Deeq A.

Xaaf ” Dowlada Soomaaliya ayaa dagaalo ka hurineeyso Gal-Mudug”

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf oo dib maanta ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Gal-Mudug kadib socdaalo uu ku joogay magaalada Gaal-kacyo ayaa eedeeyn u jeediyay dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Xaaf ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyeey in ay hurineeyso colaado ka dhaca Gal-Mudug islamarkaasina maamulkiisa uu arintaasi la socdo.

Waxaa uu ku eedeeyay dagaalo beeleedyo ka qarxay maanta duleedka Balan Bale in dowlada ay hurineeyso sidoo kalena xiisado ka jira Cadaado iyo Hobyo ay dowlada soo abaabushay sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne Xaaf.

Waxaa sii xoogeeeysanaya khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf iyo dowlada Soomaaliya iyadoo kale hore madaxweyne Xaaf uu diiday shir uu iclaamiyay madaxweyne Farmaajo oo lagu xalinayo xiisadaha Gal-Mudug.

Hoos Codka ka dhageeyso 

https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/Cod-Xaaf-.mp3

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post 

The post Xaaf ” Dowlada Soomaaliya ayaa dagaalo ka hurineeyso Gal-Mudug” appeared first on Puntland Post.

Share this post

Link to post
Share on other sites
galbeedi   

If there is any place in Somalia that needs nurturing and uniting people,  it is Galmudug. It had been the fault lines of internal and communal conflicts since 1991. For the first time in 2013/14, the Hassan Sheikh government brought them together that diverse community and formed the Galmudug administration.

Also, for the last year and half, there have been harmony and good co[existence between Puntland and Galmudug. It is sad that the clock had been set back for Galmudug to have two leaders at the same time.

Share this post

Link to post
Share on other sites
gooni   

Xassan sheekh m'uud, madaxweynihii hore ee soomaaliya wuxuu dhisay maamulo u eg buul aan tiir celiya lahayn oo qorax iyo dabayl midna u adkaysan karrin, asagoo qoslayana wuu iska tagey.

Xaaf waxaa madaxweyne looga dhigay gobol iyo bar waxaan filayaa inay degaan 9 ilaa 11 qabiil iyo jufo aan dabka meel qudha kuwada shidan waligood.

Ayadoo hawshaa xooga badan u taal yuu puntland oo hal qabiil maamulo talo u ag fariistay.

Isma uusan waydiin puntland ratiga ay hogaankiisa kuu dhiibtay yaa iska leh.

Hadday daacad iyo walaaltinimo kuu ogolyihiin maxay nuska ka maqan gal mudug kuugu ogolaan waayeen ama u oran waayeen, reer burtinle maanta laga bilaabo madaxweynihiinu waa Dr.xaaf ayadoo la raacayo sharciga federaalka oo aan ogolayn labo gobol wax ka yar inay federaal noqdaan.

Gal mudug waxaa madaxweyne ka noqon kara nin u hogaansan dawladda dhexe sida hir-shabeele oo caqli badan ama aan ka xishoon inuu xaaqin gaaban ku nadiifiyo guri kastoo ku yaal gal mudug.

Looma baahna nin remote control  u noqda maamul kale asagoo tiisii dayacay.

Share this post

Link to post
Share on other sites
8 hours ago, galbeedi said:

Galbeedi, are you sure you are talking about the same Mudug we all know. Mudug waa wada ognahay, deegaankaas dadka degan waa ognahay madax adeegooda, reer iyo qabiilkee yihiinba ha ahaadaanee. Walaa gumeystihii Talyaaniga, walaa dowladii rayidka, tii Kacaanka iyo burburkiiba ka dib. Dadkaas si sahlan kuma wada noolaan karaan.

Xasan Sh. Maxamuud, wax uu kab kabay ee wax ma dhisin. If uu dhisi lahaa, saan si sahlan uma burburteen all the time.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Holac   

There is no benefit for the federal government in this. Xaaf is right. Renewed tribal wars will set the country back decades. 

Share this post

Link to post
Share on other sites
Samafal   
13 hours ago, gooni said:

Xassan sheekh m'uud, madaxweynihii hore ee soomaaliya wuxuu dhisay maamulo u eg buul aan tiir celiya lahayn oo qorax iyo dabayl midna u adkaysan karrin, asagoo qoslayana wuu iska tagey.

Xaaf waxaa madaxweyne looga dhigay gobol iyo bar waxaan filayaa inay degaan 9 ilaa 11 qabiil iyo jufo aan dabka meel qudha kuwada shidan waligood.

Ayadoo hawshaa xooga badan u taal yuu puntland oo hal qabiil maamulo talo u ag fariistay.

Isma uusan waydiin puntland ratiga ay hogaankiisa kuu dhiibtay yaa iska leh.

Hadday daacad iyo walaaltinimo kuu ogolyihiin maxay nuska ka maqan gal mudug kuugu ogolaan waayeen ama u oran waayeen, reer burtinle maanta laga bilaabo madaxweynihiinu waa Dr.xaaf ayadoo la raacayo sharciga federaalka oo aan ogolayn labo gobol wax ka yar inay federaal noqdaan.

Gal mudug waxaa madaxweyne ka noqon kara nin u hogaansan dawladda dhexe sida hir-shabeele oo caqli badan ama aan ka xishoon inuu xaaqin gaaban ku nadiifiyo guri kastoo ku yaal gal mudug.

Looma baahna nin remote control  u noqda maamul kale asagoo tiisii dayacay.

Puntland baa lagaa raacay. Nimankaan waligood isdiidanaa maxaad Puntland ugula soo galgalanaysaa? War wadaad Utag oo Iska cuudi Puntland.

Share this post

Link to post
Share on other sites
gooni   

Samafale

Maamulka puntland federaal nooc gaara oo aan aduunka laga aqoon buu doonayaa

Waana mushkiladda koowaad ee soomaaliya lugaha haysa aragtidayda.

Sidaa daraadeed waxay diidan yihiin, in federaalku kaligeed kasoo haro, wayna u egtahay sida wax ku socdaan.

Gobolada kale waa qabiilo isu tagey oo kala masaalix noqon kara xalkooda ugu dambeeyana wuxuu noqonayaa in Nin ama beel kaligeed amar ku taaglaysa aysan dhicin.

Puntland waa sadexdaa jufo oo walaalaha hoose ah, xataa adeerkood uma ogola inuu iridda hore soo istaago, taasina waxay keentay inay maamul jufo uga gudbi waayaan maamul beeleed oo sool iyo sanaag ay tahriib ku tagaan.

Xaaf waa miinshaar aan af lahayn mana garanayo sababta puntland usoo dhawaysanayso, meeshii laga casuumo wuu isaga dhaqaaqi, waa qaraabaynaa waa ka daacad.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Holac   

I don't know why the Federal government is chasing Xaaf. He is actually one of the most level-headed leaders of Dowlad Goboleeds. Who are the protagonists in this drama for control in Galmudug?  Caabudwaaq clan vs Cadaado clan?

Who is fighting whom?

Share this post

Link to post
Share on other sites
Samafal   

UGooni,

Nin iska caadifaysan oo iska hadlaya baad tahay. Puntland baad ku waalateen. Puntland waxat rabto waa cadahay. Marna dhici mayso wiil yaroo jaahil oo intuu xukunka maquunsado uu maxastooda barakiciyo, baraagahooda burburiyo wadankana musuq maasuq iyo eex ku maamulo, garaadana u wada galiyo wiilal yayyar oo baadiye kasoo ordau waxna  qorin waxna aqrin. Taas waa hamaynkii xalay oo tagay. Wadanka taladiisu waa Federal (wadaag), hadaadan rabin maro cirka ka talo.

Teeda kale Puntland  jufo haday tahay waa jufo kula simane, maad xataa ku heshiisaan Caabudwaaq waa idinka labada jufo ukala joogee?

Share this post

Link to post
Share on other sites
Samafal   
30 minutes ago, Holac said:

I don't know why the Federal government is chasing Xaaf. He is actually one of the most level-headed leaders of Dowlad Goboleeds. Who are the protagonists in this drama for control in Galmudug?  Caabudwaaq clan vs Cadaado clan?

Who is fighting whom?

Holac Caabudwa

Holac, Caabudwaaq clan is insignificant and marginal when it comes to Galmudug. It is HG trinity of South Galkio, Cadaado and Dhuuso Mareeb that have big power struggle. Remember Ximan & Xeeb,  Ahlu Sunnah and Galmudug. It still the same mentality. Individuals from other clans such as Carabeey of  Caabudqwaaq, and the speaker from Ceelbuur are just tools being used for internal struggle between HG clan. The so called speaker never visited Ceelbuur as it is controlled by Alshabaab.

This whole thing started when Xaaf signed peace deal with Alhu Sunnah who almost exclusively are C/qaasin clan that gave them more power and the capital of Galmudug to be Dhuuso Mareeb. Also, Gave many Xildhibaano to Ahlu Sunnah which makes them to handpick the next president. Cadaado clan does not like Xaaf's appeasement of Ahlu Sunnah. Hence the quackmire.

Share this post

Link to post
Share on other sites
2 hours ago, Samafal said:

Samafal, I wouldn’t call this political infighting as a quagmire per se. In fact, this is a necessary reshuffling of the true stakeholders of Galmudug. This is about a group of individuals in Xamar who want to use Galmudug as a personal sideshow to further their political careers, and a group that really wants to be independent and work towards building a functioning State government that can serve and protect its people. Ultimately, victory will go to the individuals who have the people’s interest at heart, for they will possess the most vital ingredient to win: The people’s support!

Share this post

Link to post
Share on other sites
gooni   

Samafale

Walaal marka ugu horaysa is deji sanduuq aad u qadiim ah yaad weli ku qufulantahay.

Nadaamka hadda ka jira somaaliya waa nadaam nagu cusub waxaana keenay towfiiq xumada dhex martay soomaalida wuxuuna nagu noqday dawlado kala madax banaan, federaal is maqal iyo kala damambayn leh wuu noqon waayay.

Lama wada taliyo walaal, waxaa taliya oo qudha dadkii talada loo dhiibto, inta kalena waa shacab u baahan nabad iyo nolol.

Doontii labo naakhuude yeelataa waa quustaa baa hore loo yiri ka warran haday shan naakhuude yeelato?

Dawladaan farmaajo hogaaminayo waa labo jir, labo jir geel masoo celiyo cid sugaysa labaatan jirkooda ma jirto waa meerto qofkii yimaadaa waa inuu wax un dhaqaajiyaa asagoon qoslayn.

baraagna puntland ka dumin maayaan, inay u dhisaan mooyee, shacbiyadoodu weli hoos ugama dhicin puntland iyo somaaliyoo dhanba.

Taasi waa taas ku fogaan maayo meeshu wado aad u qdax badan waxaan ka baqayaa inaad ku kufto.

Waxa u qabsoomay dawladda hadda jirata, waxaa ugu muhiimsan arrinta u keentay, in madaxda federaalku mucaarad ugu noqdaan, oo ah inaysan ahayn madax-wayne-yaal, u madax banaan arimahooda dibadda iyo masiirka qabiiladooda.

Haddii aysan arrintaas ka hortagin dawladda hadda jirta waxaan u ekaanaynaa dal beec ah oo aad u liita.

Usoo noqo gal mudug shalay markii la dhisay Dr.gaas wuxuu ugu yeeri jiray Gal-NUS asagoo ku qoslaya, maantana wuxuu shaahado sharaf uu asagu qoray siiyay Dr. Xaaf, asagoon soo hadal qaadin nuskii maqnaa meeshuu ku dambeeyay.

Dr.gaas uma eka xaqiiqdii nin puntland iyo federaal midna wax ugu yaal waa proffessor lagu khasaaray ardadiisiina meel duur ah ku fogeeyay uguna soo tagey.

Reer caabud waaq intaan ka aqaan ma jecla federaal u eg gabar kaligeed aqal qurxoon dhisatay oo ku sugaysa gayaankeed aysan af garanayn.

Waxay jecel yihiin inay helaan dawlad xoog badan, oo xuduudkeeda iyo dadnimadeeda ku filan, haddii la waayana ay wax ku darsato beel ay wax ku diidi karto, wax supper power la yiraahdo mudug kama jiro waligeedna laguma arag, beesha ugu yar basbaas waa ka dhib badantahay.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Samafal   

Tillamook, 

I know the fire is being fueled from Mogadishu but I don't think it is fair to say that they are the source of the conflict. Since South Kalkio declared Galmudug HG trinity powe struggle and distrust existed, and still exist to this day. Xaaf tried to be pragmatic and compromise to break the deadlock, but forces within the clan specially Cadaado are extremely suspicipious of him and Ahlu Sunnah crew.

Gooni

Farmajo talo ma hayo. Isagoon socod baran buu dagaal ku bilaabay Federalkii uu ku dhaartay, haduu xoogaystana wuxuu soo wado waa la qiyaasi karaa. Adiga iyo issgaba waxaa idinka guuxaya Aabo Siyaad Central governmentkiisii. Hadii uu fiicanyahayna nagama burbureen. Dalkana khalkhal 30 jirsaday kuma jireen. Marka cid wax idin waydiinaysa majirto. Isagu haduusana Federaal rabin booska ha baneeyo hana qulqulo. Hada labo sano buu fadhiyaa labana waa udhimantahay wax lataabankaro oo uu soo kordhiyay majirto.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.