Dalmar1

(Musuq Maasuqa) Farmaajo iyo Kheyre: “Guddoomiye Mursal isku shaandhee Guddoomiyayaasha guddiyada Barlamanka haddii kale adigaa maqan”

Recommended Posts

Dalmar1   

Musuq Maasuqa Farmaajo iyo Kheyre, Somalia waa iib!!!

image.png.d4882134e720d9521eb03100b93c5d78.png

 

Waxaa amar lagu siiyey Guddoomiyaha Barlamanka mudane Maxamed Mursal inuu isku shaandheeyo Guddoomiyayasha gudiyada Barlamanka oo dhamaantood la isku badalo. Kulan adag oo xalay dhex maray Gudoomiyaha Barlamanka oo dhinac ah iyo MW Farmajo oo ay la safan yihiin Kheyre iyo xertiisa ayaa lagu go’aamiyey in guddiyayada la isku shaandheeyo sidii inay magacaabis ku yimaadeen oo kale.

Guddoomiyayaasha guddiyada Barlamanka waa la doortay waxaana lagu doortay cod aqlabiyad leh, waxana ansixiyey barlamanka. Sidaas darted inuu guddoonka Barlamanka uu markuu rabo kala diro,  mid kalana uu yiraahdo waan isku kiin shaandheyn waa jebin distuurka iyo xeer hoosadka Barlamanka waasa haddii ay image oggolaadaan.

Marka guddi uu soo helo musuqmaasuq iyo ku takrifal awoodeed in la yiraahdo “Guddoomiyahan ha lagu badalo kaas oo ay nala tahay inuu dhuuniraac yahay” waa sharcidarro ay tahay maanta in laga waantoobo.

Mursal-Farma-696x385.jpg

MOL waxay helysaa in lagu heshiiyey ina la isku shaandheeyo guddiyada iyadoo ay ku xigi dooonto in daaqadda laga saaro kii la doono maadaama la awooday in la isku shaandheeyo.

Arrintaan waa gef weyn oo ummadda ay ka galeen haddii gudomiyayaasha  guddiyada ay oggolaadaan ummaddana waligeed ma cafin doonto.

MOL waxay hadda daba joogtaa magacyada gudoomiyayasha gudiyada Barlamanka si mid waliba ay miisaanka u saarto maalinta uu ogolaado in shuruucda uu wax ku yahay la burburiyo.

Sidoo kale taariikhda ayuu gali doonaa guddoomiyaha Barlamanka haddii uu amarkan fuliyo.

 

https://www.muqdisho.online/war-deg-deg-ah-mw-farmajo-iyo-kheyre-guddoomiye-isku-shaandhee-guddoomiyayaasha-guddiyada-barlamanka-haddii-kale-adigaa-maqan/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.