Sign in to follow this  
Maaddeey

Ayaantoo aa waxa la dhahay....

Recommended Posts

Maaddeey   

Tuujiye, waa mahadsantahay Sxb.

 

Suldaankii Gelledi ee sanadihii 1800 & halahoo xukumi jiray Shabeellada Hoose ayaa waxaa ku kacay Biyomaalka oo iyagana Saldana kale lahaa, Aakhirkiina waa dileen miskiinka, Waxaa la dhihi jiray Alle ha u raxmadee Suldaan Axmed Yusuf. Gabar uu dhalay Suldaanka aa iyadoo Aabaheed raadineysa soo gashay Magaalada Marko, waxay la kulantay Nin Biyomaal ah waxaana dhex maray sheekadaan oo si gabay ah isu dhaafsadeen:

 

Gabadhii waxay tiri:

Shucbaale aan kuu gadaa aad shuun ku xiiratee

Shuqo aan kuu xiraa aad ku shoobtidee

Shood bun aan kuu tumaa aad sharuursatee

Aabow Shooblahayga ma ii sheegi kartaa.

Ninkii, iskama waaline asna wuxuu ku jawaabay:

Shucbaalahaaga ad shuun ku xiiro

Shuqadaada adlee ku shoob

Shantaada bun adlee sharuurso

Aabow shooblahaaga an kuu sheego

Aw-shaafac aa shufta looga gooyey

Humbow waraabaa hambuuqahaayay

Haad boorraa hirrigey ku haayay

Hablahaynaa har-haraatihaayay

Hirka maanyaa hab-dhabow ku haayay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qorax   

kkk@Madeey abaa hee carabka ha iska dhawinle se oo u mojujihesid muruqle kagelin sheegbo adi saan cajal le sa u dhagesaheysay o uqorqoreysey runta in shegbal siyeed saac mas ku qadatey in qoralkan ku qortid?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^^Qorax, duqa saas aan u hadlaa ka warran hee!, maxaa sheekadaan 'Riwaayadii Shumey' iney ku jirto maa u maleysay?. :D

 

Ps. Sheekadaan waxan ka guuriyey sheeko caan ah oo la yiraahdo 'Aniga & Aniguna' waxay ka billaabaneysay: Beri baa waxaa jidhi jidhay laba dabagaalle, ka wayn waxa la odhan jidhay.., waxaan isticmaalaa, anigoon rabin markii la i warsado inaan sheekeeyo!. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

:D Waa Mucjiso iyo yaab.

 

Shucbaale ma makiinad baa, Shuun mar hadii la sheegay, kollayba Shucbaaluhu waa Makiinad.

 

Shooble, Shoobis, Shuqqo, Booraa, Hirrigay, Shood, Sharuursi:

 

Maadeeye, saaxiiboow bal inoo sharrax. Beryahan, dad fara badan ayaa kaa dhex hadlayee..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ms MoOns   

I actually understood it perfectly.

Enjoyed reading it!!

 

My cousins and their mum are asharaaf, and they talk like that. Lol.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this