Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

In the end...

Recommended Posts

...after 27 years of non-stop zombie marqaamid by dying secessionists, the realization dawned on an official secessionist. Welcome back to reality, Edna Aaden.

__________________________

SOMALILAND oo shaacisay suuragal nimada ah inay la midooban SOOMAALIYA

Maamulka Somaliland ayaa daaboolka ka qaaday inay diyaar u yihiin wadahadal iyo midow ay la yeeshan Soomaaliya inteeda kale.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in aysan caqabad ku aheyn midowga Soomaaliweyn hase yeeshee ay doonayan in marka hore ay hubiyaan in Soomaaliya ay diyaar u tahay midnimada.

Haweeneyda lagu magacaabo Adna Aadan Ismaaciil oo ah Ergeyga Somaliland u qaabilsan wadahadalka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay suuragal tahay in ay dib u midooban labada dhinac.

Adna Aadan waxa ay sheegtay in midowga labada dhan uu ku imaankaro keliya in Soomaliya ay marka hore diyaar u tahay in la dhowro nidaamka dowladnimo, maadaama ay Soomaaliya ka jiraan sharciyo kala duwan.

Iyadoo u warameysay Idaacada VOA laanteeda Afka Soomaaliga ayey tiri, “Somaliland diyaar ayey u tahay inay la midowdo Soomaaliya inteeda kale waa haddii laga helo Soomaaliya shuruudaha, waayo labada dhanba waxa ay doonayaan nabad”

“Midowga labada dhinac waxa uu yahay mid ku xiran in Soomaaliya marka hore ay hesho dowlad dhameystiran oo ay soo doortan shacabka”

Adna ayaa sheegtay in Somaliland ay ka tanaasuli karto gooni isu taagga haddii Soomaaliya inteeda kale ay ka dhalato dowlad ay shacabka doortan islamarkaana garawshiyo ka bixiso tabashada Somaliland.

Adna waxa ay carab dhabtay in Somaliland aysan caqabad ku aheyn wadahadalka labada dhinac, waxa ayna taa bedelkeeda sheegtay inay aad usoo dhaweynayaan wadahadal iyo midow dhexmara labada jiho.

Dowladaha Holland iyo Denmark ayaa dhawaan bilaabay dadaalo ay wadahadal iyo midow uga dhex abuurayan Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo ka gadoodsan Soomaaliya inteeda kale.

Danjirayaasha labada dal ee ka howlgala Kenya ayaa horaantii asbuucii tagay wadahadal la yeeshay mas’uuliyiin ka kala socda labada dhinac waxaana lagu wadaa in Somaliland ay muujiso tanaasul.

Dhinaca kale, wadahadallada Dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland ayaa lagu wadaa in  dhawaan ay ka bilowdaan magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya.

Xigasho

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

U  malaynmayo inad fahantay  waxanu wa  diplomatic talk Somali and iyo Somali a 1960 before the midow bay kala tageen.  In 1991 waba lasii aasay midowgi beenowbay 1960 kowda July. By there is no such thing as dowlada  dhexe the amisom bunker is cornerd. And alshabaab governs much of south central Somalia. Wax  dowlad xamar layidha  kajirta majirto wa Wax la nabnabay oo maqaarsaar ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Wada hadalku waa inuu noqdaa aragtidayda see dalkeena iyo dadkeena u badbaadinaa anagoo isku duuban isugu tanaasulaa midawgeenii boorka uga jafnaa iwm

Laakiin hadday sidii ay caanka ku ahaayeen la yimaadaan haloo wada hadlo somaliya iyo somalilnd ingiriiskuna goob joog ha ahaado wax macno ah ma keenayso sababtoo ah lixdankii yaa lagu heshiiyay midow iyo midnimo

Hadday wax ka tirsanayaan dawladdii kacaanka 90 kii bay tagtay dalka

Waxa wax ka dhaxmarayo waa jiil cusub iyo nadaam ka duwan kii kacaanka

Waxaa igu cusub oo qudha dadku badankiisu isma diidana inay midoobaan oo ay noqdaan qarran qurux badan oo ka iftiima geeska afrika 

Waxa nagu cusub waa snm qaybihii ugu mayalka adkaa oo masaajidka usoo dhawaanaya.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

1960 26 june ayanu anagu xoriyad qaadanahay dhaqaniyan.  Iyo  xeeriyan dad aad ukala duwan baynu nahay markat dhaqan iyo xeer  iyo taarikh iyo sooyaal. Markay noqoto dad isku qaldamay banu ahayn. Waki mujahiid xassan kayd walanwal marki baqaladki arkay. Dowadi adancadde iskaallrighr bay ahayd iyo ti abdirashid sharmarke.  Dowladi   xaraanta ku qabsatay dalka aya wadanka halka  dhigtay markay reerkinu kala garanwaayeen waxan wa hanti qaran. Waxan heblaayo diini ba leh. Markad xoolaa reerkinu iyo taqaranka isku qaladiid dhib farabadan badhaca. Waki  marki dambe mujahid maxammad cali idinka iyo wslftina beeleysan  qoorta uyarey deedna anu SNM samaysana oo anu ina maxammad guleed Gudoomiye kadhiganay. Somaliland iyo Somalia  oomidooba waxa kadhow neytanyahu oo ashahaata ama falastiin oo  falsafada zionism qaadata.

Share this post


Link to post
Share on other sites

"If there are people who think we are two separate, they don't know us. We are one people and PM Abiy and I will work to the realization. From now on PM Abiy is the leader of these one people"

President Isayas of Eritrea in Addis Ababa.

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Cadnaan

Odayaashu way ogyihiin in wuxuba qardajeex yihiin xaqiiqdana baal marsan yihiin, wixi dawladan farmaajo ka horeeyay waxay ku jireen riyo camiiq ah oo aad u dheer ama ay adkayd in la toosiyo.

Snm waxay kaliya oo ay ka doonaysaa wada hadalada ma'ahan aan heshiino ama aan kala tagno

Waxay aduunka ka iibinaysaa, badeeco dhacday ama in koofurtu tahay,dal, gooni ah oo dal kale dulmay, kuna kala hadla luuqadda ingiriiska iyo talyaaniga

Waxayna leeyihiin, waxaa loo baahan yahay si loo wada hadlo, in dawlado kale, miiska wada hadalka nala  fadhiyaan,ayadoo waliba dal kale shirku ka dhacayo.

Aduunkuna uma jeedo jabhad hubaysan iyo dawlad la heshiisiyo.

Umana jeedo labo dal oo xuduud isku haysta.

Wuxuu u jeedaa dad markay roob waayaana caawimaad u baahan.

Markay roob helaana daawada kaneecada u baahan.

Muxuu yahay heshiiska ay caalamka ka doonayaan in la dhex dhigo koonfurta iyo waqooyiga?

Koonfurtu ma dukaan aqoonsiga lagu iibiyaa?

Gaalada ay aqoonsiga ka doonayaan maxay u aqoonsan waayeen sodon sano oo wax dawlada aysan ka jirin koonfurta?

Haddii koonfurtu dawlad xoog leh noqoto oo isku fillan ma yeelaysaa in dalka lakala gooyo?

Soo beesha caalamku dhib hor leh ma keenin?

May aqoonsadaan intaysan koonfurtu daciifnimada ka bixin oo waliba ayagu u taliyaan?

Waa su'aalo nin "caleen" hor taalo ama cirka fiirin dodon sano, inuu wali buluug yahay iyo in kale uusan ka lawaabi karin.

Usoo noqo arrimaheena hoose ee qabiilaysiga

Snm Soomaalida kalana waxay ka iibinayaan in usc iyo snm ku dulmanaayeen beel ahaan taliskii kacaanka ayagoo is watana ay ka guulaysteen 90'kii

Ok  arrintaa qudheeda labo usii kala qaad.

Ma qabiilbaa wax dulmay? mise talis dawladeed? Hadiiba dulum jiro.

Tan qabiilka meesha kuma jirto oo qabiil waxba uma qabaan snm taa badelkeeda qaar ka mida bayba doonayaan inay taliskooda hoos geeyaan ayagoo isleh ku weellal badsada.

Tan dawladii hore waa arrinta siday uga been sheegayeen ay la caatoobeen.

Mar waxay ku sheegaan beel ay ka adkaadeen oo ay fqash ula baxeen.

Marna waa dawlad guun ah oo gumaysan jirtay oo ay xoriyad ka heleen 18kii may .

Waa qof markuu marqaamana wax kuu sheegaya 

Markuu qaadiroodana wax kale kuu sheegaya.

Wada hadalkuna sidiisaba waa wakhti lumis aragtidayda, hadduusan ahayn midaan lagu dhex jirin oo looga hadlo wax wada qaybsiga awood qaybsiga, arimaha bulshada, gudniinka fircooniga ah, ka hortagga burcad badeedka, iyo shaqo abuurka-dhalinta.

Wax la iibsan karo ma'ahan dawladdii koonfur ka dhalataba waa cadawgeena waxayna ka turjutaa taliskii hore oo wax na dhex mareen ee caalamku hanaga furfuro.

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Odweyne

Saxiib magaranayo meeshuu hadalka kaa dhafayo haddaadan wax kaa tan badan cabbin isku meel baan wax u wadnaa khilaafna naguma dhex jiro.

Haddii snm aysan koonfurta waxba uga baahnayn aqoonsina aysan u hayn,wax ku xirana aysan jirrin, xuduudkii idiinsoo af jarmay ilaa tuko-raq.

Dhulkiinii aad joogtaan darreen la'aan waana kugu raacsanahay inay intaasu sax tahay oo ay jirto, miyaan kugu diiday?

Madaxweynihii soomaaliya aad ku sheegtay in gabar kafiil ka tahay muqdishana uu ku jooga gabadhaas khayr allaha siiyee iyo afrikaan.

Maxuu yahay wada hadalku idinkaga xiran naamulka noocaas ah?

Horay waxaad noogu sheegtay in dalalka wax aqoonsadaa aysan xataa afrikaanku ku jirrin.

Maxaa keenay ayadoo snm ku doodaysay sodon sano inay xoriyadeedii kala soo noqotay koonfurta in laydinku amro inaad hor fariisataan laguna qoslo aqoonsigaan aad ku daasheen?

Miyaad fahmi la'dahay intaas macnaheedu yahay dad isku mida oo muslina isku caqiidaa dhaqan af iyo midab ka dhaxeeyo, oo hadana caato la kufaya dhamaantood.

In aduunku goostay lamasii kala goyn karo, ee hadday is famaana khayr.

Hadday is fahmi waayaana halaga iibiyo dalalka dariska mid mid ayagoo kala qabiilaysan oo aaminsan in mid walbaa tan kale hoos tagin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Roobku markuu ku do'o soomaaliyoo dhan  gees ilaa geesta kale lafuu soo saaraa dr oodweyne

Kuwa snm ma dhuux khafiifa yaa ku jiray markoodii hore, maxaa soo kormariyay?.

Markii soomaali ahaan laysugu yimaado waxaad tihiin dad qiimo badan dadnimo tawaaduc iyo marti gelinba leh

Maxaad isu oohisaan markii gaal caddaan ah idinsoo ag istaago oo lafaha maytida usoo quftaan?!

Waqooyiga waxaa ka dhacay dagaal xeer leh dumar caruur culumo iyo birmagaydo oo dhan lama taaban jirin meel dagaalse khalad lagama waayo allaha u naxariisto intii wax ku moqotay.

Nin dawlad la dagaalamay oo qori wata lafihiisaa roob soo saaray aqoonsi keeni mayso walaal.

Soomaalinimadu waan carooday hadday ku suuli karto ama ku tagi karto maanta wada hadal laysma waydiiyeen.

Qof dan gaara somaalinimadu ugu jirtaa ma jirto, qudheedu waa xabaalo wadareed dal qudhaa lagu wada dhashay, laguna wada dhiman,waana waajib saaran qof kastoo somaali ah inuu difaacdo dalkiisa baryo ma'ahan, iyo isku beel ma nihin waa "dal" haddaysan doqonimo dambaska seexin ama uusan waalayn.

Riwaayadaan aad marqaanka ku daawanaysaan xaqiiq ma'ahan walaal.

Hal taako oo dhul soomaaliyeed ah qof gooni u yeelan karaa ma jiro xataa meesha aad guriga ka dhisatay oo caruurta ku dhashay ee oodweyne waa dhul soomaaliyeed kan wanla-wayn ku dhashay kama xigtid haduu kugu qabsadana waa inaad tustaa  waraaqihii dawladda hoose ku siisay oo aad ka gar baxdaa.

Waligaa ha aaminin igiriis yaa kuu sharciyan-kara dhulkaa umadda soomaaliyeed ee aqoonsi beeleed

Wuuna ogyahay ingiriiska in dadkii xoriyadda usoo dagaalamay oo dhibka lasoo maray aysan taariikhda snm meelna ku xusin ayagoo taa bedelkeeda mujaahid beena jeebka kalasoo baxay 90kii ka dib.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.