Dalmar1

Farmaajo wants to install his nephew ''Lafta Gareen'' for the KG, while threatening many candidates and Abu Mansor from participating the KG Election

Recommended Posts

Also another fadhi ku dirir site is reporting this, about my enemy's enemy is my friend:

Shariif Xasan iyo Mukhtaar Roobow oo isfahan siyaasadeed dhex maray

Madaxweyne Sharif Xasan iyo Mukhtaar Rooboow oo maalmihii la soo dhaaafay wada yeeshay xiriir toos ah iyo mid dadban oo ay qeyb ka ahaayeen siyaasiyiin kale ayaa waxa uu u muuqdaa mid miro dhalay.

Labada dhinac oo horay colaad siyaasadeed uga dhaxeeysay ayaa waxa ay isku aragti ka noqdeen ka hortaga hujuunka siyaasadeed ee lagu soo qaaday dadka iyo deeganka Koonfur Galbeed.

Mukhtaar Roobow aya aad uga carooday sida foosha xun ee uu Madaxweyne Farmaajo ula dhaqmay isaga. Dowladda Farmaajo ayaa markii hore ku dhiiri galisay in uu qeyb ka noqdo tartanka doorashada siyaasadeed hadana isla MW Farmaajo ayaa bilaabay in uu sharaftii iyo Karamaadii Mudane Roobow ku ciyaaro isaga oo si toos ah uga horyimid Musharaxnmadiisa kuna eedeeyay in uu wali ka tarsan yahay urur argagaxiso.

Mudane Roobow oo la hadlay dad ay asxaab yihiin ayaa yiri, “Farmaajo waa mufaanaq aan amaana lagu amini karin”. waxa uu intaas ku daray qof ilaah u doortay in uu noqdo Uuuli Amri hadana been ku dhaqmayo waxa qof aan istaahilin in uu bogaamiyo umad islaam ah”.

Iskahamka Siyaasaseed ee dhex maray Sharif Xassan iyo Mukhtaar Roobow ayaa waxa uu dhaawac gaarsiinayaa fursadii uu lahaa Cabdicasiis Laftagareen. Sidoo kale waxa uu xaqiijinayaa in uu abuuro isku soo dhawaanshaha shacabka iyo siyaasiyiinta dadka reer Koonfur Galbeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiir xukuumada Kheyre ka tirsan oo iscasilay

Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegayo inuu iscasilay wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdicasaiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Wasiirka is casilay oo u sharaxan xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa shuruud looga dhigay inuu marka hore xilkiisa iska casilo.

Laftagareen ayaa sheegay in Maanta oo ay taariikhdu tahay 5/11/2018 uu iska casilay xilka wasiirnimo ee uu ka haayay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,isaga u taagan xilka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Aniga oo tixraacaya shuruudihii ay soo saareen guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ee ahaa in qof xihaayo uusan tartami Karin ayaa sidaasi isku casilay,waxan u mahad celinayaa Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xilkaan horay iigu dhiibay iyo dadkii aan isla soo shaqeynay ayuu yiri Laftagareen.

Cabdicasaiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa hoiray u tartamay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka,waxana xilligaa suu iska casilay xilka wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga,isla markaana uu waayay xilkii uu u tartamay waxaana intaasi kaidb loo Magacaabay Wasiirka Tamarta  Biyaha ee Xukuumada Soomaaliya.

Laftagareen ayaa kamid ah Musharixiinta loo saadaalinayo Koonfur Galbeed, waxaana la isla dhex marayaa inuu garab weyn ka helayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararka suuqyada Koonfur Galbeed ka socdo maanta:

Laftagareen oo beeshiisa ka waayey garab dhaqaale

Wuxuu ahaa kulan wajigabax ah, mana uusan fileynin in sidaas ay ula dhaqmi doonaan beesha **** ,laakiin lama filaan ayuu la kulmay musharax Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in madaxtooyada Soomaaliya ay joojisay taageero maaliyadeed oo ay siineysay musharax Cabdicasiis Laftagareen, kadib markii ay hoos u dhacday rajada laga qabo inuu guuleysto.

Dood badan ayaa ka timid sida uu Laftagareen ugu guuleysan karo doorashada dhici doonta 19ka bishaan December, waxaana aan xogta ku helnay in Dowlada dhexe ay dib u gurasho sameysay ,madaama ay adkaatay in *** iyo *** laga gado Cabdicasiis Laftagareen , oo gobalka taariikh madoow kuleh.

Musharax Laftagareen ayaa asbuucan la fariistay ganacsatada iyo waxgaradka beesha uu ka dhashay ee *** ee ku sugan Baydhabo waxaana uu weydiistay taageero maaliyadeed, laakiin kama uusan helin jawaabtii uu rabay.

Mid ka mid ah ganacsatadii kulanka ka qeyb gashay oo diiday in aan magaciisa xigano ayaa u sheegay Caasimada Online inuu Laftagareen dalbaday lacag dhan $300,000 (Saddex boqol oo kun oo dollar).

Wuxuu sheegay inuu aad ugu celceliyay “balan ayaa rag iiga baxeen, dadka qaar isku haleyn ma galaan” iyo ereyo kale oo loo fahmay inuu ula jeedo Dowlada dhexe.

Ganacsatada beesha *** ayaa sheegay in aaney hada awoodin iney wax dhaqaale ah ku taageeraan Laftagareen, iyagoo ku dooday inuusan markii hore isku sharaxin talada beeshiisa. Nin ka mid ah odayaashii meesha ka hadlay ayaa yiri, “Qoladii kusoo dirtay ha dhameystirto howsha.”

Waxaa la sheegay in musharax Cabdicasiis Laftagareen ay taasi niyad jab iyo rajo beel kusii riday. Kulankaan lagu hugoobay ayaa kusoo aadaya iyadoo ay maalmo uun ka harsan tahay doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cabdicasiis Laftagareen oo beelaha Digil iyo Mirifle ka waayey wax taageero ah

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in musharax Cabdicasiis Lafta Gareen uu ka niyad jabay sida ay u socdaan arrimaha doorashada ,gaar ahaan rabitaanka *** iyo ***.

Lafta Gareen ayaa ilaa 4 jeer ku hungoobay inuu la kulmo odayaasha dhaqanka ee *** iyo ***, waxaana la sheegay iney taasi walaac badan ku abuurtay.

Mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in *** iyo *** qaadan karin madaxweyne magac u yaal ah oo uu ula jeedo Cabdicasiis Lafta Gareen.

Qaar ka mid ah xubnihiisa ololaha doorashada ayaa laga soo xigtay in markii ay diideen in odayaashu ay la kulmeen Lafta Gareen iney bilaabeen in dad iska caadi ah ay arrimaha qabiilada kala shiraan.

Tiro labo jeer ah ayaa laga diiday Baydhabo iney ka dhacaan isu soobax loo abaabulay in lagu taageero Lafta Gareen, dadka deegaanka ayaana diiday oo u arka nin maqaar saar ah oo u shaqeynaya shaqsiyaad iyo beelo kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa la aaminsan yahay iney lacag badan ku bixineyso sidii loo dooran lahaa Lafta Gareen, laakiin ilaa hada waxey ka iibin la’a yihiin bulshada reer Koonfur Galbeed.

Nabadoon Caliyoow Isaaq ayaa yiri “Xildhibaanada waa la iibsan karaa laakiin rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed lama iibsan karo, sidaa ha ogaato Dowlada dhexe”.

Diidmada *** iyo *** ay diideen musharax Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa laga yaabaa iney badasho mowqifka Villa Soomaaliya ee doorashada Koonfur Galbeed, madaama ay masuuliyad daro tahay in shacabka lagu qasbo qof ay diidan yihiin.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.