buraanburto habrahaa lagu tijaabiyaa marka hore ama lagu yiraahdaa iga dhagaysta si ay kaaga saxaan, gole rageed gabay geeraar,iyo xikmad nin wayn la imaw.

xikmada saxdaa waxay iigu muuqataa sadexdaa nin taariikhdoodu iyo waayahoodu way kala badalan yihiin mid walbaana shar iyo khayr waxuu sameeyay waa la akhrin karaa

Talo walaaltinimo

Haddaad doonayso inaad wax curiso lagama bilaabo dadkii wax isku dayay ama haku fashileen ama haku guulaysteene.

Curintaada ka bilaw inaad reer tolkaa guubaabiso hurdada iyo riyadana ka kiciso una sheegto inay yihiin far ka maqan shanta farood, meeshaas yaad buraanbur fiican oo xikmadu ka buuxdo ka currin kartaa (towfiiq insha-allah)

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^Naxli-Faqash, ma runtaa ku gubtey, sida ragga meesha ku qoran uu midba uga sheekeeyey, taariikhdii cunaha goysey. Ileyn mid fuley-carar ah isaga oo ah ayuu ku dhintey. Midna miciyo miles Zenawi u galiyey ayuu ku aarso isyidhi. Midna googorad-dumar, ayuu kasoo dhex muuqdaa isagoo "magan" halkaas ku ah.

Markaa, aan kuu sheegee, SNM, illahey baa ka koriyey in nin madax u noqdey uu sidaas sharaf-beelka ah taariikh-madow ay Somali maxamed ay uga qorto. Sidaa daraateed, iyagu SNM ahaan guubaabo iyo geeraar uma baahna, ee waxaa isxusuusin u baahan ragga taariikhdaas kor ku xusan leh. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Woow, Oodweyne Inaadeer Dee labaad isku darsatay MaanshaAllah; Khabiir luuqadda Boqoradda iyo afmaal teenna hooyo ah. Xaraf aanad ka gabyeyn ma jiro B-da ilaa  Ya-da!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Barwaaqo,

Thanks for that, Inaadeer. Laakiin runtii gabayadda iyo suugaanteena aad baan u xiiseeya. Jacburka iyo afaraydana waan alifi karaa. Hase-ahaatee, gabayo cul-culus, anigu iskuma tuhmo in kasta oo aan ka daalin isku tijaabintooda, oo waan ururiyaa oo aan akhriyaa kuwa noocaas oo kale ah (as a side-line hobby) oo library ayaanba gurigeyga London uga dhex-sameystey (kkk).

In other words, one is a hobby-horse in which one can indulge in, which is what I do when I have a free time to indulge a bit of a light ditty of a poem and its composition of it. In particularly I do that with the hope of writing the big ones with captivating elan along the way (one day, perhaps). As well as the general idea of poetry-reading, in which I do on regular basis. Especially and mostly I do read the collective works of Hadrawi and Gaariye, those are my favorites. And, of course, the other is seriously minded high-brow Somali poetry and the mind to compose it, which is what all serious poets have the knack of doing it and I don't. For mine is a bit of a hobby sort. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead