Saalax

The noose continues to tighten on Somaliland region: Ethiopia office in Hargeisa to be closed

Recommended Posts

Saalax   

Xogo Xasaasiya: Qorshe Liddi Ku Ah Somaliland Oo Uu Abiy Ahmed Ku Mashquulsan Yahay+Culays Diblomaasiyadeed Oo Uu Saarayo Xukuumadda Biixi + Safaaraddiisii Hargeysa Oo Uu Xidhayo 
 

 1:42 pm 3rd Dec, 2018


Xogo Xasaasiya: Qorshe Liddi Ku Ah Somaliland Oo Uu Abiy Ahmed Ku Mashquulsan Yahay+Culays Diblomaasiyadeed Oo Uu Saarayo Xukuumadda Biixi + Safaaraddiisii Hargeysa Oo Uu Xidhayo
Warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay baahinayeen xogo diblomaasiyadeed oo ay sheegeen in ay ka heleen ilo wareedyo u dhuun daloola dawladda Soomaaliya iyo Itoobiya iyaga oo sheegay halka ay salka ku hayso cadaadis ay ku tilmaamen in ay dawladda Itoobiya saartay Somaliland warkaasi oo idaacadaha iyo warbaahinta Online-ka ah ee Muqdisho si weyn u baahinayeen habeenadii ugu dambaysay.

 

Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu yahay sarkaalka isagu go’aansaday in uu gabi ahaanba soo laabo xidhiidhadii ay Itoobiya la lahayd maamul Goboleedyada dalkaasi iyo Soomaaliya iyo waliba inuu hoos u dhigo xidhiidhkii ay Addis Ababa la lahayd Jamhuuriyadda Somaliland isaga oo kalsooni weyn siiyey Madaxweynaha dawladda Muqdisho Maxamed Cabdilaahi Farmaajo horena ugu ballan qaaday in Itoobiya ay Soomaalida hal jiho kala xidhiidhi doonaan oo ah dawladda Muqdisho ee Federaalka sheegata.


Warbixinahan ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay wajahaysay cadaadis xooggan oo kaga imanaya dowladda Ethiopia kadib markii ay soo baxday qorshe qarsoon oo lagu carqaladeynayo dowladda federaalka ee uu hogaamiyo madaxweynaha Muqdisho Farmaajo.
Xogahan ayaa lagu sheegay in ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu dhowaan amray in xafiiskii Somaliland ee magaalada Addis-Ababa loo raro magaalada Diri Dhaba, taasi oo qeyb ka ah tallaabooyin lagu yaraynayo heerkii diblomaasiyadeed ee dowladda Somaliland iyo Itoobiya u dhaxeeyey iyada oo aanu wali Abiy Axmed kulan la yeelan Madaxweyne Muuse Biixi. Ethiopia ayaa sidoo kale dhowaan la baxday qunsulkeedii Hargeysa.


Ilo-wareedyada xogta laga helay ayaa sheegay Somaliland ay aad uga xumaatay dhawaan markii ciidamo ka socda Liyuu Booliska dalka Itoobiya ee Gaar ahaan Kililka shanaad ay dhexdhexaadin ka gaysteen beelihii walaalaha ahaa eeku diriray Gobolka Sool iyaga oo aan wax wada shaqayn ah kala yeelan arrinkaasi dawladda Somaliland.


Arrinta layaabka leh ee wararkan ku jirta ayaa ah xogo ay sheegeen in ay ku heleen in dawladda Somaliland xidhiidh la samaysay maamul Goboleedyada dalkaasi Soomaaliya si ay cadaadis ugu saaraan dawladdooda dhexe oo ay garab ku siiso siyaasaddii ay Maamul Goboleedyadu ku wiiqayeen dawladooda arrinkaasi oo aan la ogayn xaqiiqadiisa iyo halka uu salka ku hayo.


Dhinaca kale, Farmaajo ayaa la sheegay inuu xidhiidh dhow la leeyahay oo uu haysto taageerada madaxweynaha dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cumar Cagjar iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed qudhiisa. Tani waxa ay keentay in qaab lala yaabay uu Madaxweynaha Kililku Somaliland ugu soo daray mar uu ka hadlay xaalad amni oo uu sheegay in ay dalkiisa kaga imanayso Puntland, Jubbaland kuwaasi oo uu ku lammaaneeyey Somaliland. waa markii ugu horraysay ee Masuul dawladda Itoobiya ahi uu Somaliland ku xidhiidhiyo dhibaato ay gaysan karaan maamulada Soomaaliya oo ay Itoobiya u gaysan karaan. Arrinkaasi oo aad uga cadhaysiiyey Somaliland.


Dhinaca kale xogtan waxa lagu sheegay in Farmaajo uu lahaa fikradda uu Mustaf Cagjar ku dhex-dhexaadinayo beelaha Sool clan ee ku dagaalamay gobolka Sool ee Somaliland, kuwaas oo lagu heshiisiinayo magaalada Jig-Jiga, taasi oo sidoo kale dharbaaxo kale oo siyaasadeed ku noqotay dowladda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
 

https://qarannews.com/xogo-xasaasiya-qorshe-liddi-ku-ah-somaliland-oo-uu-abiy-ahmed-ku-mashquulsan-yahayculays-diblomaasiyadeed-oo-uu-saarayo-xukuumadda-biixi-safaaraddiisii-hargeysa-oo-uu-xidhayo/

 

  • Haha - That was funny. You made me laugh! 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Indeed, the noose is tightening ever more and the desperation is getting ever more dire for the wretched secessionists.

______________________

Madaxweyaha Somaliland oo badalay go’aankii uu horey kaga qaatay madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dib kaga laabtay go’aan uu horey uga qaatay dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hogaamiye Madaxweyne Farmaajo.

Muuse Biixi ayaa 20-kii November kaga dhawaaqay magaalada Burco inaysan wadahadal la galeynin dowladda Soomaaliya ee Madaxweyne Farmaajo uu hogaamiyo, kadib cadaadis xoogan oo Somaliland soo wajahay.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in warsaxaafadeed laga soo saaray madaxtooyada Somaliland lagu shaaciyay in madaxweyne Muuse Biixi uu ka laabtay go’aankiisii hore ee wadahadalka la xiriiray.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Muuse Biixi  ee Hargeysa ayaa lagu sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay wadahadal ay la gasho Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Arrinta isbadalka go’aanka Muuse Biixi ayaa la sheegayaa inay timid kadib markii shalay wafdi ka socdo midowga Yurub ay gaareen magaalada Hargeysa, iyaga oo halkaasi kula kulmay Muuse Biixi.

War-saxaafadeedka kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka caga jiideyso wadahadalka ay la galeyso Maamulka Somaliland.

Xigasho

_________________

Just a few short hours after meeting some junior diplomat from EU's office in Muqdisho ayaaba saan loogu cabsaday and the failed secessionists suddenly issue this statement.

  • Haha - That was funny. You made me laugh! 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muuse Muqayil is happy to see even a junior Reer Yurub diplomat for Soomaaliya, who forced him to issue the statement posted on above.

______________________

Madaxweynaha Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda midowga Yurub

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda midowga reer Yurub oo uu hoggaaminayo Ambassador Fulgencio Garrido oo ah ku xigeenka wakiilka midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo xubnaha wefdiga ah ee ka socday midowga Yurub, ayaa ka wada hadlay qodobo ay ka mid yihiin xoojinta Dimuqraaddiyadda Somaliland, wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, isbedelada siyaasadeed ee geeska Afrika, iyo arrimo doora oo la xidhiidha horumarinta arrimaha bulshada.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in lagu soo hadal qaaday dhismaha wadada Berbera Corridor ee isku xidhi doonta Berbera iyo wajaale sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen midawga Yurub.

Waxa kale oo kulankaasi lagaga wada hadlay qabsoomida doorashooyinka wakiilada iyo golayaasha deegaanka, isagoo Madaxweynuhu u sheegay weftiga in ay xukuumaddu dhinaceeda mar hore iska dhamaystirtay wixii looga baahnaa ee dhinaceeda ku xidhnaa. Sidoo kale waxa laga wada hadlay biyo balaadhinta magaalooyinka Hargeysa, Burco, Boorama, Ceerigaabo iyo Wajaale, waxaanay xubnaha weftigu madaxweynaha ku bogaadiyeen balan qaadkii uu madaxweynuhu u sameeyey biyo balaadhinta Caasimada ee dhamayd halka Milyan ee doolar ($1Milyan).

“Waxa kulankaasi lagu soo qaaday wada hadaladii hore u dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya, sidii loo soo celin lahaa oo uu madaxweynuhu u sheegay xubnaha weftiga in ay Somaliland mar walba ka go’antahay inay hirgalaan wada hadaladu, balse ay Soomaaliya ka jeceshay hagar-daamada iyo Turan-turada qarannimada Somaliland oo ay ku foogan tahay, waxaanu sheegay madaxweynuhu in aanay Soomaaliya marnaba diyaar u ahayn in la furo wada hadalada labada dhinac.”ayaa lagu yidhi qoraalkaasi ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

And ever more tightening.

____________________

Dowladda Soomaaliya oo cunaqabateyn socdaalka ah saareysa Somaliland

Hay’adda Socdaaka iyo Jinsiyadaha Soomalaiya ayaa billowday in ay joojiso muwaadiniinta wata Baasaboorka Soomaaliga ah ee ay saaran tahay astaanta gelidda iyo kabixidda Somaliland (Entry & Exit stamp) kuwaas oo kabaxaya garoonka Muqdisho ama soo degaya garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa dhowr muwaadin ka qaadday Baasabooradoodii, iyada oo loo sheegay in ay sameystaan Baasaboor cusub.

Ilo kudhow xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in uu jiro amar dowladeed oo ay fulineyso hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha kaas oo faraya in la mamnuuca astaan aan ahayn tan Jamhuuriyadda Soomaaliya oo gelid ama bixitaan ah in lagu dhufto ama la saaro Baasaboorka Soomaaliya.

Sababta joojinta muwaadiniinta wata Baasaboorka Soomaliga ah ee ay saaran tahay astaanta gelidda iyo kabixidda Somaliland ayay sheegeen madax katirsan dowladda Soomaaliya in ay tahay in Dowladda Soomaaliya ay dhaqangelineysa sharciga Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo la sameeyey sanadkii 1962, kaas oo dalka oo dhan wadaquseeya islamraakana mamnuucaya in Baasaboorka Soomaaliya lagu dhufto Astaan gelid ama bixid oo waddanka dhexdiisa ah taas oo aan ahayn Astaanta Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya.

Marka la fiiriyo sida uu u dhaqangalay amarka joojinta muwaadiniinta wata Baasaboorka Soomaliga ah ee ay saaran tahay astaanta gelidda iyo kabixidda Somaliland waxa muuqata in uu jiro amar degdeg ah oo la socda dib u habaynta iyo horumarin lagu sameynanyey todobaadkii tegey hannaanka bixinta Baasaboorka.

Inta la ogyahay illaa hadda waxa uu amarka  joojiinta muwaadiniinta wata Baasaboorka Soomaliga ah ee ay saaran tahay astaanta gelidda iyo kabixidda Somaliland saameeyey illaa 6 qof oo ka baxayey garoonka Muqdisho.

Soo Wareejinta maamulka Hawada Soomaaliya

Dadka lafagura Arrimaha socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa qaba in go’aanka lagu joojinayo muwaadiniinta wata Baasaboorka Soomaliga ah ee ay saaran tahay astaanta gelidda iyo kabixidda Somaliland ay sabab u tahay arrinta maamulka hawada Soomaaliya oo halkii laga maamulayey magaalada Nayrobi ee Kenya hadda laga maamulo magaalada Muqdisho sidaas awgeedna aanay hadda suuragal ahayn in hawada Soomaaliya ay adeegsadaan duulimaadyo aan fasax duulimaad ka haysan maamulka hawada Soomaaliya, taasina ay saameyn weyn ku leedahay duulimaadyada tegeya Hargeysa kuwaas oo fasax duulimaad uga baahan Muqdisho.

Waxa kale oo jira oo isna saameyntiisa leh isbeddelka kadhacay geeska Afrika oo isna wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya siiyey awood badan oo aanay horay u lahayn sidaas oo kalana xukuumadda Soomaaliya u sameeyey xiriir hal weji ah oo ay dowladaha geesku kula dhaqmayaan Soomaaliya, taasna waxaa muujiyey Baaqii Baxardaar oo ay madaxda Itoobiya iyo Erateriya ku sheegeen in idnimada Soomaaliya ay tahay lama taabtaan.

Safarkii dhowaan madaxweynaha Somaliland uu ku maray magaalooyin kamid ah gobolada Waqooyi waxa uu ku sheegey Madaxweyne Muuse Biixi hadallo adag iyo cannaan aan diblomaasi ahayn oo uu dusha uga tuuray madaxda Soomaaliya, waxaa dad badani qabaan in tani jawaab u tahay Dhaqanka gaashaanle sare Muusi Biixi Cabdi.

Somaliland oo iskudeyeysa in ay ka go’do Soomaaliya kana baxdo Jamhuuriyadda Somaaliya ayaa wadda ololeheeda gooni isutaagga muddo 27 sano ah balse weli ma muuqato suurtagalnimada in go’idda Somaliland, waxaane lagayaabaa in hab-dhaqanka madaxda Soomaaliland uu waxbadan hortaagan yahay.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

@Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ariintan wada hadalada horta marki horeba sax ma ahayn. Ya lala hadlaya? ma labo juufo oo ictiraaf uu waashay  :D.  The  Awdal community has no problems with Somalia,  neither does the Las Canood/Badhan community or the  West Burco community ( those communities make up more than 60% of Northern Somalia).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.