Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Afhayeenka Cagjar is Coldoon?

Recommended Posts

@The Zackshould confirm this for us.

@Abtigiismade a good choice if this is true. Coldoon is a great guy. Sometimes he gets emotional considering what Somaliland regime subjected to him (the fear, isolation,family intimidation) but I think his reaction is normal. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

This Cagjar kid is going to be another Facebook leader if doesn't step up to the plate. He  traveled  to Sool and other places for tribal peace while there is tribal war in Jinacsani; daily Oromo attacks in Dhiredhaba, and other burning issues in his back yard. 

Now he goes to Godey and OG towns, yet never visited one single town close to Jigjiga. I think he is going to be " Madaxweynaha OG" not Somali Galbeed. I repeat, if he doesn't change his attitude, ' Qaybta reerkoodu dego Ayaan u goynaynaa, inta kalena Soomaalida kale ayaa gobol cusub ka samaysan.

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xarig iyo Xorriyad

Bishu waa 12aad sanadkuna waa 2017, waxa aan soo gaadhay magaalada Hargeysa aniga oo ka soo kicitimay magaaladaydii  Burco , barri oo kale waxa la caleemasaarayaa madaxweynaha loo dooratay Somaliland , waxa aan ku sii jeedaa magaalada Dooxa ee xaruunta dalka Qadar oo dalkugalkii aan u haystay waxa ku dhowyahay in uu dhoco . labo arimoodba qorshaha ayey iigu jiraan , in aanan gagida diyaaradaha ee  Hargeysa ka dhoofin ka hor inta aanu madaxweynaha cusubi xilka la wareegin si haddii wax i soo gaadhaan la helo cidda loo raacayo ee mas’uuliyadda qaadanaysa maadaama oo lugu jiro xili u dhexeeya laba madaxweyne mid xilka sii hayya iyo mid la doortay, aniguna aan sidaydaba si joogta ah uga warwarqabo dhinacyo ku aargoosta awoodda sharciga, qorshaha labaadna waxa uu ahaa in aan goobjoog ka noqdo munaasabadda caleemasaarka, qorshaha koobaad waxa igu dhaliyey filasho aan ka qabay xadhig kaddib warbixin aan ka diyaariye wiil reer Gabilley ah oo loo dhiibay Jabuuti iyo faalo aan ka qoray taliyaha booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal iimaan markii uu madaxeynihii hore ee Somaliland Axmed-Siilaanyo labadiisii tobood ee u dambeeyey u dalacsiiyey Fadal darajada ciidan ee sareeya-gaas.

Arinkii aan isku beegayey dhac aniguna baxay sii maray Muqdisho oo hawlo kale oo shaqo ii yaaleen islamarkaana ahayd marinkayga, gaadhay Dooxa markii ay taariikhdu ahayd 26/12/2017 ,oo aan ku talogalsanahay in aan soo joogo ku dhawaad labo todobaad.

Bilawgii joogtitaankayga Dooxa waxa i soo gaadhay war sheegaya in gagida diyaradaha ee Hargeysa la soo gaadhsiiyey amar qabashadayda ah kaas oo sababay in aan nagaado oo aanan ku degdeigin laabasho.

Waxa aan joogaba waxa aan go’aansaday in aan la soo xidhiidho ilo ii hubiya warka xadhigu in uu jiro iyo in kale , Waxa aan 5/2/2018 la soo xidhiidhay Faysal Cali-waraabe Gudoomiyaha xisbiga Ucid oo ii xaqiijiyey jiritaanka warkaas .waxa kale oo uu sheegay Faysal in uu hore uga maqlay afka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi isaga oo leh :”Ninkaa waan xidhi lahaaye wuu iga baxsaday “  arinkaas oo igu noqdo mid aan in badan ka fakaro oo aan is waydiiyo marar badan madaxweynuhu kursiga waabu ku cusubyahaye waa maxay xadhigan uu ku taamayaa ? sidoo kale hadalkaasi waxa uu lumiyey kolsoonidaydii aan ku soo noqon lahaa .

Faysal waxa uu balanqaaday in uu hawsha galidoono oo uu xidhiidh la samayndoono madaxweynaha , wasiirka arimaha gudaha iyo taliyaha booliska somaliland aniguna sidaas baan la qaatay . xidhiidhadii Fysal samee, igu soo warceli ii sheeg in xeer-ilaalinta loo gudbiyey dacwad iga dhan oo nuxurkeedu yahau waxa aad ku kacday arimo ka dhan “qaranimada Somaliland “  sidoo kale Faysal xidhiidhada uu sameeyeyey waxa uu ku soo ogaaday iguna wargaliyey  in uu jiro cadaadis Soomaaliland uga imanaya dhinaca Itoobiya oo lagu dhaliilayo  in ay talaabo iga dhan ah qaadiwayday . Faysal Cali-Waraabe waxa uu ku taliyey in aan arji soo qoro hawshuna sidaa ku dhamaato , arjigaas oo aan ku cadaynayo in aan faraha kala boxo arimaha siyaasadda oo aan ku eekaado arimaha samafalka.

Mudadii aan joogay Qadar ayaa igu dheeraatay, waxa aan u boholyoobay magaaladaydii Burco oo inta ay ii jirtaa fogtahay  , waxa aan go’aansaday in ka tago Dooxa oo aan joogay 4 bilood iyo 20 cisho, waxa aan u soo duulay magaalada Muqdisho 14/4/2018.

Aniga oo ku sugan Muqdisho oo naawaliya ku noqoshada Burco , aanan qorin arjigii la iga sugayey ayaa waxa aan bilaabay todobaadkii ugu horeeyey ee bisha 5aad ee 2018 qoraalo ku saabsan dugsi loo hoydo oo gaar ah oo la yidhaahdo Abaarso oo dhaca duleedka galbeed ee magaalada Hargeysa , dugsigaa waxa aan ka diyaariyey warbixino aan hore nooceeda looga diyaarin oo muran dhalisay .Faysal Cali waxa uu ogaaday warbixinada aan ka qoray dugsigaas , aad buu uga “xumaaday” arinkaa,sidaa awgeed waxa uu go’aansaday in uu faraha kala boxo hawshii uu ku jiray ee uu hore u balanqaaday in uu dhammayn doono.xilliga uu go’aankaa qaatay curashada bisha Ramadaan 2 habeen baa sokeeyey.

Qaraaladii ma aan joojin , halkii baan ka sii waday , dhinaca kalena waxa aan ka fakarayey waa maxay qorshaha xiga ee aad ku gali kartaa magaaladaadii, aniga oo sidaa ku jira waxa arinkayga ka wada xidhiidhay oo wadahadal ka yeeshay  walaalkayga iga weyn Dr.Mubaarik Sh.Muuse Coldoon oo markaa ku sugnaa dalka Sweden iyo Agaasimaha madaxtooyada Somaliland Maxmed Cali Bile oo ay ka dhaxaysay garsho ay dalka Yaman mudo wada joogi jireen  , wadahadlkoodu waxa uu salka ku hayey sidii xal loogu heli lahaa imaanshahayga Somaliland iyo cabashada dugsiga Abaarso oo soo gaadhay madaxtooyada ,dhinaca kalena isla cabashada dugsiga Abaarso waxa igala soo xidhiidhay Gudoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi oo kulan nagu dhexmaray gurigiisa Muqdisho , ka hor inta aanu iga codsan in aan joojiyo warbixinada ku saabsan dugsiga Abaarso waxa uu igu yidhi Xaashi : “khalad weyn baan gali lahaa haddii aan la ii sheegin in aad adiga tahay “ “ laakiin markii aan ku gartay baan dib u noqday “ hadalkaa oo aan u malaynayo in uu sidaa ahaa buu igu yidhi Cabdi Xaashi oo aan u fahmay in uu qaadan lahaa talaabo iga dhan ah , laakiin markii uu ii gartay Cabdimaalik Sh.Muuse Coldoon buu is dajiyey, kulankaasi na dhexmaray.

10kii dambe ee Bisha Ramadaan Maxamed Cali Bile waxa uu Dr.Mubaarik uga yeedhay Sweden oo uu fasax kula joogay qoyskiisa kuna yidhi kaalay Hrgeysa , ciidulfidrigii kaddib waxa uu  Bile madaxtooyada ku kulansiiyey guddi ka socotay dugsiga Abaarso iyo Dr.Mubaarik ,dood dheer kaddib waxa ay gudidii soo bandhigtay in Cabdimaalik raaligalin ka bixiyo warbixinadii uu ka diyaariyey dugsiga, waxay  taa raaciyeen in uu raaligalintaa bixiyo ka hor inta  aanu soo cagadhigan Somaliland .sharuudahaa markii la i soo gaadhsiiyey ma ogolaan, waxa aan u rakayey warbixinada aan ka diyaariyey dugsiga in yihiin kuwo runta ku salaysan oo leh meel loo raaco,sidaa awgeed waan diiday in aan bixiyo raaligalin, waxa aan ka doorbiday in aan ka maqnaado magaaladayda halka aan iman lahaa aniga oo is hafray oo bulshadana dagay.

Kulankii na dhexmaray aniga iyo gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi ee uu iga codsaday in aan joojiyo warbixinada ku saabsan dugsiga Abaarso waan ka ogolaaday , maadaama uu arinkii marayo heerkaa waxa aan go’aansaday in aan hakad galiyo hawshaa oo aan muujiyo in aan ahay nin qabsoomikara hadii loo baahdo iyo rajo aan ka qabo in aan dugsiga laftiisa booqdo oo aan ka diyaariyo warbixin madaxbanan oo aan waraaysi la yeelanayo maamulka, gudida iyo aradayda dugsigaas.

3 bilood iyo dheeraad markaan Muqdisho joogay, waxa aan go’aansaday in aan Burco uga ambaboxo  , aroornimadii 26/7/2018 ayaan ka duulay Muqdisho, waxa aan ka degay magaalada Garoowe , isla galinkii dambe waxa aan ka soo raacay gaadhi ila soo maraya Laascaanood, Oog, iyo Caynaba, fiidkiiba waxa aan si nabad ah ku soo galay magaalada aan aduunka ugu jecelahay ee Burco , inta aan jidka ku soo jiray wadnaha Ayaan farta ku hayey , Allaah baa iga indhasaabay askarta istabaha, mahadi isaga ayey u sugnaatay. 

Burco markii aan maalmo kooban joogay waxa aan ogaaday in ciidanka booliska Burco la soo gaadhsiiyey amar lagu farayo in ay i soo qabtaan oo Hargeysa igu soo wareejiyaan amarkaas oo isla Hargeysa uga yimi .Hawlgalkoodii bay bilaabeen,waxa ay weerareen goobo ay ogaadeen in aan ku suganahay sida dugsi ku yaal magaalada Burco oo aanu shaqo waraabihineed u joogay aniga saaxiibkay diiriye Jaamac Cabdi , Allaah waxa uu qadaray in ay yimaadaan anaga oo woxogaa ka sii maqan , sidoo kale waxa ay ciidanku 18/8/2018  goor makhrib iyo cishe u dhaxaysa weerar culus ku soo qaadeen xafiiskayaga magaalada Burco ,weerarka in yar ka hor salaaddii makhrib baa taagnayd ,furaha xafiiskana  maan haysan , gaadhi aan watay waxa aan  hordhigay xafiiska ,aniguna waxa aan u dhaqaaqay si aan uga waysaysto  dhinaca xaafad ila jaar ah  oo iga soo horjeeday oo aan aalaaba u galo, salaadii marka aan dhamaystay iyo bariidadii reerka Ayaan is idhi dibedda u bax oo kaxayso gaadhigaaga , inan yar oo iga hor baxday oo adeeg dukkaanka looga diray baa albaabka igaga hor timi inta aanan bixin , waxa ay ii sheegtay in aaggba ciidan xidheen sidaa awgeedna aanan ka bixin guriga , meel daloosha oo albaabaka ah baan ka eegay , waxa aan arkay askar tuban , waxa aan arkay sidoo kale xafiiskaygii oo alaab taalay gaadhi lagu gurayo , askarta waxa la daadiyey horaanta iyo hareeraha xafiiska , waxa loo malaynayaa in aan ku jiro gudaha xafiiska , markii ay iga soo waayeen bay beelaabeen boolisku in ay baadhaan guryaha igu dheggen iyo kuwa iga soo horjeeda ,markii ay garaaceen gurigii aan joogay baan  xagga dambe ka dhacay , guri kale Ayaan u dhacay , labo dumar ah oo joogay way igu saseen , qaylo ayey oodda ka qaadeen, cabbaar bay igu qaatay in aan fahansiiyo waxa jira , ugu dambayn way i garteen wayna aamuseen , labo wiil oo la joogay labada dumarka ah oo aan ku qiyaasay da’dooda 7 ama 8 jirro afkaa kama ay yeedhin dagnaansho iyo xasilooni baa saarnayd , iyaga aamusiiyey gabadh saddexaad oo dibedda qaylo kale ka bilowday ,gaadiid baan dalbaday si aan uga boxo goobta halista  ,markii uu soo istaagay gaadiidkii aan u yeedhay ee aan is idhi bax aniga oo midig iyo bidixba aad u eegeegaya waxa na soo hormaray gaadiid kale oo taksi ah oo mar dambe aan ogaaday in ay askari saarnayd , kaana Allaah iga indhasaab , raacay gaadiidkii Bajaajta ahaa ee aan dalbaday ee uu waday saaxiibkay Diiriye Jaamac Cabdi , askartii oo dhinac walba taagan dhaafnay , Allaah mahaddii meel nabad gaadhay. Habeenkaa markii boolisku ku fashilmay qabashadayda waxa ciidan lagu daadiye wadooyinka halbowlaha u ah magaalada , waxa aad loo baadhayey gaadiidka iyo dadka saaran.

Labo bilood oo aan Burco joogay waxa aan ku jiray digtooni , booliskuna waxa ay iigu jireen heegan iyaga iyo kuwo kale oo lagaga soo xoojiyey dhinaca Hargeysa , gurigayga si joogta ah uma seexan jirin , guri kalena labo habeen oo isku xiga badanaa ma aan seexan jirin , warwarkeyga ugu weyni waxa uu ahaa in ay igu soo helaan nidaamka ( GPRS)ka lambarka tiliifoon ee aan ku hadlayo , lambaradayda caanka ahna inta badan waan iska fogayn jiray , waxa aan qaatay lambaro cusub aniga iyo dadka igu xeeran ee ii gaarka ah ee ila soo xidhiidhayaaba.

Aniga oo habeen ka mid ah habeenada gurigaygii amni ahaan la iiga soo kexeeyey oo uu ila socdo saaxiibkay C/qaadir Cismaan Dubadd oo uu guri kale igu keenay gaadhi Ayaan waxa aan ku idhi “ Ninyohow aan ku raaco oo aan sharaab iyo wax soo iibsado suuqa ee ina mari “ waxa aan sidaa u leeyahay waxa aan rabaa in aan soo yar nafiso , saaxiibkay amnigayga awgii wuu iga diiday , waxa uu ii sheegay in boolisku baadhayaan caawa gawaadhida , sidaa awgeedna ay tahay in aan gudaha ku sugnaado oo isagu ii soo iibiyo waxa aan rabo , amarkii waan qaatay meel daarad ah oo hawada u furan oo guriga ka mid ah baan caw iska dhigtay , aniga oo qalabkayga iska rogrogana ayaa waxa la’iga soo wacay Messengerka Faysbuuga 20/9/2018, waxa i soo wacay nin aanu hawada iska baranay oo ka mid ahaa dadkii halganka kula jiray taliskii Cabdi iley , markii uu i bariidiyey ee aan is waydaarsanay warran iyo waa nabad  ayuu igu yidhi la hadal Madaxweyne Mustafe ayaa ila jooga oo kula hadalaya eh, aad baan ugu farxay soowicitaankaa marka loo eego xaalada aan ku sugnaa  , Madaxweynihii woxooga is waraysanay , ugu dambayn isla qaadanay in aan u soo boxo dhinaca Jigjiga.

Aniga iyo saaxiibaday Siciid Maxamed Cabdi iyo C/Qaadir Cismaan Dubbad waxa aan u diyaargarownay socdaal aanu kagaga baxayno Burco oo aanu ku gaadhayno Jigjiga , socdaalkani wuu ka duwanyahay socdaalada kale , waa in aan la ogaan oo aan la dareemin ,jidka aanu iska ilaalino ,  waxa aanu sahaminoba markii ay taariikhdu ahayd 30/9/2018 ayaanu ka baxnay Burco waxa aanu kaxaysanay gaadhi xaajiyad ah oo aanu si gaar u kiraysanay , maalintii iyo habeenkiiba waanu sii soconay , markii aanu gaadhnay deegaanka Riyo-xidho, goorsheegtuna ay ahayd inta u dhaxaysa 10ka illaa 11-ka habeenimo oo aanu in yar dhaafnay magaalada ayuu  wadihii xaajiyaddu yidhi “hadda ammaan baad tihiin waad ka soo gudubteen xadkii “, waxa aan ku idhi jooji haddaba gaadhiga waxa aan arkaa riyo aan ku riyooday oo rumowday eh , waxa aan ugu warmay riyo aan arkay oo ahayd sidan : “Markii ay ciidankii boolisku isku hareereeyeen gurigii aan hurday, ee aan hubsaday in ay i qabteen ,ayaan arkay meel daloosha oo ka mid ah saqafka guriga , maan sugine iyaga oo dibedda igu sugaya ayaan halkii koray oo xaluulay ,kadibna waxa aan ka baxay oo ka dhacay xagga dambe,markii ay sidaa labadayda lugood dhulka ugu dheceen ee aan yaqiinsaday in aan badbaaday baan maqlay cod aanan garnayn meesha iyo ciidda uu iiga imanyey oo igu akhrinaya aayadan:

(نجوتَ من القوم الظالمين ) ( Najawta min Alqawmi Addaalimiin)

Oo micneheedu yahay waxa aad ka badbaaday duulkii daalimiinta ahaa markii aan wadaha iyo saaxiibaday uga sheekeeyey riyada Ayaan ku idhi labada lugood baan dhulka ku dhufanayaa inta aan gaadhiga ka boodo sida riyada aan labada lugood dhulka ugu dhuftay , idinkuna aayadda akhriya , sidii bay sameeyeen ,meeshii wax yar oo nasosha ah baanu ku qaadanay , socdaalkii baanu halkii ka sii wadnay. Aroortii 2/10/2018 ayaa soodhwayn la noogu sameeye Degmada Qabribayyax oo aan ka fogayn magaalad Jigjiga , ugu dambayn Jigjiga ayaanu soo gaadhnay

Kuwii ku dadaalayey in ay gacanta igu dhigaan sidaa iguma ay dayn eh, waxa ay iga soo dacweeyeen dawaladdan aan la joogo,balse sidii ay wax u rabeen looma yeelin , aniguna hadda waxa aan ku suganahay magaalada Jigjiga , waxa aan rajaynaa in aan maalin un ku noqon doono magaaladaydii Burco aniga oo nabad ah oo aanan ka warwarayn in gurigayga iyo xafiiskayga la iigu soo daato.

Qore: C/maalik Sh. Muuse Coldoon 

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   
On 11/20/2018 at 11:17 AM, Dahireeto said:

@The Zackshould confirm this for us.

@Abtigiismade a good choice if this is true. Coldoon is a great guy. Sometimes he gets emotional considering what Somaliland regime subjected to him (the fear, isolation,family intimidation) but I think his reaction is normal. 

No, Coldoon is a freelancer. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.