Sign in to follow this  
Liqaye

It seems the fight against hijab has come home!

Recommended Posts

Liqaye   

Aamino Abuukar Nuur “Waxaan waxbarasheydii ku waayay niqaabkii aan xirnaa dartii

Muqdisho

 

 

Aamino Abuukar Nuur oo ka mid aheyd ardayda wax ka dhigata Dusiga sare ee Ablaal (Ablaal Secondary School) ee ku yaal xaafada Huriwaa ee magaalada Muqdisho ayaa qoraal ay soo gaarsiisay boogan ku sheegtay in ay waxbarashadeedii dugsiga sare ee ay ka dhiganeysay dugsiga sare ee Ablaal ay ku weysay xirashada niqaabka insha shareerka ah oo ay qaadato, uun ku amray maamulka iskuulkaasi in ay iska dhigto ama ay isaga tagto iskuulka, balse ay iyadu diiday taa oo ay ka doorbiday halkii ay iska dhigi laheyd niqaabka in ay isaga tagto waxbarashada.

 

 

“Waxaa I qabsatay arrin aan ku wanaagsaneyn oo meel ka dhac ku ah sharceecada islaamka, kadib markii niqaabkii aan xirnaa dartii la igaga buriyay iskuulkii aan wax ka baranayay, welibana la iigugu hanjabay in aan iska dhigo niqaabka haddii kale aan waxbarashadeyda ku weyn doono, run ahaantii aniguna arrintaasi aad ayey igugu adkaatay in aan waxbarasho darteed u dhigo sheygii uu ALLE igu waajibiyay xirashadiisa, waxaana la isku dayay in macalimiintii qaarkood la igu diro, waxeyna aaqirkii ku soo uruurtay in iskuulkii la iga kansalo galkeygiina la i siiyo, markii aan codsaday warqadii bedelaada si aan ugu bedesho iskuul kale, soo noq-noqosha badan kadib waa la ii diiday” ayey tiri Aamina Abuukar Nuur oo ku tilmaantay maamulaha iskuulkaasi oo lagu magacaabo C/raxmaan Macalin Axmed (Ablaal) shaqsi ku kacay wax aan shareecada islaamka ku wanaagsaneyn, waxeyna sheegtay in maamuluhu ku adkeystay go’aankiisii diidmada ahaa, ayna haatan tahay qof guri joog ah oo aanan waxba baran.

 

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
nafta   

oh my days...if you wear it they tell you to put it off, if you dont they say you're a suqna...hypocrites :rolleyes:

 

 

besides did they tell her why she couldn't wear the indha sareer? what was the main reason or was it just another case of showing who's boss?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Blessed   

This is madness!

 

My friend went Tunisia for the Hils. and was the telling me that brothers arn't allowed to grow beards and Sisters not allowed to wear hijaab. same situation in Algeria and many other Muslim countries...and now this!!

 

Hypocrites ayaa ina haysta.. bal halkay ilaahay ka galayaan?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

this is an update on the present situation

 

Wareysiyo gaar gaar ah oo aanu la kala yeelanay Maamulaha dugsiga sare Ablaal & gabar ka mid aheyd ardayda iskuulkaasi oo sheegtay in waxbarashadeedii ay ku weyday niqaabkii ay xirneyd dartii

Muqdisho

 

 

AaminaAbuukarNuur.jpg

 

 

Wareysi aanu la yeelannay 12/1/2004 Aamino Abuukar Nuur oo aheyd gabar ka mid ah ardayda dhigata dugsiga sare Ablaal (Ablaal Secondary School) ee ku yaal xaafada Bandar-wanaag ee degmada Huriwaa ayaa ku sheegtay wareysigaasi in ay ka mid aheyd ardayda wax ka barata iskuulka Ablaal lagagana soo eryay iskuulaasi Kadib markii sida ay sheegtay uu maamulaha iskuulka u sheegay in ay iska dhigto niqaabka (Insha shareeka) haddii kalena ay isaga tago iskuulka, ayna u sheegtay maamulka in ay door bideyso in aysan dhigin niqaabka haddii iskuulka ay sii dhigato & haddii ay ka tagtaba.

 

“Maalintii ugu horeysay ee aan tegay iskuulka aniga oo xiran niqaabka ayuu igu yiri maamulaha iskuulka “waa kuma qoftan” markii aan isku sheegay ee uu i gartay-na wuxuu igu yiri iskuulkan laguma dhiganayo niqaab mana oggoli waxaana markaasi goob joog ahaa macalin Ibraahim & macalin Weheliye”ayey tiri Aamino Abuukar Nuur oo intaa ku daray in aysan horay u qaadan jirin niqaabka balse ay dhowaan bilowday in ay qaadato, waxeyna intaa ku dartay in ay jiraan arday gaareysa 5 oo horay u qaadan jiray niqaabka uuna macalinka u sheegay in uu qaati ka taagan yahay kuwaasi, uusan aqbaleyn qof kale oo xiray niqaabka

 

 

MaamulahadugsigasareAblaalCabdiraxmaanMa

 

Hadaba maamulaha dugsiga sare Ablaal oo la soo xiriiray boggan ayaa ka codsaday wariyayaasha bogga in ay soo booqdaan iskuulka ayna indhahooda ku soo arki karaan xaalada ay ku sugan yihiin ardayda wax ka dhigata iskuulkaasi, waxaana kormeerkii saaka ay wariyayaasha bogga ku tageen iskuulka ay ku soo arkeen qaar ka tirsan ardayda iskuulka oo xirnaa niqaabka kuwaasoo aad u tiri yaraa, wuxuuna sheegay maamulaha iskuulku in aysan ka suurtoobin in ay sidaa falaan ayna la yaab ku noqotay markii ay arkeen farriintii gabadha ay ku qortay Internet-ka, isaga oo intaa ku daray in maamulku kala jecleyn ardaygii xirta niqaabka & kii kale, ayna howshoodu tahay keliya in ay ardayda wax baraan kuna dedaalaan waxbarashadooda

 

qaarkatirsanardaydadugsigasareAblaal.jpg

 

Gabadha cabashadeedu kuma saleysneyn niqaabka, waxaana keenay in iskuulka laga eryo markii ay qaar ka tirsan maamulka u geysatay aflagaado” ayuu yiri maamulaha iskuulka C/raxmaan Axmed Macalin (Ablaal) isaga oo ku ceceliyay in aysan iyagu kala jecleyn ardayda oo aysan qaarna u fasaxeyn niqaabka qaarna aysan u diideyn, wuxuuna intaa raaciyay in manhajka ay ardayda wax ku baraan uu ku saleysan yahay kii wasaaradii waxbarashada ayna u dhigaan ardayda dhammaan maadooyinka lagu barto iskuulada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this