Che -Guevara

Mukhtar Roobow being groomed to replace Sharif Sakiin

Recommended Posts

gooni   

Roobow waxaa wanaagsanayd inuu isu sharaxo madaxweynaha soomaaliya 2020 soomaalidana waxaa danu ugu jirtaa inay doorato dhakhtar yaqaan cudurka haya meeshuu ka dhasho

Koonfur galbeed waa ku yar tahay aragtidayda hadduu qaatay caqiido dhexdhexaada waa ninka kaliya oo si fiican u fahamsam xaqiiqda hoose.

Gaalada waxaa ugu jira meel walba sirdoon sidaan filayo waxaa ku adkaatay inay iska kaxaystaan ama gacanta ku dhigaan sidii sheekh shariif.

Share this post


Link to post
Share on other sites
cadnaan1   
5 hours ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

Dowladda dhexe baaqa ee soo saartay kaga soo horjeedo Rooboow wey ku deg degtay. Waa ogahay dowladaha Reer Galbeedka ayee u bandhigaayeen laakiin ninkaan taageero badan ayuu heystaa, meelna uma socdo marka inay ka aamusnaanto u dhaantay dowladda.

Xataa eedeynta ee isticmaaleen ee ah dhaq dhaqaaqa iyo dhaqaalaha ayaa cunaqabateyn caalami ka saaran taas mid dhab u eg ma'aha maadaama bilooyinkii u dambeeye Rooboow ku maqnaa dalalka Sacuudiga, Cummaan, Suudaan iyo Kiinya uu dhaqaalo ololaha ka soo aruursanaaye - socdaaladaas wax dhib ah ma kala kulmin.

Waxaan la yaabay dowlada markii hore ayada ayaa roobow dhaqaalo Ku bixinaysay oo kadaal ka  riixaysay oo xataa TVga dowlada propaganda ugu sameynaysay and suddenly they changed their mind and opposed him.

Share this post


Link to post
Share on other sites
1 hour ago, cadnaan1 said:

Waxaan la yaabay dowlada markii hore ayada ayaa roobow dhaqaalo Ku bixinaysay oo kadaal ka  riixaysay oo xataa TVga dowlada propaganda ugu sameynaysay and suddenly they changed their mind and opposed him.

Cadnaan, dowladda dhexe inay ku kala qeybsantahay laga yaabaa. It appears there is internal division, one side being kan baaqa wasaaradda magaciisa ku qoran, Isloow.

Also Shariifka can only be defeated by either Rooboow or former finance minister Farkeeti from Australia. Rooboow seems to be a people's guy in Baydhabo, plus he has the $ one needs. The populace are also tired masuqmaasuqa iyo wax qabad la'aanta baahsan by Shariifka. He can't even try to open jidka u dhaxeeyo Buurhakaba and Afgooye, the issue Rooboow already promised to solve.

There is also a third candidate, Saransoor, but taageero badan ma heysto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulankii Mukhtaar Rooboow iyo DF oo soo dhamaaday iyo isfagarad lagu gaaray

Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegayo inuu soo dhamaaday kulankii u dhaxeeyey xubno ka socday Dowladda Soomaliya oo uu hoggaaminayey Taliyaha Nabadsugidda Qaranka Xuseen Cismaan xuseen (Caloolkuus) iyo musharaxa u taagan xilka Maamulka Koonfur Galbeed Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur.

Kulankaan oo soo bilowday Xalay isla markaasna bilowgiisii aan si fiican la iskula fahmin ayaa daqiiqado ka hor kusoo dhammaaday Magaalada Baydhabo.

Sida uu Caasimadda Online u xaqiijiyey mid kamid ah xogheynta Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, Dowladda iyo Musharaxa ayaa gaaray heshiis iyo isfagarad.

Kulanka oo lahaa qeybo kala duwan ayaa ugu dambeyntii waxaa lagu heshiyey inuu Rooboow sii wato musharaxnimadiisa isla markaasna uu noqdo hoggaamiye hoos imaado Dowladda Dhexe kuna shaqeeyo amarada Dowladda  sida ay xogta hoose ku heshay Shabakadda Caasimadda Online.

Dowladda Soomaaliya ayaa Mukhtaar siisay raaligelin ku aadn warqaddii kasoo baxday Dowladda inkasto arrintaan aan la hubin.

Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa laga yaabaa inay soo saarto waraaq kale oo ay ku caddeyneyso inay ka laabatay go’aankii hore ee ahaa in Abuu Mansuur laga joojiyo musharaxnimadiisa.

Ilo ku dhow labada Dhinaca ayaa  xaqiijiyay in Hotelka uu Wafddiga degay ay gacanta ku hayaan ilaalada Mukhtaar Roobow,waxaana uu Mukhtaar u sheegay taageerayaashiisa in uusan dhib jirin sidaas darteedna ay nabad ku seexdaan.

Kulan ay xalay goor dambe yeesheen ayaa Mukhtaar loogu sheegay in aysan jirin waxa suuqa la geliyay ee ah in la xirayo.

Wafdigii Dowladda ka socday oo ay ku jireen qaar ka tirsan Xildhibaanada Koonfur Galbeed ku matalo Dowladda Dhexe ayaa la filayaa inay saacadaha soo socdo kasoo duulaan Magaalada Baydhabo maadaama uu soo dhammaaday kulankii labada dhinac u dhaxeeyey.

Dhanka kale Sida ay ogaatay Caasimadda Online, madaxda dalka ayaa isla ogeyn waraaqdii kasoo baxday Wasaaradda Amniga, waxaana la xaqiijiyey in waraaqdaas laga soo qoray Xafiiska Ra’isulwasaare Kheyre uusan xataa war u heyn Wasiirka Amniga.

Sidoo kale waxaa soo baxayo warar kala duwan oo ku aadan in Waraaqdaas cadaadiskeeda ay ka timaaday Beesha Caalamka, iyadoo warar aan la hubin sheegayaan in Beesha Caalamka aysan lug ku laheyn isla markaasna aysan ka warqabin waraaqda kasoo baxday Wasaaradda Amniga.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Beesha Caalamka iyo ROOBOOW oo ka heshiiyey musharraxnimadiisa K/G

mush.jpg?w=696&ssl=1

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa gaaray wafdi ka socday Q.Midoobe iyo Ururka Midowga Afrika, Wafdigan caalamiga ah ayaa ujeedkiisu ahaa sidii uu u indha indheyn lahaa qaabka ay u socoto qaban qaabada doorashada madaxtinimada maamulka Koonfur galbeed.

Nicholas Haysom oo ay Ergayga Q.Midoobe uqaabilsan Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madiera ayaa kulan albaabadu u xiranyihiin laqaatay dhammaan musharrixiinta utaagan xilka madaxweynaha Koonfur galbeed waxaana kamid ahaa Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur.

Wafdiga ka socday caalamka ayaa si rasmi ah u aqbalay musharaxnimada Mukhtaar Rooboow oo dowladda Federaalka ay horay uga joojisay in uu tartanka ka qeyb galo sida ay sheegayaan siyaasiyiin ku sugan magaalada Baydhabo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Rooboow uu kulamo laqaatay Nicholas Haysom uuna uballan qaaday in uu la shaqeyn doono haddii uu kusoo baxo xilka madaxtinimada Koonfur galbeed.

Warar horay usoo baxay ayaa sheegayay in qaar kamid ah hay’ada Q.Midoobe ay gadaal ka riixayaan musharaxnimada Rooboow waxaana jira xifaaltan dhanka siyaasadda oo uu Afhayeenkii hore ee Al Shabaab kala kulmayo siyaasiyiin deegaanka ah oo ay wadato DF-ka.

Doorashada madaxtinimada maamulka Koonfur galbeed ayaa lafilayaa in ay qabsoonto 17,Novembar 2018 oo ay naga xigto 16 maalmood.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inuusan Roobow doorashadaas ka qeybgeli karin iyadoo fulineyso heshiisyo caalami ah oo ay gashay.

Dowladda Soomaaliya oo dhawaan Magaalada Baydhabo kula kulantay Roobow ayaa lasoo sheegayaa inay go’aankeeda ka laabatay inkastoo aysan si rasmi ah u shaacin.

Roobow Abuu Mansuur ayaa wado loolan adag oo dhanka Doorashada ah, wuxuuna ku jiraa Liiska Musharixiinta loo saadaalinayo inay xilkaas qaban doonaan.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Today, Rooboow met ardeyda Baydhabo iyo macaliimiintooda. It seems he has a considerable public support, but will that translate into xildhibaanada Koonfur Galbeed's support. It is usually who is paying the highest that will get the votes. Will Qadar fund Rooboow, though dowladda dhexe would not like that. We will see.

He also seems to be the only musharax that talks about what he is specifically going to do and what his policies are. He should formulate those policies down, though. He needs real seasoned political advisers.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Arrimo dhowr ah oo u horseedi kara Rooboow in loo doorto madaxweyne

Musharax Madaxweyne Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, ayaa heysta dhowr Fursadood oo uu ku noqon karo madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed, kadib doorashada 17 Bishaan ka dhaceyso magaalada Baydhabo.

Wuxuu shaaciyay waxyaabaha uu qaban doono haddii loo doorto madaxweynaha Koofur Galbeed, waxaana uu sheegay inuu xooga saari doono iskuulada wax lagu barto iyo goobaha diinta lagu faafiyo.

Fursadda koowaad ee Roobow uu ku noqon karo madaxweynaha koofur Galbeed ayaa ah Khilaafka u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo madaxweyne Shariif Xasan, oo sababi kara in labada dhinac “Shariif Xasan iyo Musharaxa DF taageersan tahay” aysan heli fursaddaha codadka xildhibaanada.

Waxay taasi siin kartaa Fursad uu ku heli karo codadka ugu badan, maadaama Shariif Xasan uusan heysan taageero badan, Xildhibaanadana ay dhaqaalo qaadan karaan kadibna dooran karaan Musharax ay talo ku yeelan karaan go’aanadiisa.

Fursadda labaad ee Roobow uu ku noqon karo madaxweynaha Koofur Galbeed, ayaa ah inuu kasoo jeedo Beesha **** gaar ahaan ****, Xildhibaanada **** ayaa horey u taageersanaa Shariif Xasan oo Abti ay u yihiin, maadaama ay yaraayeen musharixiinta beeshaasi kasoo jeedo oo codadkooda ay siin karaan.

Maadaama hadda ay heystaan nin kasoo jeedo **** oo taageero badan heysta, waxay taasi keeni kartaa in xildhibaanadii horey ugu codeyn jiray Shariif Xasan inay codkooda siiyaan Muktaar Rooboow, waxaana ay heystaan tiro xildhibaano ah.

Arinta seddexaad ee keeni karta in Rooboow madaxweyne noqdo ayaa ah, inuu horey u balan qaaday in Goobta dhibaatada ugu badan ay ka jirto Koofur Galbeed oo ah Shabeellaha Hoose inuu wax badan ka qaban doono isbaarooyinka qabiileed ee yaala Shabeellaha Hoose iyo Al Shabaab.

Balanqaadkaasi ayaa u sahli kara iyo xildhibaanada ugu badan ee **** inay taageeraan oo codkooda ay siiyaan, maadaama uu lasoo shaqeeyay Al Shabaab, uuna yaqaano xogo badan iyo hanaanka loola dagaalamo, maadaama Al Shabaab ay dhibaato badan ku hayaan Shabeelaha Hoose.

Wuxuu sidoo kale heli karaa taageerada beelaha kala duwan ee Koonfur Galbeed oo doonaya in deegaanadooda ay noqdaan goobo nabdoon, waxaana xildhibaanada qaar ay u balanqaadeen taageero badan.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Daawo Gudiga Doorashada oo soo saarey Shuruudaha doorashada Koonfur Galbeed oo la soo saaray

Shuruudaha ayaa kala ah:-

1 - Inuu yahay muwaadin Soomaali ah, una dhashay deegaannada Koofur Galbeed, oo aan qabin xaas ajnabi ah.

2 - Inuu muslim yahay, kuna dhaqmo diinta islaamka.

3 - Da’diisu in aysan ka yarayn 40 sano.

4 - Inuu leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo u qalanta xilkaas.

5 - In Dhimirkiisu dhan yahay.

6 - In uusan galin dambi culus oo ay maxkamadi xukuntay.

7 - Inuusan haynin wax xil ah oo loo magacaabay

8 - Bixinta curaar dhan $20,000 (ragga), $10,000 (dumarka).

9 - Inuu u hogaansamayo habraaca guddiga qabanqaabada doorashada, iyo inuu ku qancayo natiijada.

Wuxuu kaloo guddigu soo saaray jadwalka loo marayo doorashada, sida diiwaangelinta murashaxiinta, shirarka guddiga doorashooyinka, iyo hadal jeedinta murashaxiinta.

Doorashada waxaa ka qayb galaya dhowr iyo toban murashax oo ay ku jirto hal gabar – Aamino Maxamed Mursal – waxaana murashaxiinta ka mid ah madaxweynaha maamulka haya, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Qodobbada uu soo saaray guddiga ayaan la ogayn sida ay u saamayn doonaan murashaxiinta qaarkood, iyo in ay u hogaansami doonaan.

Shalay ayey ahayd markii warbaahinta maxalliga qaarkood ay sheegeen in loo ogolaaday Mukhtaar Roobow oo hore u ahaa mas’uulka labaad ee ugu sarreeya Al Shabaab uu u tartami karo madaxtinimada Koofur Galbeed.

Dadka wax indha indheeya waxay sheegayaan in doorashadan ay muhiim u tahay maamul goboleedyada dawladda ku kacsan iyo xukuumadda federaalka, kuwaasoo si aan toos ahayn isugu bowdyo-qaawinaya, kuna dhex loollamaya doorashadan.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

niyoow Roobow is under attack from Farmaajo and khayre who want to elect their own stooge.  but the parliament warn them now. 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

I guess he had no qualms paying the musharax fee of $20,000 US.

Mukhtaar Rooboow oo noqday musharixii ugu horeeyay ee shahaadada musharraxnimo qaata

image.png

Xilli Ololaha doorashadda Madaxtinimadda ay si xowli ah kaga socoto Magaalada Baydhabo ayaa hadda waxaa bilowday Musharaxiinta doonaya in ay isdiwaangaliyaan si loogu ogolaado in ay tartamaan.

Musharaxii ugu horreeyay ee isdiwaangaliya waxaa noqday Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo horay dowladda Soomaaliya ay ugu diiday in uu ka qeyb galo doorashadda Madaxtinimada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa Baydhabo ka socotay diiwaangelinta musharixiinta 10ka ku dhow ee u sharaxan xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la filayo in 17 bishan ay ka dhacdo Magalada Baydhabo.

Guddiga doorashadda Koonfur Galbeed ayaa u ogolaaday Mukhtaar Rooboow in uu ka mid noqdo Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimadda Maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa uu sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in uu noqdo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in Roobow wali saaran yihiin Xayiraadii la saaray xilligii uu ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab.

Xigasho

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
2 hours ago, Che -Guevara said:

Sharif is out. It is now between Roobow and Fed's handpicked man.

Federal will have to promise ministerial or at least ambassador to UAE or Qatar or Saudi Arabia, position to Sherif to endorse their candidate.

A lot of local MPs ...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada K/Galbeed iyo shirar dhacay

45799721_2221717181420680_20937134491828

1.jpg

Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya David Concar ayaa magaalada Baydhabo kula kulmay musharixiinta Koofur Galbeed ee u taagan qabashada xilka madaxweynaha Koofur Galbeed.

Musharixiinta ayaa safiirka u gudbiyay walaaca ay ka qabaan doorashada Koofur Galbeed, waxaana dhankiisa uu kala hadlay sida ugu wanaagsan ee ay ku dhici karto doorasho xor ah oo Musharixiinta ay ku wada qanacsan yihiin.

Mukhtaar Roobow ayaa kamid ah musharixiinta kasoo muuqday kulanka dhexmaray Safiirka UK ee Soomaaliya iyo musharixiinta Koonfur Galbeed, waxaana kulanka maanta uu ka dhacay xarunta QM ee magaalada Baydhabo.

7 Maalin ayaa ka harsan waqtiga loo balansanaa inay doorasho kaga dhacdo magaalada Baydhabo, waxaana doorashada sanadkaan ka qeyb galeynin Shariif Xasan Sheikh Aadan oo iska casilay xilka madaxweynaha kana tanaasulay Musharaxnimadiisa.

Musharixiinta ayaa doonaya in dib loo dhigo doorashada, laakiin dowladda ayaa dooneysa inay waqtigeeda ku dhacdo doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Safiirka UK ee Musharixiinta la kulmay ayaa kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan sidii si nabad galyo leh doorashadaasi u dhici laheyd.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.