Sign in to follow this  
Deeq A.

Dibindaabyadda Basaska Qaadda Ardayda

Recommended Posts

Deeq A.   

Inta Badan Schoolada ka jira wadanka waxa u shaqeeya basas kuwaas oo ardayda ka durugsan schoolka usoo qaada barrada schoolka ,haddaba suaasha iswaydiinta mudan waxay tahay schooladu ma kawar Qabaan baddqabka ardaydooda se ma lasocdaan cidda ay ku aaminayaan ardayda intaa tirro leeg ee maganta u ah ,waalidkoodna u wakiishay wakhtiga inta ugu badana iyaga la qaata.

AE7EC232-D5DC-4A71-9F80-DFB12946363D.png

Se waalidka soo kalihinaya ilmihiisa eek u dadaalaya in aan basku katagin xilli horena waddada usii joogsanaya ,ilmahan uu dhalay xaalada u galo

marku ka tago .Dhibaatooyin badan ayay kala kulmaan ardaydu basaska qaadaya iyaga dhexdooda ayaa dhib ka dhacaa ninkan baska kuwadaana iska daadi mooye masuuliyad kale iskama saaro tirro kabadan intii loogu talo galay ayay ku saaraan way raseeyaan sida alaabta, hablo taagan ayaad arkysaa oo kolba markuu Basku istaago madaxa la dhacaya biraha gaadhiga xawaaraha gaadhiga oo aad usareeya ayaa iyana dhibta sii kordhisay, afxumo iyo cay ayay ka bartaan caruurtu waayo inta baddan dad akhlaaqdoodu dhisantahay maaha. Tirro Maleh inta jeer ee shill galeen baabuurta qaada ardydaa yaryar.
Waxa kale oo Nasiib Darro ah In ay ula Baxeen Naanayso Liita oo aan u qalmin ubaxa wadanka in loogu yeedho sida Dhagaaxaan, Sallool iwm .

Haddaba waxan kula talinaya maamulka schoolada iyo waalidkaba arintaa inay u dhug yeeshaan kolay inbadan oo waalidka ah way ka warqabaan se meel ay wax ka bilaabaan ayay garan laayihiin ,

Waxan kusoo koobaya dhawr arimood :

1. In guddida waalidka iyo schoolku kawar qabaan hadba cidda loo dhiibayo ilmaha
2. In loo xilsaaro shirkad ama is kaashato basasley ah lagulana xisaabtamo ,
3. Dirrawalo nadiif ah oo aan afxumayn allena garanaya in loo xullo caruurta inay qaadaan

Alla mahadleh by :maxamed xassan Ibrahim(jamhuuriya)

ibnuhhassan150@gmail.com

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this