Deeq A.

Ilhaan Cumar oo guul taariikhi ah ka gaartay doorasho xalay dhacday

Recommended Posts

Deeq A.   

Minnesota (Caasimadda Online) – Ilhan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa u muuqata in ay noqon doonto gabadhii ugu horreeysay oo Muslin ah oo loo doorto aqalka Congress-ka Mareykanka kaddib markii ay ku guuleysatay doorashada horudhaca ahayd ee xisbiga Dimuqraadiga  ee kursiga shanaad ee Minnesota talaadadii.

Ilhaan Cumar oo ay da’deedu tahay 36 ayaa ah Soomaali Mareykanka ku soo gashay qaqaxootinimo iyada oo da’yar, waxa ay ka adkaatay lix musharax si ay u buuxiso booska uu hadda ugu jiro xisbiga Jamhuuriga Keith Ellison.

Ellison waxa uu go’aansaday in uu u tartamo xeer ilaaliyaha guud ee Minnesota halkii uu ku soo laaban lahaa Congress-ka; waxa uu la kulmay eedeemo la xiriira tacadiyo maxali ah maalmihii ugu dambeeyey ee ol’olihiisa.

Ilhaan Cumar waxa ay u muuqataa in ay hadda iyada cid aan ahayn ku soo bixi doonin kursigaas bisha November doorashada dhici doonta.

Waxa ay ku biiri doontaa Rashida Tlaib oo noqotay gabadhii ugu horreeysay oo Muslin ah oo loo doorto aqalka Congress-ka.

1534307691.tRavC6acZ23wrQ0O.jpeg

Tlaib waxa ay doorashooyinka horudhaca ah ku guuleysatay toddobaadkii hore si ay u bedesho Jogn Conyers oo Jamhuuri ah kaas oo fadeexado lagu helay kaddibna is casilay.

Congress-ka waxa ay hadda leeyihiin laba xildhibaan oo Muslim ah – labada oo uu ka mid yahay Ellison waa rag.

Ilhaan Cumar waa gabadhii ugu horreeysay oo Soomaali American ah oo loo doorto kursiga xildhibaannimo ee gobolla Minnesota ama kursi dhan oo loo tartamo oo Mareykan ah.

Dhanka kale, Maxamuud Nuur, oo isna ah Muwaadin Soomaali-Mareykanka ah ayaa ku guuleystay Kursigii Ilhan Cumar baneysay ee [60B district], ee Gollaha Sharci-dejinta gobolka Minnesota.

Sidoo kale, Hodan Xasan, oo ah Gabar Soomaali-Mareykanka ah ayaa ku guuleystay kursiga [62A district] ee Gollaha Sharci dejinta Minneapolis, waxaana saddexda qof ay noqdeen kuwa guushooda aad u farxad gelisay jaaliyadda Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Minnesota
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Three Somalis in MN have won last night in their respective primaries. And it seems they'll win in November as their districts are quite blue.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.