Sign in to follow this  
Som@li

TACSi-Xaliimo Khaliif Magool Oo Geeriyootay

Recommended Posts

Som@li   

Xaliimo Khaliif Magool Oo Maanta 19/03/04 Wadanka Holand Ku Geeriyootay

 

Fanaanada caanka ah ee Soomaaliyeed Xaliimo Khaliif Magool ayaa ku geeriyootay wadanka Holand. Fanaanada ayaa la sheegay inay u geeriyootay xanuunka

 

Dhiig karka. Fanaanada ayaa ku jirtay cusbital ku yaala Magaalada Amsterdam ee Dalka Holland halkaasoo ay maanta ku geeriyootay.

 

Magool ayaa iyadu ahayd fanaanad si weyn looga qadariyo wadanka Soomaaliya iyo qaar kamid ah wadamada Afrika sida wadanka Itoobiya iyo Suudaan. Heesaha magool ayaa boqolaal kor u dhaafay inkastoo ay jireen dhaliilo loo soo jeedinayey xiliyadii dagaaladii sokeeye.

 

Webmaster@goobjoog.com

 

Alle ehelkeedii asxaabdeedii,Samir iyo imaan ha kasiiyo,,iyo janadii ha ka waraabsho..amiiin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Fanaanaddii caanka ahayd ee Xaliimo Khaliif Magool oo maanta geeriyootay

 

Jimco, March 19, 2004

 

Waxaa maanta duhurnimadii ku geeriyootay cusbitaal ku yaala magaalada Amsterdam ee dalka Holland fannaanaddii caanka ahayd ee dalka soomaaliyana sida weyn looga jeclaa Xaliimo Khaliif Cumar Magool.

 

Marxuumadda ayaa u geeriyootay cudurka dhiig karka oo ay indhawaalaba ay la il-darneyd, iyadoo ka mid ahayd fannaaniinta soomaaliyeed ee aan dalka meelna uga bixin mudadii bur burka, taasina ayaana la rumeysan yahay in uu cudurkaasi ugu dhacay maadaama cudurka dhiig karka uu ka mid yahay cudurada ay xaaladuhu keenaan, gaar ahaan marka qofka uu galo marxalad ka adag tii uu markiisii hore ku noolaa.

 

Marxuumad Xaliimo intii aysan ka amba bixin magaalada Muqdisho ayaan kula kulmay Hotel-ka Amiira ee magaalada Muqdisho, xiligaasi oo fanaanada laga dareemi karay is-bedel dhinaca muuqaalkeeda ah, inkastoo ay ii sheegtay in ay ka soo yara ladnaaneyso cudurka dhiig karka, waayo waxaan ogaa mar iyadoo xanuunsan la keenay Cusbitaalka Cumar Bin Khadaab ee agagaarka Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho, xiligaasoo uu la socday amaba uu cusbitaalka wax ka keenay Fannaanka Cabdi Tahliil Warsame oo xiligaas ladnaa haseyeeshee isaga qudhiisa haatan uu haleelay cudurka dhiig karka, waxaadna arkeysaa Cabdi Tahliil oo aadan aqoonsaneyn marka uu kaa horyimaado ilaa aad isha u cel celiso mooyee, waxaa kale oo uu isna cudurkaan haleelay fanaanka kale ee Xasan Diiriye Faarax oo uu isna lug iyo gacan ka naafeeyay, wuxuuna ku tukubaa bakoorad.

 

Waa xusid mudan in fannaanada ay markii ugu dambeysay sheegtay in ay dhinaca fanka ka faraxalatay isla markaana ay u soo jeesaneyso cibaadada alle, iyadoo xustay berigaas in ay damacsan tahay in ay masjid dhisto, isla markaana inta cimrigeeda ka dhiman ay cibaadeysato, waxayna geeriyootay iyadoo fikirkaas qabta.

 

Si kastaba, alle ha u naxariistee markii ay maanta maqleen dadka Muqdisho geerida fannaanadaas alle ha u naxariistee aad ayay uga tiiraanyoodeen, waxaana idaacadaha Muqdishi qaarkood ay sii daayeen heesaheeda, gaar ahaan kuwii ka hadlayay wadaniyadda iyo nabi ammaanka, waxaana la isla gartay in ay meesha ka baxday fannaanad weyn oo magac iyo maamuus ku dhex lahayd dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Haddaba ma dhinte waa Illaah qof kastana wuu dhimanayaa, waxaana leenahay fannaanadda alle ha u naxariisto, qoyskii, eheladii, asxaabtii iyo weliba dhamaan shacabka soomaaliyeed-na samir iyo iimaan alle haka siiyo. INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.

 

By: Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online saladxiis@yahoo.com

Mogadishu , Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

Ilaahey ha u danbi dhaafo, aamiin, aamiin...

 

Ilaahaa weyn oo waaxid eh ha u naxariisto, aamiin, aamiin...

 

Maanta maanta, maanta... yaa iloobi karo iyo qofkii qaaday.

 

Magooleey, Allaha hakuu raxmado hana kuu danbi dhaafo, aamiin Allahayoow aamiin

 

magool1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this