Suldaanka

The 3 Stooges are here again...

Recommended Posts

Trying to politicise the inter-clan fights between the two brotherly people of Southern Sool. Desparate times. 

Raggan dhaarti ay aduunka u sheegeen ayaa laga filaaya, calaacal iyo cheap under-the-belt propaganda loogama fadhiyin. 

  • Thanks 1
  • Haha - That was funny. You made me laugh! 2

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Snm qudheedu waxay daacayad u samanaysaa jamhuuriyad ay iskeed u been abuurtay.

Ciidanka qarankaa ku baxay madaxweynihii qarankaa ka hadlay tiknikidii qaranka loo diray odoyaashii qarankaa laas caanood tagey iyo biti biti aan dhamaad lahayn.

Soomaalidaan ka maqli jiray, riyo haday sayn leeyihiin dabadooday ku daboolan lahaayeen

Waxaasoo qarrana maxay ugu diri waayeen dagaalkii ceel-afwayn oo naftu uga baxday?

Allaha u naxariisto intii ku dhimatay inta dhaawacanaa allaha buskeeyo

Aragtidayda dagaalkan waxaa lagu joojin karaa in labada beelood middii fudud loo raro qaybaha kale ee gobolka waayo reer miyigu dakanada iyo aragtidu isuma qabato.

Haddiise maamulo lagu haleeyo way kasii daraysaa, waxaa xalin kara beesha jufooyinkooda kale ayagoo la guuraya labada beelood tii fudud.

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

@gooni

Awoowe, arinku waa dagaal qabali ah. Dagaalka qabaliga ah waxa lagu dhameeya sidu dhaqanku yahay.

Meelsha waxa ka maqan waa doorkii madaxdhaqameedka deegaanka oo ka doorbiday inay debad wareegaan, halka ay shaqadii loo igmaday ay dayaceen. 

Arinka Ceel Afwayn waxay nabaddu xidhantay kolkii labaddii ardaa dadkii xidhaalaha u ahaa goob fagaare ah la isku dhaarsaday, wixii aano qabiil ah xisaab xidh lagu sameeyay reer walba ogolaaday wixii daalac loo raacay. 

Hada Ceel Afwayn qofkii qof dila, reer ka u kaso  jeedo ayaa isagoo garbo duub u xidhan ku so wareejinaya reerkii laga dilay. Xataa hadii uu Puntland u cararo, waa laga dabo imanaya dadka uu ka dhashay ayaana soo qabanaya oo ku wareejinaya reerka kale. 

Reeraha Dega Koonfurta laascaanood, wali daacad lagama aha in xal laga gaadho. Kolka Garaadku Garoowe ka yimaado oo dhex fadhiisto tolkii ayaa xal la gaadhi karaa. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Suldaan

Odoyaashu soo tii ay usbuucii hore ay heshiis ku gaareen laascaanood

Qodaxda eelkeedu waxay soo baxdaa markii la heshiisiiyo, odoyaashii la maqli jiray waa ka dhamaadeen soomaaliya.

Haddii aad aragto dhalin yaro boosh dhawr khasnadooda caloosha ku xirtay dhiilo waa jirtaa

Meeshan xalka yaal waa dhiig joojin, marka ugu horaysa suurto gal ma'ahan dad intaas iska dilay inay ku qancayaan oday laascaanood heshiis ku saxiixay

Puntland iyo snm xalkooda waxaa ka fiican kan beesha dhexdeeda aragtidayda

Dadku waa reer miyi daaro dabaqyaa meesha ugama dhisna waa tuulooyin gabalku hadduu dhaco aan waxba loo jeedin inaad toosh ifiso mooyee

Waxaa loo raraa bariga laascaanood waqooyigeeda, waliba waxaa loo qodaa ceel matoor iyo gaadiid u adeega.

Waan arkay tijaabadaas oo shaqaysay, ma jirto beel afartan km ka duuli karta, dadku waa caato wayd ah, isla markiiba way haraadayaan. 

Beel laandheere ah sida soomaalida u taqaan yaa gadaasheeda la dejiyaa inta xal la gaarayana halkaas gabdho cusub haka guursadeen

Haddiise snm iyo puntland lagu warwareego awr kacsigoodaan laga lug bixi karin dhiiguna joogsan maayo.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

@Gooni,

Awoowe hadaan madaxda dhaqanka ee deegaanku ka go'nayn in xal loo helo, xal loo heli maayo. Waxa hore loo yidhi, gacantii tuugo baratay xataa hadii la gooyo gumudka ayaa dhaqdhaqaaqa. 

Arinka la isku haya waa dhaqan iyo xeer la jabiyay. Maha siyaasad. Kolka Kuwa Garowe jooga xil ayaa ka saaran, arimaha dhaqanka ayaa loo doortay siyaasad ayay ku asqoobeen oo toobad iyo talo labadiiba ku lumiyeen.

Puntland meesha wax ay ku darayso iyo waxay ka dhimayso ma jirto. Ayaga iyo kuwa Mogadishu ka hadlaya waa isku mid. 

Ceel Afwayn xal waxa loo helay kolkii labada qabiil ee ka so jeedeen labada ardaa go'aan ku gaadheen in la dhexdhexaadiyo. Dawladuna waxay ka gaysatay gacan xaga lacag iyo gadiid iyo hawl fududayn. Waxa go'aanka dhexdhexaadinda loo xil saaray dad labada ardaaba ku kalsoonyihiin, wixii goaan ah ay kala saxeexdeena sidii ayaa lagu fuliyay.

Reer Soolna waa inay la yimaadaan midnimo nabadeed dhamaan inta ay khusayso. 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Odweyne

Ma'aadan fahmin waxaan ka hadlayo awoowe dagaal fqash yaa ku madax maray.

Xalku wuxuu ka go'aa beesha degta sool, ayagaa is rari kara oo labada beelood mid ka mida u samaynaya daaq cusub si ay u kala badbaadiyaan dhiigooda.

Taas macnaheedu ma'ahan in koonfurta ama mudug loo raro ama xoog la adeegsado, waa digo rogosha aan fogayn ayadoo la dhex dejinayo beel kale oo isla ayagaa,  waa talo ay gaari karaan jufooyinka kale oo ay isku beesha yihiin.

Waa aragtidayda xalku siduu iigu muuqdo.

Intaas ma fahamtay? 

Waxaa kuusoo haray snm ayada xal laga sugu maayo ayadaa xal u baahan qarrankaan aad ku waalateena meesha ma joogo walaal, waa jufooyin isku dhacsan qudhoodu oo is dulmay.

Macno samayn mayso beeshii tuuto soo xidhata in loogu yeero "qarran" adigoo og in askarigii xabad uga baxsato qof meesha taagan magtiisii laga rabo jufadii uu kasoo jeeday oo xataa wax caymis ah ay ugu dambaysay berigii dawladii dhexe naga burburtay.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Meesha waxa isku dilay labbabeelood oo isku hayb ah  abdigaraad and garaad farax b.s. reer saaxdheer. What we need is garaad jamac garaad cali to do his part. Garaad jamac garaad ismaciil is doing his part the other Somaliland cuqaal are heading that way  sultan xassan of hargeysa and sultanka guud of Somaliland.  Sultan maxamad sultan abdiqadir sultan diiriye  is also ready inu  gogoasga dhex galo. No need  the pirates inay arintan siyaasadeeyaan. Wa dagaal qabil weliba  qoys ah.

  • Thanks 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Snm culumo iyo oday dhaqameed midna ma'ahan waa jabhad qabiil lagu aasaasay markeedii hore, sodon sano iyo ka badana cuqdad laha saari waayay.

Labo arimood midkoodna albaab uguma furna dagaalkan labada jufo ee reer sool.

Tan koowaad somaalinimo way diideen ayagoo ka doorbiday in qabiilkooda raaciyo loo noqdo.

Tan labaadna isku beel ma'ahan arintuna waa arrin beeleed.

Inta badan waxay snm kusoo dhex galaan reer sool ina abti iyo hooyadaa yaan isku reernahay iyo bitibiti kale.

Casabada iyo riximku waa qaali muhiim ah labaduba, balse riximka dhaxal lagumo qaato

Tusaale

Gabar iyo wiil walaalaa caruurtay dhalaan 

Haddii aabahood dhinto wiilku caruurtuu dhalay dhaxalka awowgood way qaadanayaan shareecadaa u banaysay.

Gabadhase looma ogola caruuteeda inay awoowgood dhaxlaan

Maxay tahay sababtu soo labaduba walaalo ma'ahan?

Jawaabtu waa haa balse gabadha caruurteedu waxay leeyihiin casabo ama ehel kale iyo abtirsi gaara oo aan shaqo ku lahayn kan awoowgood hooyadood dhalay, waana aabahood.

Snm xagee kasoo geli kartaa xalkan marka?

Hadday tuuto soo xidhato waa fitno iyo dhibku sii bato.

Haday oday soomaali noqon lahaayeena waa diideen somaalida inteedii kale oo waxay jeclaan lahaayeen in diirkoodu caddaado luuqada ingiriiskana ku hadlaan.

Reer puntland ninkay talada u dhiibteen,  soomaalina waxba ugu yaal, beelna warkeedaba daa... waxa snm ku haysato waa shaqadoodii, hadday noqoto odaynimo, soomaalinimo iyo hadday noqoto casabo ama tolnimo, dhaxalkoodu u banaanyahay.

Snm waxaan kula talin lahaa inaysan albaabkaa istaagin si dadkaa heshiis loo dhexdhigo

Ayaguna xal u raadsadaan beeshooda iyo wixii khuseeya arimahooda gudaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Oodweyne

Mar haddaan anagu u talino reer sool.!!

Adinkoo aya ah walaal?

Waxaan u diidanahay reer sool waa ihaanadaas foosha xun, in beel ay ka dhul iyo dad badan yihiin u dawladayso, waliba soomaalinada kalasii dhex baxaan.

Dagaalkan xalkiisa reer sool baa leh waa beel balaaran oo isku filan.

Hadday xal keeni waayaan waxaa iska leh casabadooda oo puntland ugu dhawdahay.

Hadday puntland xal keeni waydo waxaa iska leh wixii soomaalinimo iyo midnimo ogol.

Snm meelna xalka reer sool kamasoo gasho aragtidayda, hadaysan ula jeedin dacaayad iyo suuq gayn jamhuuridda beesha loo samaynayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.