Che -Guevara

Mukhtar Roobow being groomed to replace Sharif Sakiin

Recommended Posts

Doorashada Madaxweynaha KGS Oo Mar Kale Dib Loo Dhigay

doorashada-750x430-696x399.jpg

Guddiga-1-1.jpg

2-Guddiga.jpg

Guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa markale soo saaray Jadwalka doorsahada Madaxweynaha,iyada oo waqtigii loogu talo galay ay dib uga dhacday.

Kulan ay Magalada Baydhabo ku yeesheen Guddiga doorashada Madaxweynaha KGS ayaa waxa ay soo saareen jadwal Cusub oo ah habraaca doorashada.

Guddiga ayaa waxa ay sheegeen in 26 Bishaan oo ku beegan Maalinta Sabtida ah ay bilaabi doonto diiwaangelinta musharixiinta,isla markaana ay ku egtahay 27 Bishaan.

Sidoo kale 27 Bishaan ayaa Gudiga waxaa lasiin doonaa tababar ku saabsan doorashada,halka 1-da Bisha soo socota ee December ay guddiga yeelan doonaan kulan is-xog wareysi ah.

2-da ilaa 3-da December ayaa musharixiinta waxaa fursad loo siin doonaa in Xildhibaanada ay kahor-jeediyaan khudbahooda ku aadan waxyaabaha uu mid walba qbaan doono hadii la doorto.

Gababadii 5 Bisha December ayaa loo qorsheeyay inay dhacdo doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somaaliya.

Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ah mid xasaasi ah,taa soo aad ka dareemeyso in uu jiro muran ku saabsan waqtiga rasmiga ah ay dhaceyso iyo qaabka loo wajahayo,waxaana wlei jirta in Dowladda Federaalka lagu eedeynayo inay faragelin ku heyso doorashada.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddiga doorashada K/G oo mar kale go’aan ka gaaray musharaxnimada Rooboow

Screen-Shot-2018-11-25-at-6.17.08-AM-768

Ds101-zXcAEd9U8-768x515.jpg

Sheekh Mukhtaar Rooobow Cali Abuu Mansuur ayaa maanta mar kale la guddoonsiiyey shahaadada musharaxnimada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo doorashadiisa ay dhaceyso shanta December.

Waa markii labaad ee guddiga doorashada Koonfur Galbeed ay shahaadada siisyaan Roobow, ayada oo guddigii hore ee is-casilay uu beddelay guddi cusub oo qasab ka dhigay in mar kale shahaadada la qaato.

Shahaadada la siiyey Roobow ayaa timid kadib markii guddiga go’aamiyeeen inuu xaq u leeyahay inuu doorashada ka qeyb galo, islamarkaana diideen tallaabooyin ay dowladda federaalka dooneysay inay Roobow uga reebto doorashada.

Tallaabadan ayaa imaneysa ayada oo guddiga doorashadda maamulka Koonfur Galbeed caddaadis ballaaran lagu sarayey in ay doorashadda ka reebaan Saddex Musharax oo uu ka mid yahay Roobow. Xubanaha kale ee la rabay in doorashada laga saaro ayaa ah, Xuseen Cismaan Xuseen, taliyihii hore ee NISA iyo Aadan Saransoor.

Sidoo kale Saransoor ayaa isna maanta la siiyey shahaadada musharaxnimo.

Tallaabadan ayaa dhabar jab ku noqoneysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, oo si gaar ah uga cabsi qabto Mukhaatr Roobow, iskuna dayeysay inuusan tartamin.

Dowladda federaalka ayaa waxaa ka go’neyd inay tallaabo kasta u qaaddo sidii ay ku xaqiijin lahayd in musharaxa ay wadato ee Cabdicasiis Lafta-gareen uusan la kulmin loolan adag, oo looga adkaan karo.

Dowladda ayaa la sheegay inay guddiga ku qasabtay in shuruudaha doorashada lagu soo daro qodobo la rumeysan yahay in Mukhtaar Roobow iyo xubnaha kale aysan buuxin karin, si ay doorashada uga haraan, taasi oo lagu gacan seeray.

Xigasho

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Musharaxiintii Ugu Badneed Oo Ka Haray Tartanka Doorashada Madaxweynaha KGS

IMG-20181125-WA0000-720x430.jpg

Musharixiintaan oo Kulan ku yeeshay Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegeen inay ka tanaasuleen u tartamida xilka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sababaha ay uga hareen tartanka ayaa waxa ay ku sheegeen dhowr qodob oo kal ah.

1:-Markii ay falanqeyn iyo qiimeyn dhab ah ku sameeyeen xaalada murugsan ee dhaqaale iyo mid siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.

2:-Markii ay arkeen in dowladda Federaalka Soomaaliya ay faragelin toos ah ku sameyneyso doorashada Koonfur Galbeed.

3:-Markii ay tixgeliyeen rabitaanka Shacabka iyo codsiyada ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ay sababtay inay tartanka isaga haraan.

Xubnahaan tartanka ka haray ayaa waxa ay ahaayeen Galaha la Magac baxay isbedeldoonka Koonfur Galbeed, waxana ay sheegeen inay musharaxa isbedeldoonka u doorteen inoo noqdo  Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Maxamed Aadan Fargeeti

Yuusuf Macalin Baadiyoow

Saalax Sheekh Cismaan

Xuseen Kacaan

Xasan Amiin

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shan ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha K/Galbeed oo u tanaasulay ROOBOOW

 

Musharixiinta Golaha Isbadal doonka Koonfur Galbeed ayaa soo saaray go’aan xasaasi ah oo ku saabsan Doorashada la filayo inay dhacdo 5 Bisha soo socoto.

Musharixiinta oo daqiiqado ka hor Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay inuu Musharax koowaad u yahay Golaha isbadal doonka Koonfur Galbeed Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Golaha ayaa go’aankooda ku sheegay inuu imaaday kadib markii ay fiiriyeen rabitaanka Shacabka Koonfur Galbeed sida ay hadalka u dhigeen iyo la tashiyo ay la sameeyeen Odayaasha deegaanadaas.

Golaha Isbadal doonka Koonfur Galbeed ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyey inay faragelin ku heyso Doorashada isla markaasna aysan macquul aheyn in laga shaqeeyo waxaan aheyn rabitaanka Shacabka.

Golaha ayaa sheegay inuu Musharax u yahay Roobow Abuu Mansuur oo ay ku sheegeen inuu yahay Musharax ay rabaan shacabka Koonfur Galbeed.

Waxay tilmaameyn inay ka tanaasuleen mowqifkoodii gaar ahaaneyd isla markaasna ay u tanaasuleen rabitaanka Shacabka Koonfur Galbeed.

Musharixiinta uu tanaasulay Roobow ayaa ah illaa 5 kamid ah musharixiintii isbadal doonka

Tartanka Doorashada Koonfur Galbeed ayaa hadda la aaminsan yahay inay u dhaxeyn doonto Mukhtaar Roobow iyo Cabdicasiis Lafta Gareen.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Those five who endorsed Rooboow are the qurbojoog technocrats and were the most educated candidates. They are also united against dowladda dhexe. It seems Rooboow is kinda well-funded if he quickly registered and paid the $20,000 needed from the candidates in order to run. This is the the second time he is the first to pay and get the candidacy certificate.

It remains to be seen if their endorsement changes anything.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Roobow is murderous asshole but if he can take care of his former comrades and open roads from the border to Xamar, he might redeem himself.

Today some Al-shabaab leaders were killed, hopefully he could help in their downfall.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mar kale iyo dib u dhac ku timid xulashada (selection):

Doorashada madaxweyne ee KOONFUR GALBEED oo mar kale dib loo dhigay

Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee dhawaan la magacaabay ayaa Maanta markale shaaciyay in ay dib u dhacday waqtiga ay dhici laheyd doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Doorashada ayaa qorshuhu ahaa inay dhacdo 5-ta Bishan Diseembar oo ku began Arbacada soo socota hayeeshee markale dib loo dhigay dhowr sababood oo ay soo bandhigeen Guddiga.

Doorashada ayaa la sheegay inay dhici doonto 19 Diseembar.

1-2.jpg

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo Taageersan Mukhtaar Roobow oo gaadiid dagaal wata oo gudaha u galay magaalada Baydhaba iyo Cabsi laga qabo in…

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo u dhow dhow Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo haatan katirsan musharixiinta ugu cad cad doorashada koofur galbeed ayaa magaalada baydhabo soo geliyay ciidamo asaga tageersan.

Ciidamadaan oo wato gadiidka dagaalka ayaa kasoo ruqaansaday degaano hore fariisin u ahaa halkaas kusugnayeen mudo aad u dheer.

Imaatinka ciidamada Mukhtaar Rooboow magaalada Baydhabo ayaa la sheegayaa in Rooboow cabsi soo wajahday kasoo ku saabsan ciidamada lagu soo daad gureynaayo Baydhabo lagana soo diray magaalada Muqdisho.

Rooboow ayaa kamid ah shaqsiyaadka sida aadka loogu saadaalinaayo in kusoo bixi donaan doorashada koofur galbeed madaama tageero xoogan ka heysto siyaasihiinta koofur galbeed iyo odayaasha dhaqanka.

Labadii maalmood ugu danbeyse waxa baydhabo la daad gureynaaye ciidamo aad u farabadan kuwaasi oo diyaarad looga qaaday magaalada Muqdisho.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Row over candidate leaves Somalia election in doubt


Saturday December 8, 2018

     

The determination by the Somalia federal government to influence the outcome of the Southwest State’s presidential election has raised doubts about whether the polls will still be held on December 19 having already been postponed three times.

The election was initially set for November 17, but was pushed to November 28 and then December 5, due to what the government says is lack of equipment and ballot papers.

However, experts on Somalia say that the government of President Mohamed Abdullahi Farmajo is determined to get a friendly leader in Southwest State especially after the regional leaders threatened to suspend their cooperation with the centre in September.

The president and his Prime Minister, Hassan Ali Khaire are backing former minster for energy and water resources, Addukaziz Andullahi Mohammed, and are opposed to the candidature of former Al Shabaab deputy leader Sheikh Mukhtar Robow.
 

However, National Assembly Speaker Mohamed Mursal Abdirahman — who hails from Southwest — is opposed to the federal government’s interference and is demanding that Mogadishu remain neutral in the matter.

Mr Abdirahman, who took over from Mohamed Osman Jawari in April, is also opposed to the deployment of more troops to Baidoa to safeguard the election, after intelligence reports revealed that Al Shabaab was planning to disrupt the polls.
The three leaders met on December 3 to discuss the issues but the differences still remain.

Abdirahman Abdishakur Warsame, the leader of Wadajir Party, told The EastAfrican that the challenge is that the government is determined to block Sheikh Robow from contesting but his clan wants him to do so.

Sheikh Robow, who belongs to the Digil and Merifle Clan, which is the majority in Southwest, defected to the government last year after denouncing the insurgents.

The national electoral body had banned Sheikh Robow from participating in the elections because of his past record but the Southwest State’s election body later cleared him.

Now the government is arguing that he is yet to be cleared from the United States’ list of terrorists.

_______________________________________________

Inserting the United States will be the dirtiest tool in this fight and the most lasting.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.