Che -Guevara

Mukhtar Roobow being groomed to replace Sharif Sakiin

Recommended Posts

Fadeexad Qabsatay Maanta Murashax Laftagareen & Guushii Rooboow (Kulanka Maanta Baydhabo)

45773027_895757450812641_506546156249651

45695073_895757417479311_705398905928207

Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo ka dhacay Kulan Xasaasi ah oo dhexmaray Safiirka UK Ee Soomaaliya iyo Inta badan Murashaxiinta utaagan Qabashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka David Concor iyo Murashaxiinta ayaa waxaa uu ahaa mid looga hadlayey Doorashada dhaceysa sabtida dambe 17 Bishana ku beegan.

Ilo ku dhaw Shirkaas waxay sheegeen in Murashaxiin uu ka mid ahaa Rooboow Abu Mansuur ay joogeen Kulanka ayna yimaadeen Murashaxiin uu ku jiray C/casiis Lafta Gareen.

Safiirka UK ayaa Bahdil ku sameeyey Murashaxaas ay Dawlada Dhexe wadato oo Murashax kale wada socdeen laguna magacaabo Dr Ibraahim,maadaama loo diiday inay shirkaas ka qeyb galaan.

Warar kale ayaa sheegaya in uu ubadan yahay Abu Mansuur Rooboow in Madaxweyne Loo doorto,marka loo eego Saadaalinta iyo sida ay wax usocdaan.

Danjire Concor ayaa waxa uu si gaar ah markii Kulanka dhamaaday oo murashaxiinta istaageen codsaday inuu haro,isagoo yiri Madaxweyne Rooboow fadhiiso kadibna kulan kale oo Saacado qaatay la yeesheen.

Shakiga waxa uu ka yimid meeshaas, maadaama Abu Mansuur ay ucarfeyso Xilka madaxweynaha Cusub Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xigasho

_____________________

It seems danjiraha Ingiriiska ee Soomaaliya met Rooboow separately after he met him among with other independent candidates. Taloow maxaa laga hadlay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
2 hours ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

Fadeexad Qabsatay Maanta Murashax Laftagareen & Guushii Rooboow (Kulanka Maanta Baydhabo)

45773027_895757450812641_506546156249651

45695073_895757417479311_705398905928207

Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo ka dhacay Kulan Xasaasi ah oo dhexmaray Safiirka UK Ee Soomaaliya iyo Inta badan Murashaxiinta utaagan Qabashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka David Concor iyo Murashaxiinta ayaa waxaa uu ahaa mid looga hadlayey Doorashada dhaceysa sabtida dambe 17 Bishana ku beegan.

Ilo ku dhaw Shirkaas waxay sheegeen in Murashaxiin uu ka mid ahaa Rooboow Abu Mansuur ay joogeen Kulanka ayna yimaadeen Murashaxiin uu ku jiray C/casiis Lafta Gareen.

Safiirka UK ayaa Bahdil ku sameeyey Murashaxaas ay Dawlada Dhexe wadato oo Murashax kale wada socdeen laguna magacaabo Dr Ibraahim,maadaama loo diiday inay shirkaas ka qeyb galaan.

Warar kale ayaa sheegaya in uu ubadan yahay Abu Mansuur Rooboow in Madaxweyne Loo doorto,marka loo eego Saadaalinta iyo sida ay wax usocdaan.

Danjire Concor ayaa waxa uu si gaar ah markii Kulanka dhamaaday oo murashaxiinta istaageen codsaday inuu haro,isagoo yiri Madaxweyne Rooboow fadhiiso kadibna kulan kale oo Saacado qaatay la yeesheen.

Shakiga waxa uu ka yimid meeshaas, maadaama Abu Mansuur ay ucarfeyso Xilka madaxweynaha Cusub Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xigasho

_____________________

It seems danjiraha Ingiriiska ee Soomaaliya met Rooboow separately after he met him among with other independent candidates. Taloow maxaa laga hadlay?

These pictures make them look like being interviewed.

But then American presidential candidates and British and French...go to some lobby groups and do the same.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Among the reasons Reer Koonfur Galbeed vocally support Rooboow is this:

There are so-called 'ciidamo' qaran, wearing dareeska ciidamada oo isbaarooyin u taalo between Afgooye iyo Daafeed in Shabeellaha Hoose, wixii baabuur, xaamuul ama ha yaraado maro baad ugu qaato lacag, hence the complaints of ganacsatadaan. Rooboow promised that won't be the same and will kick them out of Shabeellaha Hoose. Shariifka never cared about those mööryaan, even might have been close to their leaders.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gadiidka xamuulka ee ka baxa muqdisho oo ku xaniban duleedka Afgooye

gaadidk-xamul.jpg

Gawaarida xamuulka ee shixnadaha kala duwan ee ganacsiga ka qaada caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa ku xaniban duleedka degmada Afgooye  ee gobolka Shabeelada Hoose, gawaaridaan ayaa shixnadaha ganacsi ee ay sidaan intooda badani waxay ku wajahan yihiin Gobolada Bay, Bakool, Gedo illaa xuduudka Itoobiya.

Sida ay baahisay warbaahinta gudaha sababta ay gawaaridaan u xaniban yihiin ayaa lagu sheegay in gaadiidka lagu soo rogay canshuur aad u badan oo ay sheegeen in aysan awoodin bixintooda, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdi fataax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in gaadiidkan ay ku xaniban yihiin inta u dhaxeysa Afgooye iyo Wanlaweyn, tira gawaaridaan ayuuna ku sheegay in qiyaas ahaan ay gaarayaan 200 oo gaari.

Ciidamada dawlada ayaa la sheegay in gadiidlayda ay ka codsadeen in ay bixiyaan lacag ka badan midi ay bixin jireen, sababta ayaana lagu sheegay in mudo aysan ciidanku qaadan wax mushahar ah.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidanka Gaadiidka Badan heysta Duleedka Muqdisho oo la ogaaday waxay yihiin

Taliyaha ciidamada Xooga dalka Gen Daahir Aadan Cilmi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay waxay yihiin ciidamada gaadiidka tirada badan ku xanibay inta u dhaxeysa Afgooye iyo Wanlaweyn.

Indhaqarshe, ayaa eedeyn u jeediyay hogaanka Saadka ee ciidamada xooga dalka, kuwaasi oo uu ku eedeeyay inay bixiyaan dharka ay xiran yihiin ciidamada gaadiidka isbaarada u dhigtay.

Taliyaha ciidamada xooga, wuxuu sheegay in ciidamada gaadiidka heysta inaysan ka tirsan ciidamada meletariga Soomaaliya, balse ay heleen dareeska ciidamada meletariga Soomaaliya, sida uu sheegay.

Taliska Saadka ayuu ku eedeeyay Indhaqarshe inay si qalad ah ku bixiyaan Tuutaha ciidamada meletariga, taasina ay sharaf dhac ku tahay ciidamada xooga dalka, sida uu sheegay.

Ciidamo wata dareeska ciidanka Meletariga ayaa xaniban inka badan 200 oo gaadiidka Xamuulka qaada, oo ay ka doonayaan dhaqaalo badan sida maamulka Shabeelaha Hoose ay sheegeen.

Shan kun doolar ayaa la sheegay inay gaari walbaa ka doonayaan ciidamadan oo ka careysan  mushaar xumo heysta, sida maamulka Shabeelaha Hoose uu sheegay.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Subxaan, Dad qaleenkii hadii sidan xil loogu dhiibo, waa mushkilad wayn, in la cafiyo gartey, laakin ogaada  qof danbi yar galey baa ka mamnuuc noqotaa in xafiis dawladeed qabto

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shariif 'abtigiisa' kama jano tago:

Shariif Xasan oo la ogaaday inuu taageerayo mid kamid ah musharixiinta K/Galbeed

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegayo in magaaladaas laga dareemayo taageero uu Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ahaa mudaxweynihii hore ee Maamulkaas uu u fidinayo musharaxa Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur.

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan oo dhawaan heshiis la galay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu heshiiskii uu galay ay kamid aheyd inuusan taageeri karin Musharixiinta Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa fuliyey laba qodob oo kamid ah qodobadii uu Dowladda ku heshiiyey oo kala ahaa inuu xilka iska casilo isla markaasna uusan isisoo sharixin, balse wuxuu si cad u jabiyey qodobkii ahaa inuusan taageeri karin musharixiinta Maamulkaas.

Wasiiradii iyo xildhibaanadii sida weyn u taageersanaa Shariif Xasan ayaa la arkayaa iyagoo taageerayo Rooboow Abuu Mansuur oo ah wadaad dhawaan kasoo baxay Kooxda Al-Shabaab iskuna soo taagay Xilka madaxweynimo ee Koonfur Galbeed.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegayo inuu Shariif Xasan uu ka taageerayo Roobow dhanka Maaliyadda inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin arrintaan.

Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu dhawaan Dowladda Soomaaliya ka qaatay lacag Laba Malyan oo Dollar ah  si uu uga haro madaxtinimada Koonfur Galbeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadato Musharax Lafta Gareen, wuxuuna cadaadis xooggan kala kulmayaa Roobow oo heysto tiro badan oo ka tirsan Xildhibaanada Koonfur Galbeed.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   
On 11/4/2018 at 2:01 AM, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

Daawo Gudiga Doorashada oo soo saarey Shuruudaha doorashada Koonfur Galbeed oo la soo saaray

8 - Bixinta curaar dhan $20,000 (ragga), $10,000 (dumarka).

Yaa ducaysanoo eraygan ii fasira?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxaa ka jira in dowladda QADAR ay taageereyso musharax Abu Mansuur?

Taleefishinka Al-Arabiya ayaa bogiisa ku qoray warbixin lagu sheegay in dowladda Qadar ay taageereyso Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, oo ah musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in Roobow uu yahay qeyb ka mid ah qorshaha ay Qatar ku ballaarineyso saameynteeda siyaasadda Soomaaliya.

Qadar ayaa la sheegay in markii hore ay qeyb ka ahayd in Roobow kasoo baxo Al-Shabaab, islamarkaana noqdo siyaasi caadi ah, oo dadkiisa dhinaca ka raaca, sida warbixinta ay leedahay.

“Dad xog-ogaal ah ayaa sheegay in Roobow uu xiiriir la leeyahay Qadar, ayada oo warbaahinta Qadar [Al-Jazeera] ay gacan ka siiyeen isku day uu sumcadiisa dib ugu dhisayo kadib muddo uu Al-Shabaab ahaa”

Warbixinta Al-Arabiya ayaa u muuqata mid dowladda Qadar ku eedeyneysaa inay hogaamiye argagixiso u gacan gelineyso awoodda mid ka mid ah maamul goboleedyada Soomaaliya.

Al-Arabiya waxaa leh dowladda Sacuudiga, oo xurguf ay kala dhaxeyso dowladda Qadar. Ujeedada horey ee loo aas-aasay Al-Arabiya waxay ahayd in lagula loolamo taleefishinka Al-Jazeera oo Qatar ay leedahay.

Sacuudiga iyo xulufadiisa ayaa horey ugu eedeeyey Qadar inay taageerto kooxaha ay reer galbeedka argagixisada ugu yeeraan, sida kooxda Ikhwaanul Muslimiin ee dalka Masar, iyo kooxda Xamas ee Falastiin.

Warbixintan Al-Arabiya ay Roobow kula xiriirisay Qatar ayaa waxaa suurtagal inay qeyb ka tahay ololaha dowladda dalkaas loogu eedeynayo inay gacan siiso kooxaha argagixisada.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Rooboow iyo laba musharax oo kale oo la rabo in laga reebo doorashada K/G iyo beeshiisa oo dhaaratay

Saacaddihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar kala duwan oo sheegayay in Guddiga doorashadda maamulka Koonfur Galbeed caddaadis ballaaran lagu sarayo in ay doorashadda ka reebaan Saddex Musharax oo ka mid ah musharaxiinta xilka madaxtinimada maamulkaas.

Xubno ka tirsan Guddiga ayaa xaqiijiyay in Guddiga Caddaadis lagu saarayo in ay doorashada ka reebaan Musharaxiinta kala ah Xuseen Cismaan Xuseen talihii hore ee NISA, Aadan Saransoor iyo Sheekh Mukhtaar Roobow.

Dhammaan xubnahan ayaa waxaa kasoo horjeeda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waana taas sababta ay doorashada mar walba dib ugu dhaceyso, sida ay ilo xog ogaal ah ay u sheegeen Caasimada Online.

Sida aan xogta ku helnay, dowladda federaalka ayaa si gaar ah uga cabsi qabto Mukhaatr Roobow iyo Xuseen Cusmaan, oo ay u aragto inay guul ka gaari karaan doorashada.

Dowladda federaalka ayaa waxaa ka go’an inay tallaabo kasta u qaaddo sidii ay ku xaqiijin lahayd in musharaxa ay wadato ee Cabdicasiis Lafta-gareen uusan la kulmin loolan ada, oo looga adkaan karo.

Dowladda ayaa la sheegay inay guddiga ku qasabtay in shuruudaha doorashada lagu soo daro qodobo la rumeysan yahay in Mukhtaar Roobow iyo xubnaha kale aysan buuxin karin, si ay doorashada uga haraan, taasi oo lagu gacan seeray.

Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ayaa ka digay in arrintan ay abuuri karta xiisad siyaasadeed oo hogaamisa dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed, ayada oo beesha Leesaan ee uu kasoo jeeda Roobow, islamarkaana ah beesha ku xooggan Baydhaba ay wacad ku martay inaysan dhici doonin doorasho uusan qeyb ka ahayn Roobow.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madoobe oo ka digay arrin la sheegay in DF ay ka waddo BAYDHABO

Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur “Aadan Madoobe” ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee ka jirta deegaanada Koofur Galbeed,  gaar ahaan magaalada Baydhabo oo dhawaan doorasho ay ka dhaceyso.

Xildhibaan Aadan Madoobe , ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay faragelin toos ah ku leedahay doorashada Koofur Galbeed, waxaana uu ka digay in haddii faragelinta sii socoto aysan halkaasi ka dhici doonin wax lagu wada qanacsan yahay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Shacabka Koofur Galbeed ay yihiin kuwo dulqaadan badan oo aan dooneyn in wax lagu qasbay ay hogaamiyaan, taasina ay caqabad noqon doonto haddii ay dhacdo.

Isaga iyo xildhibaano kale ayaa magaalada Baydhabo ku sugnaa muddooyinkii ugu dambeeyay, waxaana marar badan ay dhaliileen hanaanka dowladda Soomaaliya ay wax u wado.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale ka digay in musharixiin gaar ah laga hor istaago inay tartamaan, waana cadaadiska ugu weyn ee saarnaa guddiga doorashada maamulka Koofur Galbeed.

“Waxaan dareemeynaa jajuub, Soomaaliya Jajuub kama soconayo, dastuur ayaa jira oo lagu heshiiyay, dhibaato in halkaan laga abuurana ma dooneyno, Shacabka waxay rabaan ayaa halkaan ka soconayo, kama socon doonaan waxa dowladda rabto”ayuu yiri Aadan Madoobe.

Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, waxaa ka socdo ololihii ugu dambeeyay ee doorashada Koofur Galbeed oo lagu balansan yahay 5 Bisha soo socoto ee December.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.